Waxaa la wada ogsoonyahay sida ay ku
yimaadeen Xildhibaan ku sheegyada
Dowlada Somalia ka jirta.
Sidee ayeey Xildhibaan ku yihiin?
Shacabka Somaliyeed ma soo dooran kuwaan
xildhibaanada sheeganaaya ee dagaal
ogayaasha ka kooban. Ma fiicna in Ummada
Somaliyeed laga beensheego, oo
xildhibaan ayan war ka haynin meel uu ka
yimid & cid uu ma talaayo & cida soo
dooratay toona in lagu sanduleeyo.
Waxayna ka midtahay arintaasi Haqdarada
& Cadaalad la,aanta haysata dadka
Somaliyeed.
Waxaad ogtihiin in shirkii ibigaati,
Kenya ay dhamaan dagaal ooge,yaashii ay
isku magacaabeen in ay iyagu yihiin
Xildhibaaanada Somaliya, waxayna
Xildhibaano ku noqdeen Qori caaradiis &
Xoog.
Waxaa kale oo labeeyey oo kale, Oday
dhaqameed af,mishaar ah, oo iyagana
keensaday wiilal yaryar oo ay adeero u
yihiin oo aan waxba ka aqoon xilkaasi
weyn & waayo aragnimo
ay u leeyihiin, deegaanada Somaliyeed &
dhaqanka Somaliyeed toona.
Kuwaas oo aan ahayn dad u qalma ama
aan buuxinkarin, maqaamka Xildhibaan
laga doonayo.
Carta, jabuuti.
waxaa sanadka markuu ahaa 2000 ay dad ka
mid ah dadka Somaliyeed isugu tageen
Magalada Carta, jabuuti. Waxaa lagu soo
dhodhoobay dowlad ku sheeg ay
kooxo Af,mishaaro ah soo doorteen oo
ay halkaasi madaxweyne uusan Shacabka
Somaliyeed soo dooranin ku soo
doorteen.
Madaxweynahaasi oo isla markiiba isku
badalay horjooge koox-beeleed.
Waadna wada ogtihiin wixii uu ka dhex
abuuray Beelaha ku abtirsada Hawiye,
bal iskaba daaye Beelihii kale ee
Somaliyeede. Dowladaasina waxay ku
dabeeysay fashil & foolxumo.
Inbigaati, Kenya.
Waxaa ku xigay Dowlad ku sheegtii lagu
soo dhob,dhoobay Ibigaati, Kenya October
2004,kii.
Waxaa Laalush ay ku doorteen Shaqsi geed
gaaban & geed dheerba u fuulay sidii uu
mar,uun
uu ogu fariisan lahaa, Kursiga
madaxweyne ee Somaliya. isaga oo
ujeedadiisa ogu weyni ay ahayd,
in uu baabi,iyo Beel weeyn ilaah,baa
weyne oo ka mid ah Beelaha Somaliyeed.
isaga oo si Cad ogu dhawaaqay una
sheegtay, in ay dhacayso wixii dhacay
1991dii.
Shakhsigaasi waa,uu kaga dhabeeyey
Ruyadiisii cadaawada ahayd ee Aargoosiga.
Laakiinse waxa aan fiicnayn oo dhan
fashil & waji gabax ayey ku dhamaadane,
si xun ayuu ku tagay.
Jabuut, Jabuuti
Waxaa Bishii January 30- 2009kii hadana
lagu kulmay magaalada, jabuuti ee dalka
Jabuuti,
Waxaana lagu soo dhisay uu Madaxweyne ka
yahay, horjoogihii maxaakiimta,
Sheekh Shariif Sheikh Ahmed.
Isaga oo Ra,isul wasaare u magaacabay
Cumar Cabdi Rashiid.
Sheikh Shariif, Shakhsi aantiisa waxaan
u maleeynaayaa, in uu labadii hore ka
roonyahay,
marka laga eego xaga Aqiidada &
Shakhsiyada Qof,ahaaneed &
mid Bani,Aadam,nimo intaba.
Taasina waa aniga aragtidayda,uun & waxa
ay ila tahay. Sheikh Shariif Sheikh
Ahmed
waa shakhsi Hogaamiye wanaagsan noqon
lahaa hadii uu heli lahaa Shacab fiican
oo wadaniyiin ah.
Laakiinse nasiibdaro lafo xaaraan ah
fuud xalaal ah lagama miiro,e waxaa
Madaxweyne u soo
doortay Xildhibaano ku sheegyo sida ay
xildhibaano ku noqdeen ay xaaraantahay
oo aan rabitaanka Shacabkooda ku
imaanin. Waxaan halkan ku xusayaa in
hadii si dimoqoraadiyad ah madxweyne uu
isku soo taago in aan aniga qudhayda
dooranlahaa una ololayn lahaa in isaga la
doorto. Waa hadii uu
si xalaal ah u soo istaago
Sheikh
Shariif Sheikh Ahmed (Somali Democratic
Presidential Candidate)
Talo soo Jeedin
Waxaan soo jeedinayaa ka dib marka aan
eegay oo dhuuxay marxalada ay ku
suganyihiin dadka Somaliyeed
& Wadankaba, in Madaweyne Shikh Shariif,
ku soo Rogo Xukun Dagdag ah (Martial
Law) si ku meel gaar ah, inta laga
baxaayo marxaladan xun & khatarta ay ku
jiraan Ummada Somaliyeed.
Waxaa kale oo aan soo jeedinayaa in la
cayriyo oo la kala diro, dhamaan
Xildhibaan ku sheegyada Barlamaanka ee
ay waxba ka socon la,yihiin mudada
dheer.
In Golaha Amaanka ay Ciidamo Nabad
curiyayaal ah isla markaasina Nabada
ilaaliya ay Somaliya
u soo diraan si degdeg ay ku jirto.
Ayaga oo u naxariisanaaya Shacabka
Somaliyeed ee dhamaanaaya.
In aan Shirweyne Somali u dhantahay
Muqdisho lagu qabto oo dowlad Shacabka
doorto lagu dhiso.
In Caalamka Nabada qaba ay noo
garsooraan isla markaasina Dowlad loo
dhanyahay oo si siman loo qaybsado
halkaas aan ku dhisano.
Dowladaas oo Barlamaankeeda ay soo
doortaan Shacabka, Xildhibaankuna ka
yimaado deegaankiisa.
In Markaasi Madaxweynahana uu
Shacakiisa doorashadooda uu ku yimaado
si shaciga doorashooyinka
waafaqsan kuna maamulo isaga oo haysta
kalsoonida Shacabkiisa.
Dastuurka 4.5
Waa in la joojiyaa oo aan mar dabe
sharciga Somaliya aan lagu soo darin 4.5
Ma jiraan Beelo dhan & Beelo Nus ah oo
aan dhamayn. Majiro Qof Nus ah &
mid buuxa Qof kastana waa buuxaa wixii
alle siiyey. Beelaha Somaliyeed waa wada
simanyihiin ee marka labaad ee aan
Dastuur sameeysaneeyno, yaan lagu
fikirin 4.5 waa cadaalad xumo arintaas &
Beelo
Somaliyeed oo meel looga dhacaayo
sharaftooda.
Sidaas ayeey Dowlad xalaal ah ku imaan
kartaa. Hana ka iilanina in aad waxa
xaqa ah
oga hiilisaan wax aan xaq ahayn oo
duliga & Cadaabta ay idinku sii socoto.
By. Mohamed Omar Osman
North America
world9peace@yahoo.com