|

Nin Toosan Xal Lagu Tartamo Ma U
Arkaa Ka Tanasulidda Jiritaanka “Soomaliya"
Waa gef iyo meel ka dhac ku
meermeeraysiga ka hadlida xalka Somaliyo oo lagu xiro
shakhsiyaad imaanayo oo tegayo, mid walbana tartartan ugu jiro
hanashada hogaaminta Somaliya iyo noqshada kii soo hooyo guul ay
Somaliya ka gaarto dib u soo noolaynta dowlad Somaliyeed iyo
sharafki ummaddaan ama kii noqdo mid ku howl-gala ama lagu
howl-geliyo dhibaataynta ummadda Somaliya ,midda kale xaqiiqana
ah waxay tahay mid horay noo soo maray iyo mid dhimanba ma jiro
hogaamiya Somaliyeed oo maanta si madaxbanaan ku hanan karo
mansabka u sareeyo ee dalkeena, taasna daliilka ugu fudud oo aan
idin siinayo wuxuu yahay, muxuu Dr Maxamud M Culusow ka doonay
Addis-ababa kolki ay xabashida ciidankeeda maroogsinka dhigteen
magaala madaxda ummadda Somaliyeed "Muqdisho" ,wallow ay xabasho
ku hungowday danteedi iyo tii loo soo dirayba waayo iyada
kaligeed kuma dhiiran gelintaanka caasumadeena .waxaan rabaa in
aan Dr. Maxamud
M Culusow weydiiyo inta
aanan hoos ugu gudbin qoraalkan guntiisa ,Saaxibow wax nooga
sheeg adiga iyo odayaashi halkaa kuu raacay maxaa kala soo
kulanteen Addis-ababa, maxaasa u doonteen halkaa haddii ay
idinka idinka timid iyo haddii la idinkugu yeerayba?
Dr Maxamud M Culusow iyo
shakhsiyaad badan oo la mid ah sida Prf
Abdi Ismail Samatar xeel
ma laho,xoogna ma-laho, xogna ma-laho ,xodxodashana ma-laho
waxaa intaa u dheer Garna ma gasho garna kama baxdo
,qoraaladooda iyo hadaladooda waa joogto aanan marnaba lahayn
nuxur iyo tilmaan cad oo loogu soo hagaago, waxayna badankooda
salka ku haayaan eedeyn dhamaadkeedu yahay bookti ma bogsoon,
xuruuftooduna tahay haan ma buuxshe ,magacana badankoodu waa ka
Doktoor, caqligana waa ka qabiiliiste ama mansab ma ka heshaa
kooxdan ama taas iyo sidaan rabo ha lay yeelo, dareenkoodu waa
ka maqan-tahay bushikeena waa labaatan jirsaday , weli ma aynan
garan Cali Mahdi waa daawade ,Caydiid waa xijaabtay,
Cabduqasim,Ina Galayr iyo Xasan Abshir waa ma quustayaal oday
Siyaad meel kaga dhacay , Cali Geedi waa la siibay, Cabdullahi
Yusuf waa ka hoos baxday ,Xabasho iyada waa ismoog ,oday Nuur
Cade sidi wax loogu diray waa looga helay , Ugaandeeska iyo
Burundi waa Nuur-cadayaal,Ariteree waa caruur jingeeda iskala
weyn, Aweysna waa xaalkiis mooge ku waashay fulaan waa gaal
,Godane war isuma haayo , Shongole ma yaqaan dhanka laga jiro
,Abuu Mansuur waa nin aar ku jiro, Macalin Xaashi waa mooryaan
hore ,Cali Raage iyo Cali Xuseyn waa adeegayaal wacan, Riyaale
iyo Faroole manaasibkooda waa sugayaal qoraxda Muqdishu dhankeey
ka soo baxaysaa,Axmed Calin waa ku dayasho iyo iska yeel yeel
,Shariif Xasan isagana waa dumyo(Boombalo) dadka Libaax looga
dhigay, ina Cabdirashiidna waa meeshiis ku suge xarigi lagu
khaarijin lahaa inta laga tidcayo.
Dr. Maxamud M Culusow,
Prf
Abdi Ismail Samatar
iyo ragga la midka ah
intaa keddib weli ma aynan
garan Shariif Shiikh Axmed ha laga warsugo halka la mariyo iyo
halka uu wax mariyo, ama la imaada wax ka duwan waxay na bareen
cadawga ummaddeena ama aamusnaanta noogu roonaada.
Raggan aan soo tiranay geddigood
kuma jiro nin isaga kaligii awood u helay gaariista mansabka uu
haayo isaga oo aanan la kaashan ciyaaryahannada aanan muuqan
iyagana dowr weyn ku leh dhibaatada dalkeena ka aloosan tan iyo
inti awooda laga faramaroogsaday rejiimki Maxamed Siyaad allah
ha u naxariistee.
Kuye waa Dr Maxamud Culusow, xalka lagu
tartamayo waa ka tanaasulida jiritaanka Somaliya ,saaxibow horta
maxaan gacanta ku haynaa oo aan ku tartanaa ,miyaadan ogayn in
ay Ninki heleen, ninka ay u arkeen in uu yahay kay rabeen oo
kula socon karo maslaxada ay dalkeena ka leeyihiin,dadkiisa iyo
dalkiisana wax u qaban karo waa sida ay iyaga u arkaane ,dalkana
awalba ma maqnayn ,xuduudihiisana waa macruuf, waxaa su'aal u
baahan dadki Soomaaliya lahaa mee?
Su'aal kale oo iyada lama huraan ah waxay
tahay ,annaga, waa Soomaliye; maxaa inoo diiday in aan u
istaagno helitaanka hogaamiya ka madaxbanaan liiska
howlwadeenada calaamadaysan iyo kuwa tartanka ugu jiro in iyaga
la calaamadeeyo, laguna yiraa waa adiga ninki aan doondoonaynay
in muddaaba. Somaaliyey maxaa inoo diiday helitaanka hogaamiya
dib u soo nooleeyo sharafti ummaddeena isaga oo kaashanayo
dadkiisa ,iyagana ay diyaar ula yihiin gacan buuxdo oo ay taa ku
siiyaan ,jawaabta su'aashan waxaan u daynayaa aqrisatayaasha
,laakin waxaan ku darsanayaa; ogow inta aadan ka jawaabin
su'aashan waa in aad jawaab u heshaa horta waayo cadawga
dalkeena iyo dadkeena ?.
Aan yara xooga wax ka
taabto doqonka saxaafada Soomaliya inta aanan u gudbin gunta
qoraalkaan, ummaddan cadawgeeda koowaad ee isu kaashtay daadinta
dhiiga dadkeena ,burburinta waddankeena iyo barakicinta dadkiisa
gudaha iyo dibadaba waa dadkeeda, waa midkeeda aqoonta leh ee
aan ku kalsoonayn naftiisa,mansab iyo jaahna ku doonayo in uu ku
gaaro magac qabiil ama u adeegida dadyow kale ee danahooda u
taagan , ummaddan cadawgeeda koowaad waa saxafi doonayo in uu
magac ku yeesho cayda dadka ,ka beensheegida cidwalbo oo aanan
ogolayn qaabxuma u socodkiisa ,caadaysiga af-xumo,qadaf iyo
buhtaan aanan loo meel dayin ,isku dirka dadkeeda qabiil ahaan
iyo shakhsiyaad ahaanba, cayda hogaanka ummadda iyada oo aanan
wax tixgelina la siinayn mansabka shakhsiga cayda lagala dul
dhacay iyada oo lagu diidayo kaliya in saxafigan uunan dooqiisa
ka helin sida uu shakhsigan wax u dhaqayo.
Umaddan cadawgeeda koowaad
waa odayaashi dhaqanka oo kaalintoodi gabay si cadna aanan u
sheegi Karin taa, ha gebaane waxaa wax walba inooga daran in ay
soo baxeen odyaal afmiinshaara ah oo ku adeeganayo magacoodi,
odayaashi hore wax ay ummaddooda u qabtaan iska-daaye waxay
gebeen toodi khaaska u ahayd, waxayna badankooda baxsad ku
joogaan dalalka deriska nala ah.
Ummaddan cadawgeeda waa
wadaadadi laga rabay in ay ummaddan u iftiimiyaan macaanka
diintooda,waxaa beryahan inoo soo baxday in ay iyagaba aynan
badankooda aqoon fiican u lahayn caqiidada ay sheeganayaan taas
oo ay u dheer-tahay iimaan-xumo sal u ah in ayba halki diin ka
dhigeen tobaneeyo, ayagana ay ku kala biireen xisbiyo ka baxsan
xayndaabka halka xisbi oo ay ummaddan ku abtirsado lana yiraa
Islaam(إن
الدين عند الله الإسلام ).
Weliba wadaadan falalkooda qaar markaad hoos u sii dheehato
waxaad shaashada ka arkaysaa in aynan xitaa war u hayn diinta
yaa loo soo dejiyay ,yaa la gaarsiinayaa iyo waayo cadawga laga
difaacaayo, goormase ruuxa beni'aadamka uu cadaw lagu dagaalo
diinta Islaamka noqan karaa.
War ummad-yaheey ma ahan
mid sahlan in ay maanta Somaliweyn meel isku-raacdo,kana soo
dhalaasho la imaanshaha dib u-soo celinta dowlad Somaliyeed oo
hay'adaheedi oo dhan wada shaqaynayaan, waayo waxaa dhax-yaal
derbi aad u weyn oo aan annaga gacanteena ku dhisnay
,cadawgeenana ay ku xardheen kaa waa cadawgaada, kaa isku qabiil
ma tihiin ,kan waa kii shalay walaalkaa riday ,kan waa kii
xukunka ku maroorsaday xoog, reerkiinana gumaysan jiray ,kaa waa
kii kaa soo barakiciyay xamar cade ,kaa waa kii aanan wax idinka
siin midnimadi aad xamar geyseen, kaa waa kii diinta ka qaatay
dal hebel ,iwm kaaaaaaaaaaaaaaa,kaaaaa.
Dad badan waxay u haystaan
in dalkan u kala qoqoban-yahay DMQ ,Puntland, Somaliland,
Galmudug land iyo Al-Shabaab land .wax yar isdeji ,in yar ka
fikir madaxda hay'adaha aan kor ku soo xusnay marka laga reebo
Al-Shabaab iyo Xisbul-islaam waxay si joogta ah ugu safraan
debadda dalka ,hadaba isweydii yaa kharajkooda bixiya, xagey
amarka ka qaataan, yey kala tashadaan meelaha ay safarka ku
tagaan ama yaa u soo jeediyo halka ay safar u aadayaan una
fududeeyo howlaha safarka iyo diyaarada ay raacayaan intaba ,iyaga
Al shabaab iyo xisbu-islaam mugdi ayaa wax lagu siiyaa lagana
yaabee in ay daaha gadaashiisa ugu jiraan isla kuwa gadaal ka
maamulo maamuladan aan kor ku soo xusnay.runti Somaliya waa la
kala qoqobay waxaysa ka kala qoqoban-tahay annaga oo
kaliya(Soomaali), laakin waxaan la iska indha tiri Karin in
geddigeenba hal gacan gadaal naga maamusho sida ay doontana ka
yeesho hogaamiyayaasheena , Somalida waxay Tiraahdaa "waa
tashanaynaa ,Ilaaheyna waa tashanaa " wax walbana waxay ku
dhamaanayaan sida Ilaahey ka doono ,Ilaaheyna wuxuu na baray in
u xaqa mar walba garab taagan yahay ,haddaba sidaa daraadeed
haddii aan u istaagno doonista wixi aan xaq u leenahay, waxaa
hubaal ah in ay guusha innaga nagu danbeynayso, laakin haddii
howsheena ku soo idlaato Fulaan waxbuu xadayaa, mansabkaana xaq
uma leh iyo wixi la mid ah, howsheena dhamaadkeeda waa guul
darro, tan macnaheeda ma'ahan in raali laga noqodo ruux fasaad
ah laakin waa in loo istaago sidi dalkeena aan horta gacanta ugu
dhigi lahayn keddibna uga sifeyn lahayn nin walbo oo lagu
cadeeyo falxumo iyo fasaad taariikhda u gashay.
Hadda iyo gunta qoraalkan
wuxuu yahay in shakhsiga Somaligaa uu Afar shay mid la yimaadaa
1)
in uu istaago waddanka iyo
dadkiisa kana soo dhalaalo wax u qabadka dadkiisa isaga oo aan
xagxagan qeyrkiis.fiira gaar, waxaa jiro rag iyo dumar badan oo
sidaa yeelay ,howla badana waddanka u qabtay, lana hubo howshey
qabteen in ay iyada ka soo sara-mari-doonta wixi xun oo dhan.
2)
Af daboolan dahab
3)
In uu dowr ka qaato howsha
socoto ,lana shaqeeyo kooxdi uu u arko in ay ku taagan tahay
waddadi ummaddaan kaga bixi lahayd dib-jirnimada iyo kala
qoqobnaashada. Waxaan uga jeedaa ruuxa beni'aadamkaa wuxuu ku
haboon yahay in mowqifkiisa cad-yahay
4)
Afar in uu dhaxdhaxaad ka
yahay dhamaan kooxahan isku haysto gacan ku dhigida halbowlaha
laga maamulo dalka Somaliyeed ,dhalishiisa iyo amanntiisana ku
salaysnaadaan wax cad oo ay dan ugu jirto ummadda soomaaliyeed
oo dhan.
Ujeedada qoraalkan waa sidee qoona loo
xagtaa ilkana ku nabad galaan, Somaliyeey waxaa aad inoogu batay
dad ku howlan dana gaar ah ,wax walbana u burburinayo sida ay ku
gaari lahaayeen mid ka baxsan danta guud ee ummadda Somaliyeed
,Somaliweyn maanta waxaa la gudboon sidi looga bixi lahaa
isdilka ,barakicinta iyo burburinta hantida guud iyo midda gaar
ahaaneed ,taana waxaa lagu gaari karaa annagga oo dhan uga soo
wada jeesana dowlad diid oo dhan ,waxaa looga bixi karaa
annaga oo ku dhax milano dowladda si aan wax uga saxno wixi
khaldan, waxna aan uga ogaana howsheena xagee laga shidaa si ay
inta fiican u inqilaabaan inta xun ee u adeegto dana ka baxsan
danta Somaliyeed waqtiga munaasibkaa, iyadoo weliba si aad ah
looga fogaanayo isku dhac iyo ka hor'imaashada amaradda qaarkood
adiga oo og in ay yihiin wax xun .
Waxaan aad ugu faraxsanahay in labadi sano
ee u danbeysay in dalka debadiisa iyo gudihiisaba ay jireen
waddaniyiin Soomaliyeed oo dadaal ugu jiro sidi uun mar loo soo
celin lahaa xornimadi dalkeena, qoraal hore ayaan waxaan ku
sheegay in Maxaakimti lix bilood lagu dagaalay xornimadi ay u
heleen gaarista qaraaro aynan kala tashan cami-saam ,sidaa
darteedna loo burburiyay iyado oo loo adeegsaday burburintooda
kala fogaanshaha ay awlaba xaga aragtida ku kala fogaayeen iyo
sida dalkan loo dhaqaayo.
Dr Maxmuud M Culusow,Prf
Abdi Ismail Samatar iyo
rag badan oo la mid ah waxaan ugu baaqayaa in ay ka soo laabtaan
waddada qarda jeexaa oo ay u mareen gaarista waxay iyaga u
yaqaanaan in ay u taagan yihin danta ummadda, balsa runti uu
qeyrkood u yaqaano in ay u taagan yihiin cayda iyo ceebeynta
ninkaan wax ka siin boobka kackada ummadda Somaliyeed .
saaxibayaal ummaddan waxaa u soo baxay jiilal cusub oo aad u
fahansan waddanka yaa dhab ugu adeegayo, yaasa lug-goysmadiisa
ku taagan iyo gaarista dana xun-xun oo ku jiro gees fog.10/06/2010
Abadllah Moallim Maxamud
Cabdullahi Siyaasi
Moallem10@hotmail.com
|