
Marka aad bukooto, amba aad baahato, amba sheydeyn kugu salido caasi-waalidiin ku caasi-garoobey calan-koodii bulug-leyda ahaay, ciidoodii hooyo, culumadoodii saxda aheyd iyo diintoodiiba, ee markaas talo kaa ciir-san tahay, waxaad kala barataa saaxiib-kaaga dhabta ah ee kuu huray naftiisii iyo maalkiisii iyo kan aan kula rabin nolol fiican, misana aan rabin in aad dhimato ( life support only).
Adduun-weynuhu, markuu labaatan (20) sano iyo dhowr bilood iska dhagooley-siinaayay dhibaatada Soomaliya ka taagneyd, marka laga reebo in uu Soomaliya u soo diray ciidamado ka socda midowga Africa " AMISOM" oo la tacaalaayay sidii ay u sugilahaayeen amaanka caasimada Soomaliya ee muqdisho, ayaa bartamihii bishii July 2011, dhibaatadii hore ee Somaliya ku soo darsoomeen abaaro ba'an oo aafeeyey Somaliya gees ka gees, iyadoo abaaruhu gaareen heerka loo yaqaan " Macluul" ( Famine).

Dhammaadkii isla bishii July, 2011, ayaa madaxda dalka ugu sarreysa oo uu ugu horreeyey Madaxweyne Sheekh Shariif, ayey adduun-weynaha ugu baaqeen in Soomaliya lala soo gaaro gaar gaar bani'aadanimo oo deg deg, si loo badbaadiyo boqollal isugu jira carruur, hooyoodhin iyo waayeel daqiiqad daqiiqad kastaba gudaha Somaliya ugu dhimanaaya baahi iyo cuduro is-biirsaday.
Baaqii Madaxweyne Sheekh Shariif, waxaa si deg deg ah uga soo jawaabay hay'ado-sama-faleedyo fara badan oo isugu jiray kuwo heer caalami, kuwo heer qaaradeed, shirkadaha dalka qaarkood, shaqsiyaad caan ah, qaar ka mid ah Jaaliyadaha Soomaliyeed iyo dowlado dhowr ah, iyagoo gudaha Soomaliya soo gaarsiiyay mucaawinooyin kala duwan oo masaakiintii nafta ku soo celisay, gaar ahaan barakacayaashii ku sugnay xeryaha laga sameeyey caasimada Soomaliya ee Muqdisho iyo xerooyinka Qaxootiga ee ku yaala dowladaha deriska la ah Soomaliya oo kala ah Kenya iyo Ethiopia.

DFKMG ah ee Soomaliyeed iyo Shacabka Soomaliyeedba, ma ilaabi-doonan waligood cidkasta ee gacan-siisay xilligaan adag ( tough period), waxaana mudan in amaan loo sii khadimo, cidkasta ee gacan ka geysatay wax ka qabashada dhibaatada ku habsatay Soomaliya, waxaa amaan dheeraad ah mudeystay dowlada iyo shacabka Turkiga oo ilaa hadda ugu tun-weyn inta Soomaliya soo taageertay.
Dowlada iyo shacabka Turkigu kuma aysan eeg'keysan u gaar gaarida masaakiinta abaaruhu aafeeyeen oo qura, balse waxay Somaliya ka sameeyeen dhowr Mashruuc oo dhammaantood ah wax ku ool, iyada loo la sheegaayo inay mashruucyadaas ku kacaayaan adduun dhan 280,000 milyan US dollar.
Waxaa iyaguna amaan mudeystay Dowladihii Ciidamada u soo diray Soomaliya oo kala ah Dowlada Uganda iyo Burundi, waxaa kaloo iyaguna ah lama ilaabaan Dowlada iyo shacabka reer Jabuuti oo ah saaxib ay Soomaliya isku haleyn kareyso, inkastoo wadankoodu uu hadda madaxa la soo kacaayo.
Ugu danbeyntii, haddii shanta (5) qaaradood laga heli lahay afar (4) wadan oo sida Turkigu ugu hagar-baxay Soomaliya, ugu hagar baxa, waxaa la hubaa in dhibaatada Soomaliya 90% hoos u dhici-lahayd, waayoo Somaliya oo dhan waxaa lagu qiyaasaa 12 milyan, waayoo dhibka Soomaliya wuxuu ku saleysan yahay Saboolnimo iyo aqoon-darro, laakin beesha caalamku waxay u muuqataa inay isku raacsan tahay Somaliya " khowda hala maqashiiyo wax badanna yaan loo qaban", intaas waxaa ka sii daran hadafka ah Soomalia gobal gobal iyo tuulo tuulo ah loo qeybiyo ( qeybi oo xukun), sida laga soo xigtay Xafiiska Siyaasada ee wakiilka Qaramada Midoobey ee arrimaha Somaliya H. E. Amb. Augustine P. Mahiga
N. B.
Hambalyo diiran ayaan u diraayaa Ciidamada qalabka sida ee Soomaliyeed iyo kuwa wallaalaha AMISOM, aniga oo ugu hambalyeynaaya guulaha is-daba joogga ah ee ay ka gaareen dagaalada ay kula jireen kooxaha nabad-diidka ah.

Xildh. Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
Rochester, MN.
ritten by
Administrator
editorial@calayaale.com
Webmaster@calayaale.com
kalasoo xiriir.