Jaaliyada Mudulood ee ku dhaqan waqooyiga Ameerika intooda badan, waxay aad uga xumaadeen una canbaareeyeen xariga maalintii labaad xabsiga loogu haayo duqii hore ee magaalada Muqdisho, isla markaasna ahaan jirey guddoomiyaha gobalka Banadir Md. Mohamed Omar Habeeb ( M. Dheere.)
Jaaliyadu, waxay qaadan-weysan tahay waxa lagu soo eedeeyey guddoomiyihii hore ee gobalka Banaadir oo aad uga hooseeya wax lagu xiro mas'uul soo qabtay xil heer guddoomiye gobal iyo duq magaalo.
Jaaliyada Mudulood ee waqooyiga Ameerika, waxaa kalooy aad & aad uga wel-wel-san tahay hanjabaadii qabiilka ku sanaysneed ee qalabka warbaahinta oo ay horey isu weydaar-sadeen Ahmed Abdisalaan oo lagu xanto in uu si dadban u haayo isteeriga Xukuumada R/W Nur Hassan Hussein ( Nur Adde).
Jaaliyadu, waxaay ugu baaqaysaa Dowlada Ethiopia iyo Xukuumada Ra'iisul Wasaare Mudane Nur Hassan Hussein in si sharuud la'aan ah, si deg deg ah loo soo daayo guddoomiyihii hore ee gobalka banaadir Mohamed Omar Habeeb ( M. Dheere) lana siiyo raali galin ( Apology), waa haddii koofurta Soomaliya laga rabo nabad, gaar ahaan caasimada Soomaliya ee Muqdisho.
Haddii laga dhega adeego baaqa kor ku xusan, waxaa ka go.an qurba joogta beelweynta Mudulood meel kasta oo ay joogtaba in ay sameyso dibad-baxyo isdaba joog ah maalmaha soo socda, iyadoo laga bilaabi-doono Wasaarada Arrimaha dibada ee Mareykanka ee ku taal Washington DC iyo dhammaan Safaaradaha Dowlada Ethiopia ay ku leedahay dhammaan wadamada reer galbeedka .
Jaaliyadu, waxay bilowday diyaar gareynta boorarkii ( slogans) loo istic-maali lahay dibad baxyada soo socda oo lagu muujin-doono shakiga laga qabo erayada dib uheshiisiineed ee ka soo yeera xukuumada Ra'iisul Wasaare Nur Cadde iyo isbahaysiga dib uxoreynta garabka Sheekh Shariif Sheekh Ahmed ee fadhigiisu yahay Jabuuti, waana la soconaa xurgufta u dhexeysa mas'uuliyiintaan iyo Mohamed Dheere balse xilligaan xaalka Soomaliya ka jira, xalku kuma jiro xumaan aargoosi iyo xarig ee yaan dib loo noqon.
CC: Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ah, isla markaasna ah
siihaayaha Xilka Madaxweynaha Sheikh Aden Madoobe
"" Dowladaha IGAD
" Ahmed Walad Abdalla, W.Xoghayaha Guud ee Q/M.
Arrimaha Somalia.
" Safaarada Mareykanka ee Nairobi Kenya.
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
Rochester, MN.