ROCHESTER: Ganacsade XAAJI ABUUKER CUMAR, XIL DOON MA'AHA EE WUXUU KA XANNUUNSADEY XAWLIGA XUMAANTA

By:  

         Mohamoud Ghedi Aw Hilowle Rochester, Minnesota  jowhar53@hotmail.com.
Ra'yi
 Jun06/ 2008
 
Waxaa dhowaan Magaalada madaxda Jabuuti gaarey, ganacsidaha caanka ah Al Xaaji Abuuker Cumar Caddaan Caamir, xubin ka mid ah qoyska reer Xaji Cumar Caddaan oo codsadey inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegey in Xaajigu Jabuuti u tegey wixii kareenkiisa ah, ee uu u arko wanaag in uu si toosa iyo si dadbanba ugu  dhiiri geliyo labada ergooyin ee kala la socda  dib u xoreynta Soomaliya iyo DFKMGS oo sida la filaayo dhowaan wada hadalo uga furmi doono dalka Jabuuti. 
 
Ilo ku dhow dhow Xaajiga, waxaay sheegayaan in uusan labada dhinac midna si gooni ah u taageersaneyn, balse waxaan qarsoodi  aheyn in uu xariir qoto dheer iyo is-xush-meyn fara badan ka dhexeyso asaga  iyo Sharfane Halyey Sheekh Shariif Sheekh Ahmed oo ah, siyaasiga xilligaan Soomaliya marka laga reebo Ra'iisul Wasaarihii hore  ee DFKMGS. Prof. Ali Mohamed Ghedi ugu taageerayaal badan gudaha iyo dibadaba.
 
Xaaji Abuker Cumar Caddaani, waxaa lagu xusuustaa 1991dii xilligii USC dii xamar aay wax badan xumeyneysey, sidii uu uga xumaan jirey ficil laddii dhacaayey xilligaas sida xasuuqii dadka, boobistii hantiddii guud ee qaranki Soomaliyeed  iyo middii gaar ahaaneedba wuxuuna oran jirey  Xaajigu " Soomaliya caro Alle ayaa ku dhacdey ee Illaahay haloo noqdo" laakin xilligaas fikirka Xaajiga waxaa si xoogan uga soo hor jeedey  inta badan  taageerayaashii USC da oo caleeman qoyeyn lulaayey.
 
Xaajiga waxaa kaloo lagu xusuustaa isla sanadkaas badbaadintii beesha hadda lagu magacaabo" Nuux Mohamoud" horeysa loo oran jirey " Gaal Galo" oo runtii ah beesha beelaha Soomaliyeed ugu qiimo iyo qaayo badan.
 
Isla sanadkaas 1991dii, Xaaji Abuker waxaa lagu xusuustaa sameyntii xeraddii  samafaleed ( Humanatrian Camp.) ee uu ka sameeyey agagaarka Baar Kulmiye ee deegaanka Suuqa Xoolaha, degmada Yaaqshiid ee uu yiri " ha soo gasho ciddii baqeysa amba baahan", Xaajiga sameynta  mashruucaas waxaa uga baxey xoolo badan oo Alle siiyey, balse nasiib darro, taageerayaashii USC-da sanad-kaas meeshii aay ku arkaan Xaajiga waa aflagaadeyn jireen sida:-  manifesto, Faqash, Ger Dheere, sulux  iyo  Gaal-gal  iwm.
 
Siddeed iyo toban (18)  sano ka dib, markuu Xaajigu arkey xumaantii xilligaas mid ka sii xun oo  dhammaan Soomaliya  gees ka gees xawli  dheer ku ordeysa ayuu asigoon  xil doon aheyn, ayuu Jabuuti  iska xaadiriyey Xaajigu, si xal loogu helo xumaantaan Soomaliya ee xawliga dheer ku  ordeysa belsa su'aashu waxay tahay, labada dhinac ma xushmeyn doonaan Xaajiga, Ra'iisul Wasaarahaan naadinaaya nabada, Caalamka hadda usoo jeestey wax u qabadka Soomaliya haddii aay heshiiso iyo xaalada xilligaan shacabka Soomaliyeed ku sugan yahay?.
 
Ugu danbeyntii, dhammaan taageerayaasha Xaaji Abuuker Cumar Caddaan iyo qoyskiisaba waxay  mahad-celin ballaaran u direen Shacabka iyo Dawladda  reer Jabuut, sidii xushmada lahey ee aay wadankooda Xaajiga ugu soo dhoweeyeen una dejiyeen qasri qiimo badan , ka gadaal markuu Xaajigu ka soo laabtay wadanka Kenya sanad-kii hore.

 
 
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Rochester, MN.
 

jowhar53@hotmail.com

Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso

Webmaster@calayaale.com Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir