|

ROCHESTER: MAREYKANKA IYO URURKA AL-QAACIDA OO WAREEGA LABAAD KU DAGAALAMI-DOONO
SOOMALIYA.
By:
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle Rochester,
Minnesota jowhar53@hotmail.com.
Ururka mayalka adag ee Al-qaacido iyo Mareykanka oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku dagaalamaayay meelo badan oo ka tirsan adduun-weynaha, gaar ahaan Afghanistan, Pakistan, Ciraq iyo meelo kale oo badan, balse dagaaladii ugu ba'ney ay ku dhex mareen buuraha dhaadheer ee tora bora-ha Afghanistan iyo Pakistan.
Iyadoo la moodo, inay Al-qaacido talo gacantooda ka baxday, markii Maamulka Madaxweyne Barack Obama uu dhowaan Ciidan gaaraaya 30.000 kun oo dheeraad ah uu u diray gobalkaas oo ay dagal-yahanada Al-qacido ku xooganaayeen dhowrkii sano ee la soo dhaafay, laakin hadda sida ay wararku sheegayeen, alqaacido waa loo awood sheegtay oo waxaa laga dhigey wax la dilay, wax la qabtay iyo wax cararay.
Sida ay sheegayaan Sir-doonyada Dowlado kala duwan, firxad-kii Al-qacido waxay ku soo wajahan yihiin Soomaliya, gaar ahaan Muqdisho iyo Kismaayo, sidoo kale Yemen, balse Yemen waxaa ka jirta dowlad ilaa xad iska caabin karta kooxahaan wax qarbuda ee loo yaqaano Al-qaacido iyo Al-shabab.
Ilo wareedyo, lagu kalsoonaa karo waxay xaqiijinaayaan in uu Mareykanku soo daba geli-doono firxadka Al -qaacidada, dhowaan loogaga itaalka roonaatay Afghanistan iyo Pakistan ee ku soo wajahan Somaliya, iyadoo horeyba Soomaliya ay u joogeen kumanyaal dagaalyahano ajnabiyaal ah, Mareykanku horey ayuu u caddeeyay in uu aduunka oo dhan ka ugaarsan-doono Argagixisada caalamiga ah, gaaar ahaan meelihii la hubiyo inay ku xoogan yihiin argagexisada caalamiga ah, sidaas daraadeed sida la filaayo, wareegga labaad ,Mareykan iyo Al-qaacido waxay ku daagalami doonan Soomaliya oo ay ku sugan yihiin kumanyaal Argagexiso ah iyo firxadka hadda ku soo socda Soomaliya.
Arrintaan, waxay ku soo beegmeysaa, xilli uu gabagabo maraayo diyaargarow dagaal ka dhan ah kooxaha dowlad-diidka ah ee ay Soomaliya ka degi la' dahay labaatankii (20) sano ee la soo dhaafay, iyadoo diyaargarowgaan dowlada KMG ah laga soo bilaabaayo, markii uu Madaxweyne Sheikh Sharif Sheikh Ahmed uu xirtey Tuutaha Ciidahada qalabka sida, dhammadkii sanadkii tegay ee 2009kii.
Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaarada Gaashandhigga DKMG ah, oo cod-sadey inaan magaciisa la shaacin, ayaa xaqiijiyay in dhammaan Cidamada kala duwan ee Dowlada KMG ah, loo dhameystiray agabkii ay ku fulin lahaayeen waajibaadkooda ciidan, balse ay sugaayaan oo qura xabada fura.
Shacabka Soomaliyeed, wuxuu xushmad iyo qadarin u haayaa culumaa'udiinka ahlu sunnah wal jameecah oo ah dariiqo nabadeed oo aad u fac weyn, laakin waxaa aad looga shaki qabaa shaqsiyaad shar-wadayaal ah oo uu dardaray xukun jaceyl oo mar dhow ku biiray dallada ahlu sunnah wal jameecah.
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
Rochester, MN.
Welcome to Calayaale
Page
Sign kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Read
Akhriso
Webmaster@calayaale.com
Tafatiraha wararka
caalamka iyo
soomaliya Calayaale Media Center
calayaal@yahoo.de
kalasoo xiriir
 
|
|