|

DR. C/QAASIM DHAX-DHAXAAD MIYUU KA YAHAY DHIBAATADA KA
ALOOSAN SOOMALIYA MISE DHINAC AYUU U JAN-JEERAA??.
By:
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle Rochester,
Minnesota jowhar53@hotmail.com.
Marka hore waxaan halkaan ku caddeynayaa in aan xushmo Madaxweynanimo u haayo Dr. C/qaasin Salaad Xasan, maadaama uu horey u soo qabtay xilka Madaxweynanimada Soomaliya.
Sidoo kale waxaan caddeynayaa in aysan jirin wax xumaan ah oona dhax-yaal, amba horey noo dhex marey aniga iyo ninkaan dowladii lagu soo dhisey Carte horraantii 2000 ka ahaan jiray Madaxweyne KMG ah.
Ha yeeshee, inaan isweydiiyo su'aasha kor ku xusan, waxaa keenay markaan arkey sida uu C/qaasim uga hadlo xaalada murugsan ee Soomaliya iyo xilliga uu ku beego oo ah markasta ee Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed la timaad qorsho ku wajahan mucaaradka ka soo hor-jeeda jiritaan dowlad ay yeelato Soomaliya.
Haddii aan soo qaato mid iyo labo ka mid ah waxyaabaha, igu dhaliyay ka shakinta sheybka ah Sheekh C/qaasim waa sida soo socota:-
1) asagoon dhowr billood ka hadlin dhiigga sida xad-dhaafka ah Soomalidu isaga daadinaysay, ayuu markuu ogaaday inay DKMGS ay qaylo dhaan u dirsatay beesha caalamka, ayuu la soo booday erayo ayka mid ahaayeen " ma qabo in dalka la keeno ciidamo ka socda dalalka deriska".
2) Asagoo si fiican uga dheragsan inay Soomaliya ka jirto Dowlad FKMG ah oo sharci ah (Legitimate Transitional Federal Government of Somalia) ayuu carabkiisa ka dhowraa in uu ku dhoho Dowlada KMGS, laakin wuxuu aad u jacelyaha in uu ku cel-celiyo" labada kooxood ee Xamar ku dagaalamaaya iwm".
3) Waxaa C/qaasim aad loogu xantaa in uu taageero kooxaha aaminsan in Xukuumad aan loo baahnayn ( Anarchism Groups Supporter)
4) Wuxuu Dr. C/qaasim carabkiisa ku dhejiyaa eedeynta ka dhan ah xukuumada Ethiopia balse marna sooma qadan qaado Xukuumada Eritrea dhibaatada ay ku hayso Soomaliya iyo dowladaha deriska la ah sida Jabouti iyo Ethiopia.
gabagabadii iyo gunaanadkii, Madaxweynihii hore Dr. C/qaasim Salaad Xasan, dhex-dharaad miyuu ka yahay dhibaatada ka aloosan Soomaliya mise dhinac ayuu u jan-jeeraa??????. waa su'aal furan.
Xil. Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
Rochester
Welcome to Calayaale
Page
Sign kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Read
Akhriso
Webmaster@calayaale.com
Tafatiraha wararka
caalamka iyo
soomaliya Calayaale Media Center
calayaal@yahoo.de
kalasoo xiriir
 
|
|