BOGAADIN KU SOCOTO DFKMS IYO TALO KU SOCOTO GUDDOONKA BAARLAMAANKA SOOMAALIYEED

By:  

         Mohamoud Ghedi Aw Hilowle Rochester, Minnesota  jowhar53@hotmail.com.
Ra'yi
 12Aug/ 2009
 
JShacabka Soomaliyeed intooda aadka u jeceyl, la socodka Siyaasada Dowlada midnimada qaran ee  rejada fiican  looga qabo inay soo celin-doonto dhowaan, qaraamihii dowladnimo iyo kala danbeyntii dowladnimo ee beri sammaadkii, waxay aad u bogaadinayaan soona dhoweynayaan talaabada wax ku oolka ah ee ay dowladu dhowaan ku sameysatay Websid cusub oo ciwaankiisu yahay " www. tfgsomalia.net".
 
Talaabadaan ay dowladu hadda ku sameysatay websid u gaar ah Dowlada midnimada qaran ee Soomaliya, runtii waa la yara daahday dowladu, waayoo macaaradka ka soo hor jeeda, jiri-taanka dowlada xalaasha ah ee uu hogaamiyo Sheikh Shariif Sheikh Ahmed, waxay leeyihiin dhowr websidyo oo ayka faafiyaan hadafkooda qallafsan.
 
 Waxaa xusid mudan inay arrintu mar ku dhowaatay " Been oroday rummo ma gaarto" markii ay Kooxaha dowlada ka soo hor jeeda ay kaligood  dhowr bilood  qalabka warbaahinta  ay been qaawan shacabka Soomaliyeed  ugu sheegaayeen, laakin nasiib wanaag shacabka Soomaliyeed wuxuu ogaaday  muddo ka dib  in mucaaradku hadal-kiisa fiican iyo ficin-kiisa baahal-nimada ah, inay arrintu tahay kaaf iyo kala dheeri.
 
 
Dhinaca kale, shacabka Soomaliyeed intooda jeceyl, la socodka siyaasada iyo wax qabadka Baarlamaanka midnimada qaran ee Soomaliya, waxay kula talinayaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheikh Aden Madoobe in Baarlamaanka loo sameeyo websid u gaar ah Baarlamaanka, oo la mid ah kan ay dowladu ay dhowaan sameysatay.
 
 Sida uu Madaxweyne Sheikh Shariif sheegay,  Soomaliyay guushu waa dhow-dahay ee gacmaha is-qabsada.
 
QURBA-JOOGTA SOOMALIYEED OO AAD U SOO DHOWEYSEY TAAGEERADA DOWLADA MAREYKANKU U FIDISEY DFKMS



Dhowr saacadood ka dib markuu dhacey, kulankii magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ku dhex marey Madaxweynaha Dowlada midnimada qaran Sheekh Shariif Sheikh Ahmed ( Xafudulaahi) iyo Xoghayaha Arrimaha dibada ee mareykanka Hillary Clinton taariikhdu markey aheyd Augst 6th,2009. Ayay qurba joogta Soomaliyeed ee ku kala nool dunida dacaladeeda, kulan ay qadka teleefom ku yeesheen (teleconference)
 
Qurba-joogta qadka teleefanka ku yeelatay  kulankaas waxay kala joogeen waqooyiga Ameerika, Europe, Asia iyo Africa, waxayna isugu jireen dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay  bulshaweynta Soomaliyeed qeybaheeda kala duwan, waxaana xusid mudan inay kulankaas ka soo qeyb galeen in ka badan soddon ( 30) Professors oo aad caan u ah, balsa codsaday in aan la shacin magacyadooda, arrimo jira awgood.
 
Doodo dhaadheer iyo falaqeyn ay qurba joogta Soomaliyeed ka yeelatay kulanka dhex marey Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Ahmed iyo xoghayaha arrimada dibada ee mareykanka Hillary Clinton, waxay qurba-joogta Soomaliyeed aad iyo aad u soo dhoweeyeen una bogaadiyeen taageerada Militari, siyaasadeed iyo dhaqaale ee dowlada mareykanku u fidisay dowladda midnimada qaran ee uu hoggaamiyo madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Ahmed.
 
Gabagabadii kulankaas  oo ahay qadka telefanka waxaa lagu magacaabey todobo ( 7) guddi oo loo xil-saarey inay  soo qorsheeyeen sidii asbuucyada soo socda dhammaan qurba-joogta Soomaliyeed ee ku kala nool dunida dacaladeeda ay u sameyn lahaayeen dibad-baxyo lagu taageeyo go'aanka dowladda Mareykanka.
 
 
 
Xildhibaan Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
Rochester, MN.
 
 


 

Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso

Webmaster@calayaale.com Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir