Dimbiilayaal u badan ajnabiyiin ( foreign criminals) kana been sheega diinta Ilahay, ayaa weerar heer caalami ah ku soo qaaday diintii Ilahay iyo calanka Soomaliya ( Nation on war), iyagoo ku haminaya inay calanka bulug-leyda ah ee xidigta shanta (5) gees leh dhexda uga taal, ku bedelaan Hilif madow oo astaan u ah dimbiilayaasha caalamiga ah, dimbilayaashaan soo duulaanka tegay oo u badan ajnabiyiin shisheeye ah iyo Soomali yar oo derejo adduun si xun ku doonaaya , Soomaliyey yaa laga doonayaa inay ka daafacaan diinta iyo dalka hooyo?.
Su'aasha kor ku xusan, jawaabteedu ma noqon karto mid madaxa daalisa ee wuxuu waajib muqadis ah ku yahay muwaadin kasta ee Soomali ah, in uu dalka hooyo ka daafaco dimbilayaasha ku soo duulay karaamihii iyo madax bannaanidii Soomaliyeed ee dhibka badan loo soo maray sida dhiig badan oo loo soo daadiyay iyo dhaqaale an caadi aheyn oo ku baxay, xoriyada Soomaliya oo lahelay 1kowdii July sanadkii 1960kii.
Dimbilayaashaan soo duulaanka tegay, waxay Soomaliya oo dhan dabo iyo dacal ku qabteen dab, intaas waxaa ka sii-daran dhaqan xumida ay la yimideen sida:-
Gowrac waxuush-nimo ah , ismiidaamin, dad nool duugis, Kufsi sida gebedhii da'da yareed ee la oran jirey Marxuumad Caasha Yarey oo Kismaayo dhagaxa lagu dilay ka dib markii dhalinyaro ka tirsan Alshabab ay kufsadeen, qabuuro qodis, wax ku ool naceyb, culuma naceyb, carruur yar yar qasab ciidan ugu qoris kuwii diidana gacmo iyo lugo ka jaris, daan-daansi dowladaha deriska la ah Soomaliya iyo barakicin deegaano gaar ah, barakicinta deegaanada gaarka ah wuxuu ka yimid shaqsiyaad Soomali ah oo muddo dheer ku fikiraayay cadawtinimo gaamiirtay awgeed.
Waxaa nasib wanaag ah inay daalumiintii ku soo duulay Soomaliya ay meydadkoodii daadsan yahay goobaha dagaalka, waxaa kaloo fursad qaali ah in beesha caalamku ay hiil iyo hooba la garab is-taagan tahay shacabka Soomaliyeed kuwooda raba inay daafacaan madax bannaanida dalkooda, diintooda iyo dowladda midnimada qaran ee uu hogaamiyo madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Ahmed ( xafudulaahi).
Shacabka Soomaliyeed wuxuu canbaareyn xoogan dusha uga tuurayaa dowlada Eritrea oo taageero Militiri siisa dimbilayaasha ku soo duulay Somaliya, iyadoo fulinaysa codsiyo uga yimid hogaamiyayaasha argagixisada caalamiga ah ee uu hogaamiyo Osama Bin laden, si Soomaliya looga dhigo hoyga argagixiso.
Ugu danbeyntii wuxuu shacabka Soomaliyeed ugu nasteexeynayaa inay towbad keenaan una naxaan shacabka Soomaliyeed nimanka kala ah:- Ahmed Godane, Hassan Daahir Aweys iyo Mudane Mukhtar Roobow oo ah mas'uul ay waa korey, ay ula jirto waa hoosey marka ay arrintu timaado Digil iyo Mirifle sida siideyntii Wasiirka Dekedaha ee dowlada midnimada qaran Mudane Xaabsade iyo mas'uuliyiin kale oo ka soo jeeda deegaanada Bay iyo Bakool .
Xil. Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com.