Ra'iisul Wasaaraha xilka hadda haaya Dr. Cumar C/rashid Cali Sharma'arke, aniga ka qof ahaan waxaan u haayaa xushmad iyo qaderin weyn asaga, qoyska uu ka soo jeedo iyo beesha uu ku abtirsayo oo miisaan culus ku leh Siyaasada Soomaliya, misana soo jireen ah.
Ha yeeshee, waxaan is-weydiinayaa su'aasha ah " qeyladu waa badatee khaladka yaa wada Soomaaliyey?", haddii aan wax yar ka soo qaato qeyla-dhaanta ka dhan ka ah, Ra'iisul Wasaare Cumar C/rahiid, waxaa ka mid ah in uu dhowaan Ra'iisul Wasaaruhu uu magaalada Nairobi ee wadanka Kenya uu xildhibaano tiradooda lagu sheegey 100 xildhibaan uu siisey min $ 500.00 oo US Dollars ah, $500 X 100= nus Malyuun dooral ( half a million U S Dollars), iyadoon aan wax mushaar ah dhowr bilood la siinin Ciidamada dowlada ee ku jira jiida hore ee dagaalka (front line).
Cabashada kale ee sida joogtada ah u soo yeerta, waxay tahay in mas'uuliyiinta hogaamisa dagaal gelinta Ciidamada dowlada iyo garabka Ahlu sunnah waljameeco ee ka dagaalama gudaha Soomaliya , gaar ahaan caasimada Soomaliya ee Muqdishu, mas'uliyiintan arrintaan Ra'iisul wasaaraha ku eedeynaysa waxay isugu jiraan Wasiiro, Wisiiro-Dowlayaal. Xildhibaano, Taliyaasha Cidamada kala duwan, Taliyaasha Ahlu Sunnah walljameeco iwm, iyadoo mararka qaarkood ay mas'uuliyiintaan ay Ra'iisul Wasaaraha uga shakiyaan in uu yahay " dhagar-qabe lug u laaban tahay amba uu dhoohan yahay?", iyagoo sabab uga dhigaa in dhowr jeer Ciidanka Dowlada oo soo jebaaya uusan Ra'iisul Wasaaruhu u jixaan-jixin jabka Ciidamada.
waxaa iyaguna cabasho xoog leh muujiya shaqsiyaadka uu Ra'iisul Wasaaruhu u magacaabo ilaha dhaqaalaha sida Wasaarada Maaliyada, Aaraboorka ( Airport), Dekeda iwm, iyaga oo ku eedeynayaa Wasiirka koowaad Mudane Cumar C/rashiid in uu si dadban u yiraahdo lacag iigu keenna xafiiskeyga ( corrubtion), haddii kale xilka waa idinka qaadayaa.
Arrinta ugu daran ee xilligaan aloosan waxay tahay, muran baaxad-weyn oo ka dhashay " Dastuurka qabyada ah" iyadoo ay soo ifafaala baxaayaan calaamado muujinaaya in uu Ra'iisul Wasaaruhu uu damacsan yahay in uu Afduubo ( Hijacking) xaquuqdii shacabka Soomaliyeed u lahay in uu " Afti" ku ogolaado amba uu ku diido dastuurkaan qabyada ah ee cusub.
Dad badan ayaa qaba inaysan xilligaan shaqeyn doonin fikirka ah ( fad amba ha fadin ee waa lagu fad-siinayaa", haddaba waxay aniga ilatahay inay habbon tahay in ay si deg deg ah ay cabashooyinkaan u soo fara-geliyaan Madaxweynaha DFKMG ah Mudane Sheekh Shariif Sheekh Ahmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka KMGS Mudane Shariif Hassab Sheikh Aden iyo Maxkamada Sare. si loo badbaadiyo Dowlada hadda jirta ee aan cagaha badan ku taagneyn.
Gabagabadii iyo gunaanadkiiba, anigu waxaan ka mid ahay Xildhibaanadii ugu horreeyay ee ka hor-yimid Dastuurka qabyada ah, welina waxaan si adag ugu dhega nahay in Dasturkaan qabyada ah lala sugo xilli uu Shacabka Soomaliyeed uu ka dhiiban karaayaan aftidooda ( referendum), marka ay daruuftu saamaxdo?.
Xil. Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
jowhar53@hotmail.com