B/WEYNE, GALCAD IYO BELED XAAWO WAA IS-XUREEYEEN EE GOBALLADEE XIGI-DOONA?.

By:  

         Mohamoud Ghedi Aw Hilowle Rochester, Minnesota  jowhar53@hotmail.com.
Ra'yi
 20Aug/ 2009
 

B/Weyne, Galcad iyo B/Xaawo waxay iska xoreeyeen masiibadii sanoo-yinkii  u danbeeyay Soomaliya oo dhan silica ku haayay ee loo yaqaan ( heer Gafuur duub), shacabka Soomaliyeed wuxuu  aad ugu farxay jabka heer gafuur-duubeed, ka soo gaaray  daagaanada kor ku xusan, waxay hambalyo iyo bogaadin u diraayaan, dadka ka soo jeeda deegaanadaas is-xureeyey iyo mas'uuliyiintii hogaaminaysay.
 
Hadaba su'aasha taagan waxay tahay yaa geli-doona kaalinta afaraad (4) oo iska xoreyn-doona gafuur-duubtaan ku soo duushey dalka Soomaliya oo dhan,  dadkii  Soomaaliyeed, gaar ahaan inta ah  wax ku ool, diintii, calankii Soomaliyeed, dowladnimada Soomaliyeed  iyo dowladaha deriska la ah Soomaliya. 
 
Dhinaca kale, shacabka Soomaaliyeed ilaa hadda wuxuu aad raali uga yahay dhaq dhaqaaqa ciidan ee ahlu sunah wal jamaaca ka wado dhammaan deegaanada Soomaliyeed, laakin su'aasha taagan waxay tahay ahlu sunah wal jamaaca ma waxay qoriga u qaaday inay difaacan diinta Alle, dalka lagu soo duulay iyo Dowladda FKMGS, mise waa urur diimeed cusub oo ah xukun-doon?.
 
Siday aniga ilatahay, haddii ay ahlu sunah wal-jamaaca qoriga u  qaaday difaaci-taanka diinta alle, dadka iyo dalka lagu soo duulay, waxay aragtidu u dhow dahay inay dhamaaneyso shidadii Soomaliya ee soo jiitameysay (19) sano iyo dhowr bilood.
 
Laakin, haddii ay ahlu sunah wal-jamaaca ay qoriga u qaaday inay xukunka dalka ku qabsado Shaati Diimeed cusub, arrintu waxay noqon-doontaa jug jug meeshaadii joog, lasa ar-kidoonee.
 
 
Ramadaan Kariim dhammaan muslimiinta oo dhan, gaar ahaan Ummada Soomaliyeed oo 100% muslin ah.
 
 
Xil. Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Rochester, MN.
Jowhar53@hotmail.com

 Page


Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso

Webmaster@calayaale.com Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir