XILDHIBAAN MOHAMOUD GHEDI AW HILOWLE OO BOOQASHO WAALIDNIMO KULA KULMEY GANACSADE HAJI ABUKER OMAR ADAN

By:  

         Mohamoud Ghedi Aw Hilowle Rochester, Minnesota  jowhar53@hotmail.com.
Ra'yi
 22May2009 
 
Wararka naga soo gaaraaya magaalada Nairobi ee wadanka Kenya, waxay sheegayaan inuu Xildhibaan Mohamoud Ghedi Aw Hilowle oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka midnimada qaran ee Soomaaliya in uu booqasho isugu jirtay waalidnimo iyo xushmad   uu magaalada Nairobi kula yeeshey ganacsadaha caanka ah Haji Abuker Haji Omar Adan.

Hajigu, wuxuu Xildhibaanka uga mahadceliyay booqashada waalidnimo iyo xushmo ee uu ugu yimid, maadaama muddo dheer leys moogey, xajigu wuxuu intaa raaciyay waa dhibaatada laga dhaxley masiibada dabada dheeraatay ee ku habsatay dhammaan  shacabka Soomalyeed, waana dimbi aan galney ee waa in Ilahay loo noqdo oo la towbad keeno ayuu yiri Hajigu, asigoo aad u deganaay kuna fadhiyay kursi dheer oo  aad u qurux badan.

Ganacsade Xaji Abuuker Xaaji Cumar Caddan, wuxuu mar kale ku celiyay inuusan aheyn Macaarad iyo Maxaafid toona, balse uu yahay Xaji Soomaliyeed oo waayo arag ah aadna u jeclaan lahay inuu arko ummaddaan  Soomaaliyeed oo Ilahay ka dul qaado dhibaatada 19 sano jirsatay.

Xajigu wuxuu dhammaan bulshada Soomaliyeed qeybaheeda kala duwan ka codsaday ciddii asaga wax ka tabaneysa inay iska cafiso, asaguna ciddii uu horey wax uga tabanaayay, sida uu sheegay  wuu iska cafiyay aduun iyo aakhiraba.

Gabagebaddii , kullankaas waxaa hadal kooban oo u badnay mahadcelin iyo khadarin ka jeediyay Xildhibaan Mohamoud Ghedi Aw Hilowle oo Alle uga mahadceliya kulanka uu la yeeshay waalidkiis Haji Abuker Omar oo aysan muddo dheer is arag.

 xildhibaan Mohamoud Ghedi Aw Hilowle wuxuu ku nooley 19kii sano ee la soo dhaafay magaalada Rochester ee gobalka Minnesota waqooyiga Ameerika.

Kulankaas, waxaa goob joog ka ahay
Ganacsade Xaji Cali Xaaji Gaabow Jinow iyo xubno kale.

Abdulle Hassan Nurrow
Abdulle_02@hotmail
Rochester, Minnesota.

 


 
Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso

Webmaster@calayaale.com Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir