KUWA DHAHAAYA LABA (2) DHINAC AYAA XAMAR KU DAGAALAMAAYA WAA DHAGAR-QABAYAAL.By:  

         Mohamoud Ghedi Aw Hilowle Rochester, Minnesota  jowhar53@hotmail.com.
Ra'yi
 26Aug/ 2009
 
Iyadoo Soomaliya ay ka jirto dowlad dhexe oo  loo dhan yahay oo sharci ah,  laguna  qeyb-saday awooda  dowladnimo nidaamka ah  4.5, uuna madaxweyne ka yahay Sheikh Shariif Sheikh Ahmed, dowladaan oo  haysata aqoonsiga ugu sarreeye ee beesha caalamka, marka laga reebo dowlada Eritrea iyo ururka Al qacida ( Legitimate central government of Somalia recognized by  entirely international community except Eritrea and Alqacida organization).
 
Ayaad marar badan ku arkeysaa qalabka war-baahinta ,  kuwa sheeganaaya mas'uuliyiin Soomaliyeed una badan mas'uuliyiintii hore oo  qaarkood soo qabteen  xilalka dalka ugu sarreeya iyo kuwa ah muraacad cad, laakin qiiq isku qarinaaya oo dhahaaya " labada dhinac ee ku dagaalamaaya caasimada Soomaliya ee Muqdisho waxaan ugu baaqaynaa inay joojiyaan dagaalka oo ay u turaan masaakinta oo  aysan ku kor dagaalamaayaan"
 
Waa nasiib-darro in leysla simo, dowlad qaran iyo macaarad wax ka soo tuur tuura shacabka dhexdiisa iyo xaafadaha ay degan yihiin dad riyid ah, waa nasiib-darro in leysla simo, madaxweyne  qaran oo yiri " bisha Ramadaan fadligeeda xabada hala joojiyo si ay   ummada muslimiinta ah u cibaadeysato bishan barakeysan iyo odeyga yiri" bisha Ramadaan xabada waa la lama laabayaa, dagaalku waa nasri bisha Ramadaan"
 
Haddaba kuwa simaaya Dowlad qaran iyo Mucaaradka u shaqeeya uruuryo diimeedyo qalafsan, ee dhahaaya labada dhinac ee ku dagaalamaaya caasimada Soomaliya ee muqdisho, waxaan ugu baaqaynaa inay dagaalka joojiyaan oo aysan ku kor dagaalamin masaakinta, waa dhagar-qabayaal qiiq isku qarinaaya oo la jaal ah mucaradka shacabka dhexdiisa wax ka soo tuur tuura.
 
Dhgar-qabayaashaan diidan inay kala saaraan  Haqa iyo Baadilka, waa shaatiyo badan yihiin, iyagoo hadba mar la soo baxa shaatigii xilligaas ay u arkaan in shacabka soomaliyeed lagu qaldi karaayo.
 
Dhagar-qabayaashaan iska dhigaya dhex dhexaad, waxay danbile ku tilmaamaan shaqsigii, waxgaradkii iyo Dowladdii taageerta dowlad kasta ee  Soomaliya ka dhalatagta, iyagoo hadafkoodu yahay " cad kaanow amba ku cunay amba ku ciideeyay" ee Soomaaliyay labaatan (20) sano ku dhowaad, ma loo sii dulqaadan karayaa hadafkaan la wada eeday curruur iyo cirooleba?.
 
Waxaa kaloo jira, dhagar-qabayaal aqoonyahano caan  ah, kuna nool qurbaha oo hasyta shahaadooyinka loo yaqaan ( PH. D.), qaarkoodna waxayba  wax ka dhigaan Jaamacadaha waaweyn ee  heer galbeedka, laakin waxay si xun ugu ololeeya sawir xun ka bixinta dowlad kasta ee  leysku dayo in laga dhiso Somaliya,  laga soo bilaabo Dowladdii Madaxweyne Abdullahi Yusuf Ahmed iyo tan hadda jirta ee uu hogaamiyo Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Ahmed, laakin waxaa nasiib wanaag ah inay dowladaha ay haystaan dhalashadooda,  inay hay'adahooda nabad gelyada sida  hay'ada Mareykanka ee loo yaqaan  (FBI) ay isha ku haayaan dha dhaqaaqooda siyaasadeed iyo safaradooda dibada, iyadoo su'aalo adag la weydiiyo markasta oo ay dhoofiyaan iyo marka ay  safar ka soo laabtaanba.
 
Ugu danbeyntii waxaan maqaalkeyga ku soo gabagabeynayaa mah-maahda Somaliyeed ee oraneysa" qofkastow ha qodin god  qayaano haddii aad qodana ha dheereyn ku  dhici doonti daana ma ogide.
 
Xil. Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
Rochester, MN.

 
Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso

Webmaster@calayaale.com Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir