JUFADA WARSANGELI ABGAAL OO KA HOR TIMED AWOOD QEYBSIGA XUBNAHA BAARLAMAANKA CUSUB

By:  

         Mohamoud Ghedi Aw Hilowle Rochester, Minnesota  jowhar53@hotmail.com.
Ra'yi
 Jan27/ 2009
 
Xubno badan oo ka tirsan wax-garadka Jufada Warsangeli Abgaal, waxay aad uga caroodeen markii ay arkeen liis hor dhaca ah, ee  qeexaaya sida loo qeybiyay xubnihii ku  soo aaday beelweynta Mudulood, oo laga qadiyay jufada warsangeli abgaal.
 
Nasiib-darro, iyadoo jufadu  ay horeyba u qabtay shakiyo fara badan oo ku  saleysan dhac-dooyin hore, sida naanesta Shariifka oo ah " Shariif lasoogemey" oo uu aad u dhib-sayo Qaadunka  qeybiyay xubnahaan baarlamaanka cusub, uga soo aaday belweynta Mudullood, qaadunkaan oo ah Shariif Sheekh Ahmed oo la moodaayay in uu iska cafiyay wixii dhibaato hoosaad ahay ee horey u dhacey, ayaa waxaa jira calaamado muujinaaya inaan weli la dhaafin ficin hoosaadyaddii  jiri jiray xilligii madoobey ee waagii hore, waana nasiib darro  in Shariif Sheekh Ahmed oo beesha caalimka, dowladaha daneeye arrimaha Soomaliya iyo Soomali  fara badan ay filaayeen in uu Soomali oo dhan isu keeni karaayo, in uu ka dabaaq-tamo naaseesta uu neceb yahay ee ah " Shariif lasoo gemey" oo ay u baxday xilligii asiga iyo Mohamed Cumar Habeb ( M. Dheere) isku qabteen gobalka Shabelleha dhexe ee Jowhar, ayuu yiri mas'uulin u hadlay Jufada oo la yiraahdo Ahmed Noor Madax-yare.
 
 Sikastaba arrinto ahaatee, haddii Alle ogolaado jufadu waxay beryaha soo socda, arrintaan ka  yeelan-doontaa kulamo isdaba joog ah  oo ka dhici doona gudaha iyo dibadaba, wixii  ka soo baxa kulamaddaas, insha'allaahi  waxaa lagu soo bandhigi doonaa qalabka warbaahinta qeybihiisa kala duwan.
 
 
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
Independent Media

 


 

Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso

Webmaster@calayaale.com Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir