Qofkasta ee Soomali ah wuxuu aad iyo aad u necbaan jiray in Soomaliya lagu sameeyo faragelin shisheeye, qaasatan shacabka Soomaliyeed wuxuu aad u dhibsan jiray inay Itoobiye ( Ethiopia) taako ka mid ah dhulka Soomaliya soo gasho, laakin markii la arkay
damac dheerida Xasan Daahir Aweys, Sheekh Godane iyo hab-dhaqanka dimbiilayaasha u badan Ajnabihiin ee dalka hooyo ku soo duulay, ayay arrintu waxay noqotay " haddii la arko furuq ayuu waraabowgu wuxuu noqoyaa faro ka leef".
damaca Xasan Daahir Aweys iyo Sheekh Godane, wuxuu yahay wixii dhimanaaya ha dhintaanee yaa'uun mar idhaha Madaxweyne, laakin waxaa nasiib wanaag ah inaysan beelahoodu inta badan la qabin dama-coodaan guracan labadaan wadaad ee mayalka adag.
Dimbiilayashaan ajnabiga u badan ee ku soo duulay dalka Soomaliya ayuu hadaf-koodu wuxuu yahay inay qabsadaan Soomaliya, dibadeedna calankii Soomaliyeed ee dhigga badan loo soo daadiyay ay ku bedelaan
Hilif-madow oo astaan u ah argagixisada caalamiga ah, si ay Soomaliya u noqoto hoyga dimbiilayaasha adduunka.
Xasan Daahir, Godane iyo Dimbilayaasha soo duulay, waxay ka siman yihiin fikirka ah inay culumaa'udiinkii hore oo dhan ay yihiin gaalo, sidaas awgeed, kuwooda nolosha lagu qabto ay banaan tahay in middi aan af lahayn lagu gawraco, kuwii dhintayna laga soo khodo Qabriyadii lagu aasay.
Qi-sadaan qarra canka badan ee ku cusub qaarada Afrika, gaar ahaan geeska Afrika, markii la waayay qaab kale ee lagu maareeyo, ayay Dowladda midnimada qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Ahmed iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Mohamed Nuur ( Sheekh Aadan Madoobe) waxay qeylo-dhaan u dirteen beesha caalamka, iyagoo caalamka ka codsaday in faragelin deg deg ah lagu soo sameeyo arrimaha Soomaliya, waxaana ugu horeyntii ka soo jawaabay dowladaha deriska la ah Soomaliya oo dhowaan ciidamo u soo diridoona Soomaliya, shacabka Soomaliyeedna wuxuu ku soo dhoweyn doonaa ciidamadaas deriska iyo kuwa caalankaba caleeman qoyan.
Shacabka Soomaliyeed intooda jecel nabada iyo qaranimada Soomaliyeed waxay aad u soo dhoweynayaan taageerada militeri iyo siyaasadeedba ee Dowladda Mareykanku u fidisey Dowladda midnimada qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Ahmed.
Taageerada Militeri iyo Siyaasadeed ee Dowladda Mareykanku u fidisey Dowladda midnimada qaran Soomaliyeed waa danta qaarada Afrika oo dhan, gaar ahaan geeska Afrika iyo danaha adduun weynaha oo idil.
Xil. Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
Rochester. MN.