Soomaliyey wixii tagay tuura ee isu-tanasula, sidas waxaa yiri Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan arimaha Soomaaliya QM Ahmed Walad Cabdalla oo bishaan July 26, 2008, kulan ballaaran la yeeshey Jaaliyadda Soomaliyeed ee ku dhaqan gobalka Minnesota iyo goballadda ku dhow dhow sida: Wisconsin, Chicago, Michigan iyo Ohio iyo qaar kale.

Ergaygu, wuxuu Jaaliyadda Soomaliyeed maalintaas la kulmay laba jeer gelinkii hore iyo gelinkii danbe, wuxuuna asigoo aad u taxadiraaya sheegay in uu arrinta Soomaaliya ka bilaabey kulan uu la yeeshe ganacsatada Soomaliyeed ee ku dhaqan Dubai ee wadanka United Arab Emirates.

Ka dibna uu ku xejigay Asmara, Baydhabo, Muqdishu iyo DJibuuti, ilaa hadana uu bilowgu fiican yahay, balse qurba joogta Soomaliyeed meel kasta oo aay joogaanba, looga baahan yahay doorkooda maadaama aay yihiin maskaxdii dalku uu lahay sida: aqoontii, Saraakiishii sar sare ee Ciidamada kala duwan, Culumaa'udiinkii, Siyaasiyiintii sumcadda lahayd, Ganacsataddii, Abwaanintii qaranka, Ciyaartoddii qaranka iyo wax garadkii bulshada kala duwan ee Soomaaliyeed.




Mudane Ahmed Walad Cabdalla oo u muuqday in uu daacad ka tahay sidii xaalada Soomaliya xal loogu heli lahaay, wuxuu ka jawaabay su'aalooyin fara badney oo aay weydiiyeen ka qeyb galayaashii shirkaas, waxaana shirkaas goob-joog ka ahaay Xildhibaan Beegoos iyo Gaagaale oo labaduba ka tirsan Baarlamaanka Soomaliyeed ee ku meel gaarka ah, oo hadda ku sugan cariga Mareykanka gaar ahaan Gobalka Minnesota.

Waxaa xusid mudan inaay maalintaas, Jaaliyadda Soomaliyeed ee ku nool magaalada Rochester ee gobalka Minnesota aay fursad u heshey in uu H.E. Ahmed Walad Cabdalle si qaas (private) u qaabilay, kana guddoomay fariin aay ka sideen Jaaliyadda Soomaliyeed ee ku dhaqan magaalada Rochester ee uusan nasiibkoodu u saamixin ka qeyb galka kulankaas taariikhqiga ahay.

Dadka farriinta guddoonsiiyay ergayga gaarka ah ee u qaabilsan arimaha Soomaliya QM H.E. Ahmed Walad Cabdaale waxaa ka mid ahaay:
1. Marwo Amino Arte
2. Marwo Caasha Qaasin
3. Dr. Osman Mohamed Sheikh
4. Garad Mohamoud Jama ( Haamud)
5. Md. Abdulle Hassan Nuurow
6. Suldan Sheikhnor Qasin
7. Nabaddoon Ahmed Mohamed ( Shutul)
8. Eng. Abdulqadir Mohamed Omar ( Shig shigo)
9. Wariye Abdifatah Mohamed Abdinor
10. Wariye Du'aleh ( Guduudo)
11. Xaji Mohamoud Ghedi Aw Hilowle iyo qaar kale
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
Rochester MN.
Welcome to Calayaale
Page
Sign kuqor wixii Ra'yigaaga ah