MARWADA MADAXWEYNAHA MAREYKANKA OO MAHADCELIN U SOO DIRTAY DADWEYNAHA KU NOOL MAGAALADA ROCHESTER MN

By:  

         Mohamoud Ghedi Aw Hilowle Rochester, Minnesota  jowhar53@hotmail.com.
Ra'yi
 Jan30/ 2009
 
Marwada madaxweynaha dhowaan xilka loo dhaariyay Michelle Obama ayaa mahad-celin ballaaran u soo dirtay dadweynaha ku dhaqan magaalada Rochester ee gobalka Minnesota oo tiradooda lagu qiyaaso 10.000 oo isugu jira jinsiyado kale duwan iyo  dhammaan taageerayaashii hiilka iyo hoodaba la garab istaagney xilligii lagu jiray ololihii  adkey ee madaxtinimada aqalka cad ee mareykanka.
 
Mrs.Obama waxay tiri, Madaxweyne  Barack Obama waxaa loo  dhaariyay xilka madaxtinimada Mareykanka sidaas ayuuna ku noqday madaxweynihii 44raad ee  shacabka Mareykanku  uu yeesho,   xisbi-kasta oo uu qofku aheyba dimoqoraadi, jamhuuri iyo cidkasta oo muwaadin mareykan ah, waa u madaxweyne ay ayagu doorteen.
 
Michelle Obama, waxay ugu baaqday dadweynaha Mareykanka oo aad ugu horreeya Dimoqoraadiyada inay  meel iska dhigaan, kala qeyb-sannantii xilligii ololaha doorashada lagu jiray, hadda waa in  loo midoobo gacan siinta maamulka cusub ee madaxweyne Barack  H. Obama oo aay hor yaalaan hawlo aad u ad'adag.
 
Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Rochester ee gobalka Minnesota waxaa  sharaf iyo rayn rayn u ah inay ka  helaan mahad-celin ballaaran, marwada Madaxweynaha mareykanka Michelle Obama, sida ka muuqatana sawiradaan xilligii lagu jiray ollolaha doorashada waxaa marwada Madaxweynaha kula kulantay " civic center ee magaalada Rochester"  Soomali badan oo aay ka mid ahaayeen Mudane Mohamoud Ghedi Aw Hilowle oo ah oday Soomaliyeed, suxufi madax-bannaan iyo  Md. Mohamed Hassan Nurow ( Abdulle) oo ah siyaasi da' yar oo lagu xusuusto mas'uuliyiintii iyo hoggaamiyayaashii caanka ahay ee uu la  kulmay dhammaadkii sannadkii 2008kii.

 
Independent Media
Jowhar53@hotmail.com
Rochester, MN.

 
Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso

Webmaster@calayaale.com Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir