NIN XAASKAAGA RABA KAAMA YEELO GABEDHEYDA HOO

By:  

         Mohamoud Ghedi Aw Hilowle Rochester, Minnesota  jowhar53@hotmail.com.
Ra'yi
 Jan31/ 2009
 
Sida lawada ogsoon yahay, wadanka aan wallaalaha nahay ee Jabuuti waxaa taariikhdu markey aheyd January 30, 2009. Si dimoqoraadinimo ah, goob joogna ay ka ahaayeen dhammaan beesha caalamka,  wakiilada Dowladaha daneeya arrimaha Soomaliya iyo labadii baarlamaan ee dhowaan leysku dhafay, ayaa xilka Madaxweynanimada Jumhuuriyada Soomaliya ugu doortay mudane Sheikh Shariif Sheikh Ahmed oo ah siyaasi dabacsan,  da' yar, dadkana aad u dhegeysta fikradahooda kala duwan, aqoon durugsan u leh diinta Ismaalka iyo tan maadiga ah-ba, Madaxweynaha cusub wuxuu ka soo jeedaa mashaayiiq abka'ab ah, oo layiraahdo reer Sheekh Muuse Cigalle aadna looga yaqaano Soomaliya oo dhan gaar ahaan gobalka Shabellaha Dhexe ee Jowhar.
 
 
Xilka Madaxweynanimada ee loo doortay Sheekh Shariif Sheekh Ahmed, marka laga reebo xukunka rabbi, waxaa ka danbeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka KMG ah ee Soomaliya oo ay, ka taagan tahay yaa mar uun idin-tusa Soomaliyoo mar labaad cagaheeda isku istagtay, beesha caalamka iyo Dowladdaha daneeyay arrimaha Soomaliya, khubaradooda  ( experts) aqoonta durugsan u leh, xaalada ay Soomaliya ku soo jirtay ku dhowaad labaatan ( 20 ) sano.
 
Su'aasha taagan waxay tahay, ma shaqeyn doontaa  dowladdaan uu hoggaamin doono madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Ahmed?, waa su'aal ku habboon in loo daayo Allaha iska leh awooda, balse waxaa lawada ogsoon yahay in ay wali joogan dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba kooxihii ay ka go'naan jirtay inay burburiyaan waxkasta ee lagu soo dhiso  rabitaanka wakiilada shacabka Soomaliyeed,  inkastoo wakiilada  shacabka Soomaliyeed intooda badan, sida lagu soo xulo ay markasta ka taag-naato cabashooyin waaweyn, balse  beesha caalamka ay  markasta ka noqoto goob joog sida wax loo doortey.
 
Kooxahaan wax burburiya, waxaay dhaqaala ka helaan  sida la sheegaayo ururro iyo dowladdo aan Somaliya la rabin deganaasho iyo nabad, dhaqaalaha ay ka helaan ururaddaan iyo dowladdahaan waxay kooxayaan wax burburiya u isticmaalaan fulinta hawlo argagixiso, si adduunka loogu muujiyo inaan Somaliya ka jirin nabad  bad iyo berriba.
 
Kooxahaan wax burburiya, waxay leeyihiin dano guracan sida inay dagaal ku gaaraan derejada ugu sarreysa Soomaliya, ee  markaas Soomali oo dhan xoog ku xukumaan, sidaas awgeed ayay suurta gal u tahay in ay ka dhega adeygaan wanaag kasta oo loogu baaqo waayoo waxaa horey loo yiri " nin xaaskaaga raba kaama yeelo gabedheyda hoo"
 
Waxaa kaloo jira Juffooyin badan, beelo iyo ismaamul gobelleedka Puntland oo ka biyo diidsan sida loo soo xuley Xildhibaanada ARS ee dhowaan lagu biiriyey Xildhibaanaddii hore ee Baarlamaanka KMGS.
 
Gebagebaddii, Shacabka Soomaliyeed ee labaatan ( 20) sano ku dhowaad  ku soo jirey dhibaato marka shaati cusub loo gilinaayay, marka aad wax ka weydiiso sida ay u arkaan doorashada madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Ahmed?,  88% waa soo dhoweynayaan, waxayna leeyihiin ha guuleysto Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Ahmed, balse insha'allaahi sey-noqoto la arkidoonee?.
 
 
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
Suxufi Madax banan


 
Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso

Webmaster@calayaale.com Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir