AABIHII DAWLADDAAN A/LAHI YUSUF OO DAAQADDA LAGA TUURAY, IYO DEEGAANADA MUDULOOD OO DADKA LAGA DHEXEYN-SIIN RABO

By:  

         Mohamoud Ghedi Aw Hilowle Rochester, Minnesota  jowhar53@hotmail.com.
Ra'yi
 Jun 31/ 2008
 
Dawladi malaha saaxib joogto ah ee waxay leedahay dan toogto ah, sidaas waxaa mar qura wada yiri  dhammaan dadka Soomaliyeed ee la socday Siyaasadda Soomaaliya afartii (4) sano ee la soo dhaafay, ka gadaal markii qalabka warbaahinta lagu shaaciyay in xilkii laga xayuubiyay Guddoomiyihii gobalka Banadir ahayna Duqa Magaalada Muqdishu Mohamed Omar Habeeb (M. Dheere)
 
Mohamed Cumar Habeeb ( M. Dheere) waxaa loo aqoonsan yahay in uu yahay Aabaha Dawladdaan Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Ahmed, sababta uu  Aabe ugu yahay waa fara badan tahay, balse haddii aan mid iyo labo ka soo qaadano waxaa ka mid ah:
 
1. dhammaadkii 2004kii, Markii loo baahday shaqsi ka soo jeeda beelweynta Mudulood oo buuxin kara  xil Ray'iisul waasaranimo (requirement of the vacant position)  kana mid ah 275 Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliyeed ku meel gaarka  ah, waa-tii uu Maxamed Dheere xildhibaanimadii uu ku wareejiyay Prof. Ali Mohamed Ghedi, R/W hore oo runtii Shacabka Soomaliyeed ka kasbaday sumcad fiican, ka dagaal markuu muujiyay firfricooni, wax qabad gudaha iyo dibadaba, iyo furfur-naasho uu ummadda Soomaliyeed  u  sinneey.
 
2. Dagaal Oogayaashii Muqdishu xilligaas ka talinaayay oo u diiday Dawladda Abdullahi Yuusuf inay soo degto Muqdishu, ayuu M. Dheere oo ka talinaayay gobalka Sh/Dh ee jowhar Dawladdii soo dejiyay Jowhar, markaasay reer Jowhar ku soo dhoweeyeen  Dwaladdii uu Abdullahi Yuusuf hoggaaminaayay shibirkii caanka ahaa:" dhalasho aan leysku dhowrin waa dhiggee dhulkaan Abgaal ku soo dhowow", sidaas ayuu M. Dheere ku yahay Aabaha Dawladdaan Yuusuf ee haddii uu xitaa Mohamed Dheere leeyahay dul-dulleelo yar yar iyo carrab dalab leh maxaa loogu dul-qaadan waayay duqu waa soo dadaalee?
 
Dhinaca kale, taas waxaa ka sii daran,  guux hoosaad sheegaaya in loo danlee yahay deegaanadda Mudulood  oo loo magacaabi rabo xilka ugu sarreeya ee gobalka Banadir shaqsi aan u dhalan deegaanka Muqdishu kana aan soo jeedin beelweynta Mudulood, iyadoo shaqsi ka soo jeeda beelweynta Mudulood uusan dhammaan deegaanada kale, ee Soomaliyeed ka qaban karin xil deegaan ee sow arrintu ma'aha hadalkii uu hadda ka hore ka digay Caaqil Xaaji Mohamoud Ali Jimale ( Koogaar), guddoomiyaha Guddigga Mudulood Waqooyiga Ameerika ( North America) oo ahaay " deegan-keyga lihi,  deegaan-kaagana kula lihi", haddii uu dhab yahay in la fulin rabo fikirkaan bah dilayska ah, shaqsigii ka soo jeeda beelweynta Mudulood oo aan ka dhiidhin dhalad ma'aha.
 
Ugu danbeyntii, beelweynta Mudulood waxaay u caddeynaysaa  R/W Nur Hassan Hussein ( Nur Cadde) inay beelweynta Mudulood taageersan tahay Dawladda FKMGS 97%, laakin looga baahan yahay Ray'iisul Wasaaraha  in uuka digtoonaado qolada (group-ka) raba xaasaska Soomaliyeed ee uu ku qancin maagaayo Gabdhaha Soomaaliyeed.

 
 
MOhamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
Rochester, MN.
 
Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso

Webmaster@calayaale.com Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir