SHEEKH SHARIIF SH. AHMEDOW KU SOO DHOWAW DHULKAAD LAHEYD (WELCOME HOME OUR HERO)

By:  

         Mohamoud Ghedi Aw Hilowle Rochester, Minnesota  jowhar53@hotmail.com.
Ra'yi
 02Nov-08 
 
Warar lagu kalsoonaa karaayo ee laga helaayo ilo-wareedyo ku sugan magaalada Jowhar ee gobalka Shabellaha dhexe, waxay tibaaxayaan in afar iyo labaatankii ( 24kii)  saac ee la soo dhaafay dhammaan dadweynaha ku dhaqan gobalka Shabellaha Dhexe iyo goballada ku dhow dhow sida gobalka Shabellaha Hoose, Muqdishu iyo gobalka Hiiraan ayku jireen farxad iyo rayn rayn, ay sidiiran ugu soo dhoweynayeen wafdigii  uu hoggaaminaayay goddoomiyaha  Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliyeed ahna Guddoomiyaha midowga maxaakiimta Soomaaliyeed Sheekh Shariif  Sheekh Ahmed  oo soo gaaray magaalada Jowhar taariikhdu markey aheyd November 1st, 2008.
 
Wafdiga uu hoggaaminaayo guddoomiyaha  Isbaheysiga dib uxoreynta  Soomaaliyeed waxaa ka mid ah Sheekh C/rahman Jiniqow  iyo  rug-caddeyga-weyn ee siyaasadda Soomaaliya ee xilligaan Col. Cumar Hashi Aden oo ah xogheyaha arrimaha gudaha ee isbaheysiga dib u xoreynta Soomaliyeed iyo Midowga Maxaakiimta Soomaliyeed.
 
Wararku waxaa aay sheegayeen in dhammaan waddooyinka waaweyn ee magaalada Jowhar ay isugu soo baxeen dadweyne aad u fara badan oo lulaayey caleeman qoyn, sidoo kale meela badan ayaa waxaa lagu ciyaaraayay, ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka gaar ahaan ciyaarta Shiribka oo gobalk Sh/Dhexe  uu caan ku yahay, waxaana ka mid ahaay Shirib-yaddii " Sheekh Shariif Sh. Ahmadow ku soo dhowaw dhulkaad laheyd, kuwaa dhun-san haleyska dhiciyee"
 
Ugu danbeyntii, dadweynihii faraha badney ee isugu soo baxey soo dhoweyntii wafdigii uu hoggaaminaayay Sheekh Shariif Ahmed, waxay bogaadin iyo mahad-celin balaaran  u jeediyeen shacabka iyo madaxweynaha Jabuuti Md. Ismail Omar Geele, oo habeen iyo maalin u taagan sidii Soomaliya ay mar labaad cagaheeda isugu taagi laheyd, waxayna cambeereyn dusha uga tuureen Gafuur Duubta  Soomaaliya oo dhan, qal qal ku haaya iyo Madaxweynaha Dawladda Eritrea Afewarki oo ah dallaalka ( Broker-ka) lacagtu u soo marto reer gafuur-duub iyo dhammaan kooxaha nabad-diidka  ah ee Soomaliya ka jira.
 
 
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
 
Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso

Webmaster@calayaale.com Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir