WAAN KA SOO HOR-JEEDAA DASTUURKA CUSUB

By:  

         Mohamoud Ghedi Aw Hilowle Rochester, Minnesota  jowhar53@hotmail.com.
Ra'yi
 21August 2010
 


    Waxaan halkaan ku caddeynayaa in aan ku biirey Mudanayaalka Baarlamaanka ee  sida xoogan  u diidan "Dastuurka cusub", hadda waxaan arrimo caafimmad u joogaa wadanka Mareykan, waxaanna filaayaa in uu Dhakhtarkeygu ( my Doctor) uu Asbuucyada soo socda ii fasaxi-doono in aan dib ugu laabto  hawlahaygii caadiga  ahaay, marka aan helo ogolaasho Alle, insha'allaahi waxaan si deg deg ah ugu duuli-doonaa dalkii hooyo, gaar ahaan caasimada Somaliya ee Muqdishu, si aan u iraah-do " Maye Maye" marka la gaaro u codeyn Dastuurka cusub.
 
Soomaalida waxaa lagu qiyaasaa  inay tahay  8-9 milyan oo qura, waana  isku Af, Isku Diin iyo isku dhaqan, xagee loo wadaa Federaalism joogto ah, Federaalism waxaa loo sameeyaa Qow-miyado isuyimid oo aan isku Af, isku Diin iyo isku dhaqan aheyn, sida Dowlada Mareykanka oo lagu qiyaaso " Population-keeda"  309 Milyan.
 
Mid kale Dastuur cusub, wuxuu u baahan yahay "Af-ti" ( Referendum) dadweyne,  oo ay  dadweynuhu amba ku yeelan amba ay ku diidaan, Dasuurkaas cusub, balse sida aan  lawada socono,  xalligaan xaalka Soomaliya ma saamaxaayo in la qaado af-ti dadweyne, sidaas awgeed  waa in la sugaa xilli ay dadweynuhu dhiiban karaayaan  aftidooda.
 
Dhinaca kale Dowladaha leysku yiraahdo " Bariga Afrika" ( East African Countries) sida Ithiopia oo tira ahaan lagu qiyaaso 80-90 Milyan, Kenya  oo lagu qiyaaso 38-40 Milyan, Uganda oo lagu qiyaaso 31-36 iyo Jabouti oo lagu qiyaaso ilaa hal Milyan, midkoodna ma is-ticmaalaan nadaamka Federaalismka, waayoo Federaalism-ku  waa kala  qoqobid ku dhisan qeybi oo xukun.
 
Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha Federaalka  Mudane Madoobe Nuunow, waxaan la ahay saaxib dhow, balse markey  ay timaad danta guud ee Dalka, Dadka iyo Diinta, fikirkeygu waa  ii gooni.
 
Radamaan Kariim
Xil. Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
Rochester, MN.



 

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com
If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 
                                                 Read Akhriso
              If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center  Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

 

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com