Culumada somalia ilama aha in eey garan waayaan ayadahaa hoos ku qoran balse waxaa quman in eey Ilaah ka dhowrsadaan si uu ugu naxariisto,Sh.X.Daahir waa uu diiday islaaxaha iyo nabada wax walbana waa uu cadeeyay miyaad wax ka sugeeysaan X.Daahir ??? waayo waxaa uu u gafay culumadii islaaxa waday, wax tixgelin ah ma uusan siin balse waxaa uu ka doortay in uu caalamka kala hadlo qaranimada somalia, waxaa uu diiday odayada dhaqanka xamar hadaba maxaa laga sugaayaa ??? sow colaad maaha iyo daadinta dhiiga muslimka ee sida xaqdarada ah loo daadinayo yaa masuul ka ah ?? dabcan waxaa shaki ku jirin in culumada eey yihiin kuwa ugu horeeysa ee lagu imtixaanaayo sida eey u wajahaan islaaxa iyo badbaadinta shacabka dulmanaa in ka badan 19 sanno,dhiiga muslimka in la daadiyo X.Daahirne baneeyo waxaa ciribteeda ama dunuubteeda qaadan Culumadii dhahay waxaan nahay dhaxalka ambiyada cid-naga danbeeysa oo
wax la weeydiinayo ma jirto iyo X.Dahir iyo inta dagaalka jecel. wallaalayaal Ilaah asaga oo la hadlayo muslimiinta qaabkii eey ugu bixi lahaayeen haddii eey is qabtaan :
وَإِن طَائِفَتَانِ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ اقْتَتَلُوا فَأَصْلِحُوا بَيْنَهُمَا فَإِن بَغَتْ إِحْدَاهُمَا عَلَى الْأُخْرَى فَقَاتِلُوا الَّتِي تَبْغِي حَتَّى تَفِيءَ إِلَى أَمْرِ اللَّهِ فَإِن فَاءتْ فَأَصْلِحُوا بَيْنَهُمَا بِالْعَدْلِ وَأَقْسِطُوا إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُقْسِطِينَ إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ إِخْوَةٌ فَأَصْلِحُوا بَيْنَ أَخَوَيْكُمْ وَاتَّقُوا اللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ
Haddeey laba koox ama qolo oo muminiin ah dagaalamaan heshiisiiya dhexdooda,haddeey mid ka mid ah xadgudubto oo diido islaaxa dhexdhexaadinta waxaa quman in la la diriro si loogu soo celiyo xuduuda Ilaah sameeyay ilaa eey kaga soo noqoneeyso,haddii eey u soo noqoto xuduuda Ilah u cadaalad fala oo u garsoora Ilaah waxaa uu jecel yahay kuwa cadaalada fala oo garsoora, muminiinta waa uun wallaalo ee wanaajiya wallaalihiin dhexdooda, Ilaahna ka dhowrsada waxaad u dhawdihiin in uu idiin naxariistee. Mumin waxaa la dhahaa qofkii raaca oo rumeeya Ilaah iyo nabigiisa (scw ) aayadaa waa mid dusha ugu dhaceeysa kooxihii lahaa waxaan u dagaalameeyna koryeelida hadalka Ilaah.
Mabdaá shiicada waxaa eey aaminsan yihiin qofkii raaca A-i-mada ama Imaamkiisa waxaa uu raacay rasuulkiisa maxed (scw) iyo Ilaah, qofkii ka soo horjeedsadana waxaa uu ka soo horjeedsaday rasuulkiisa maxed (scw) iyo Ilaah, xaqiiqdii waa mida keentay in loo tiriyo in eey yihiin dad baadi ah sabbabtoo ah Ilaah iyo adoonkiisa cid u dhaxeeyn karta ma jirto, sida oo kale towbada Ilaah ayaa leh oo cid la wadaagto ma jiro,waxaad maqleeysaa kuwo leh horta ma towbad keenay hebel ?? Ilaah waxaa uu dhahay: Ilaah waa abuuraha wax walba asagaana ka wakiil ah ama maamula اللَّهُ خَالِقُ كُلِّ شَيْءٍ وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ وَكِيلٌ waxaad moodaa in al shabaab in eey maamulaan wax walba sida fudud oo eey u qaadanayaan goáamada aadka ugu fog diinta raxmada badan, Qabuuraha eey qodayaan xaqiiqdii waa mid qalad ah waayo Ilaah ayaa la xisaabtamaya cidwalba oo qaldan ama saxsan,
al shabaab waxaa lagaga baahan yahay in eey umada u caqli celiyaan tusaan quraanka iyo sunada u sheegaan waxa Ilaah uu naga xarimay iyo waxa uu noo xalaaleeyay, marar faro badan ayaad qoraanka ku arkeeysaa Ilaah oo la hadlaya Nabi Maxed (scw) oo la lee-yahay adiga u dig wakiil kama tihide, Adiga waxaad tahay dige oo kaliya iwm Ilaah asga ayaa og waxa dhulka iyo cirka dhaxdooda ah إِنَّ اللَّهَ يَعْلَمُ غَيْبَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَاللَّهُ بَصِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ
Sh.X.Daahir dadka daba socda oo u haysta in uu yahay Iimaamka reerka ama sheekh reerka waxaan leeyahay ha ku qaldamina xiriirka Adoonka iyo Ilaahiisa cid u dhaxeeyso ma jiro haddii Ilaah kula doonana hanuun cid kaa leexin karta ma jirto sida uu Ilaah sheegay.وَمَن يَهْدِ اللَّهُ فَمَا لَهُ مِن مُّضِلٍّ أَلَيْسَ اللَّهُ بِعَزِيزٍ ذِي انتِقَامٍ
Culumada waxeey dhaheen waxaan nahay dhaxalka ambiyada cid-naga danbeeysa oo wax la weeydiinayo ma jirto,19 sanno ayaa danuub waaweeyn laga galaayay shacbka xamar ku dhaqan welina waa eey socotaa danuubtaa, hadaba haddii eeyan culumada soo saarin Fadwo kala saarta xaqa iyo badilka si shacabka uu u kala garto meesha qaladka uu ka socdo, dhibka somali waxaa uu soo jiray mudo dheer waxii laga dhaxlayne waa aan aragnay oo ah hoog iyo halaag iyo in ILaah nagu salado qom kale (Ethiopia) oo aan noo naxariisan, culumada waxaa looga fadhiyaa in eey soo saaraan Fadwo la raaco xaqa iyo baadilka kala saarta caqliga saliimka u saaxiib ah,waxaa uu Musse Cabdi Caraale dhahay haddii dalka lagu xukumo shareeco, ciidamada Amisona eey baxaan dagaalka waan sii wadeeynaa waa eey duuban tahay sida oo kale Sh.X.Daahir
waxaa uu dhawaan dhahay lama kulmayo Sh.Shariif waxaan isweeydiiayay sheekha X.Daahir la kulanka gaalada ayuu ka jecel yahay miyaa midka muslimiinta wallaalahiisa ah sida oo kale Fuaad Shongole iyo Al Shabaab waxaa eey dhaheen dowlada waa mid rido ah,waa ridoobeen naagahooda waa ka furan yihiin xoolaha eey qalaan lama cuni karo intaba waxaa sabbabay aqoon daro iyo jahli sidee Culumada islaax ugu dhex sameeyn kartaa kuwa jahliga ka buuxo sidee wax loogu sheegi karaa, waxaa waajib ah in culumada eey qoraan fadwo lagu kala baxo fadwo cadeeysa cida qaldan iyo sida loo saxi karo Ilaah waxaa uu dhahay:
قُلْ يَا عِبَادِيَ الَّذِينَ أَسْرَفُوا عَلَى أَنفُسِهِمْ لَا تَقْنَطُوا مِن رَّحْمَةِ اللَّهِ إِنَّ اللَّهَ يَغْفِرُ الذُّنُوبَ جَمِيعًا إِنَّهُ هُوَ الْغَفُورُ الرَّحِيمُ
waxaad dhahdaa nabiyow adoomadeeyda ku xad-gudbaya naftooda haka quusanina ama haka rajo dhigina naxariista Ilaah, Ilaahaa dhaafa danbiyada dhamaan tood, waana danbi dhaaf-badane naxariis-badane.
Qalbiga al shabaab Qaran kuma jeedaan ee Qabuureey ku jeedaan
Dr.Ali.A.Hirabe Hirabe_a@hotmail.com