Sheeko Xasaasiya oo ka Turjumaysa Marxalada Maanta Wadanku Marayo
 
Ra'yi
 5May2009
 

Amakaaga shacabka iyo Aragtida ay ka Qabaan  Arimaha

                                Murugsan ee Dalka Soomaaliya Qaybtii Kowaad

 

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

 

Waxaa umada soomaaliyeed mudo laga joogo ilaa iyo 30meeyo sano ay ku jireen shacabka soomaaliyeed ilaa waqtii laga soo noqday dagaalkii qaraara ee dhexmaray dawladii soomaaliye ee uu madaxweynaha ka ahaa   Maxamed Siyaad Bare iyo cadawga dalka iyo dadka soomaaliyeed ee itoobiya ayaa waxaa la soo maray  dagaalo wejiyo badan leh ilaa maanta qof kasta oo soomaaliyeed khabiir ku noqday xitaa dhawaqa rasaasta iyo madaaafiicda iyo hilaada ama cabirka meesha kuu ku dhacay ama qabsaday

Waxaan noqonay xarun dagaal oo ciidamadii jabhadaha iyo  maleeshiyaâdkii beelaha ku abtirsan jiray iyo hogaamiye kooxeedyadii kala haystay gobolada iyo dhamaan dalka qaybihiisa kala duwan   ee dhaxlay awooda dalka ka dib markii meesha ay ka baxday dawladii dhexe, hadaba waxay shacabku qaadeen amakaag  iyo tacajab waayo waxay waagii beryaba la kowsadaan magac cusub koox cusub hogaamiye cusub iyo barnaamij siyaasadeed oo cusub hadaba waxaan hadaba halkan  usoo qaadanaynaa sheeko ama faalo iyo falanqayn dhexmartay laba shaqsi ama laba qof oo ka mida shacabka soomaaliyeed laba oday oo la kala yidhaahdo  xaaji cali, iyo xaaji xuseen, labada xaaji oo ah saaxiibo isku dheer ayaa mar walba waxay ku kulmaan meel u dhaw masaajidka ay ku tukadaan oo ilaa waqtiga salaada la gaadhayo ay ku sheekaystaan kuna falanqeeyaan xaaladaha dalka iyo muruga siyaasadeed ee sii kordhayaa bal aan soo qaadano qaabkii sheekadu u dhex martay

Ee aqristow adiguna ila dheeho sheekadan  xigmada iyo maada leh.

 

Xaaji xuseen:- xaaji caliyaw assalaamu calaykum wr wb

Xaaji cali    :-   xaaji xuseen  wacalaykuma salaam  wr wb

 

Xaaji xuseen:-  xaaji saaka goor hore ayaad soo baxday ayaan u malaynayaa ee maxaad akhbaar haysaaa

 

Xaaji cali  :-  xaaji xuseen akhbaarta dalkeena waa yaa dhintay iyo yaa la qarxiyay beryahan iyo maxaay hanjabaado iyo cagajuglayn soo saareen wadaadadii dalka qabsaday

Markaa saaka waxaan maqlayay in suuqa bakaaraha laga mamnuucay in bacaha lagu adeegto madmadaw iyo in danbiil lala soo galo teeda kale waxaa dadka loo sheegay inuu marya cadcad ama shay cad dharkooda ka mid noqdo !!!

 

Xaaji xuseen :- cajiib walahaay waa yaab oo maxay bacda madaw galabsatay  oo dadka loogu diiday ma qodob ayaa loo cuskaday mise aayad quraana beryahan  ka mida aayadaha quraanka nin weliba muraadkiisa ayuu ku daliiliyaa taas miyaysan u ekayn dabeecadihii reer banii , israa,iil iyo kuwii nasaarada ee bedelay jiray qawlka alle sidoodii ayaa xaalku u muuqdaa laakiin ilaahay ayaa balan qaaday inaan quraanka kariimka iyo sunada la bedeli karin ee uu allaha cassawajalaha ahi ilaashan doono oo ayaadan ayaa sheegta

(انا نحن نزلنا دكر وانا له حافطون)

balse maatadii iyo caruurtii ayaa si khaldan wax loogu sheegayaa  oo nin weliba sidii rabo wax ugu fasirayaa waxaana ku dhacay jahawareer subxaanalaah

 

Xaaji cali:- xaaji xuseenow kolay waan maqlayay aayada ayaa lagu daliishaday inaan bac madawdu fiicnayn diinteenana midabyada makala doorbidin  marka waxaa la yidhi daliilka sidan ayaa loo dhigay  lagu banayno bacda cad iyo dharka cadcad iyo kuwa madawna lagu mamnuucayo waxaana la yidhi xaaji xuseenow

Xaqu waa cadyahay , khamiiskuna waa cadyahay , masaajidkuna waa cadyahay, sidaa awgeed maadaama cadaanku yahay sifo ama caalamada goobta cibaadada muslimiinta waa in wax walba cadaadaan sida bacaha iyo dharka qofku sitana waa qayb caadaan ahi ku jirtaa

Haddii kale waa cadaan diid oo waa la dilayaa

 

Xaaji xuseen:- waxaan ku weydiiyay xaaji caliyaw labada qolo dawlada iyo mucaaradkeeda wadaadadii is khilaafay kuwii ayaa arintani ka soo yeertay xagooda oo ku baaqay in bacmadawda mamnuuc tahay

 

Xaaji cali:- waxaa ku baaqay ayaan maqlayay qolada mucaaradka ah miyaan kala aqaana labaduba waa afduuban yihiin

 

Xaaji xuseen :- horta nimankan wadaada wada ahaa xaaji caliyaw ilaa hada ma ogaatay khilaafkooda waxaa u sababa?

 

Xaaji cali :-waxaan maqlay waxay ku heshiiyeen berigii ay hogaamiye kooxeedyada naga eryeen waa saxnaayeene inay afka duubtaan oo aan dadku baranin lana ogaanin afkaartooda iyo inay dalka qabsadaan inay rabaan, kadib waa tii belaayada iyo itoobiyaanka soo galeen dalka ee dagaalku nagu habsaday arintii waxay socotaba qolada hada sheikha madaxweynaha uu ka midyahay ayaa gafuurka ka furtay daboolkii oo dadka is tusiday markaasaa

Qoladii kale ee casmara ku hadhay iyo kuwa hada baydhaba iyo kismaayo haystaa waxay dhaheen inaga oo an ku heshiin sidee ayaad afka iska furteen oo aad keligiin dadka isu tusteen

Sidaa ayaa khilaafkoodu ka bilowday adigu hada gaaladii waa baxday kuwa joogaana waa bixi lahaayeen hadii ay wadaado saxa yihiin oo ay diinta yaqaanan , aayad quraana ayaa ilaahay inoogu sheegay dhibka khilaafka muslimiinta  (ولا تنازعو فتفشلو وتدهب ريحكم)

Ha  murmina hana is khilaafina waad fashilmaysaan oo awoodiina ayaa yaraanaysa, isku duubnida ayaa fiican iyo iskaashiga waxay aayad kale oo quraanka ku jirtaa ilahay ku sheegay

واعتصمو بحبل الله جميعا ولا تفرقو وادكرو نعمت ا

لله عليكم اد كنتم اعداء فالف بين قلوبكم فاصبحتم بنعمته اخوانا

Ayaada ayaa macnaheedu yahay waxaad qabsataan dhamaantiin xadhiga ilaahay hana kala tegina  xusa oo xasuusta oo ogaada nimcada ilaahay oo ku mahdiya idinka oo isu cadawa ilaahay qalbiyadiina isu soo dumiyay ee isu wanaajiyay ilaahay nimcadiis iyo galadiisa darteedna aad walaalo ku noqoteen

Miyaynnaan arkin nimcadii ilaahay 6 bilood, ka dib hadana miyaynaan arkin nimcadii ilaahay

Markii ilaahay inaga kaxeeyay macangagiintii iyo cadawgii itoobiya ee tigreega iyo amxaarka dalkeena ku soo duulay ee sida xun inoo galay

Waxaa dalkeena qabsaday cadaw shisheeye ah oo aynaan isku diin ahayn dad badan naga dilay nimankan maanta is haystana dhamaantood ka dhigay banaanka dalka hadana ilaahay gacantooda ayuu dalkii geliyay wana hogaanka kaliya ee dhinaa ee la sugayay culumadu shacab soomaaliyeed siyaasi waay arkeen , meleteri waaysoo arkeen  , jaahil waaysoo arkeen, tuugana  waaysoo arkeen  , oday beeleed afar jeeble ah oo dadka isku dira waaysoo arkeen  waxa noo dhinaa culumada  waxanan u malaynayaa iyaga qayb waan ka fiirsan jilitaankooda waxa inoo hadhayna waan sugaynaa ilaahay sida roon haynooga dhigee

wadaadadii hore qandi yar ayay qaadan jireen oo ay kutubta iyo waxay helaan ku ridan jireen kuwaanse boorso ayay sitaan xitaa dadka  nool gelayaan ee iga dhaaf warkooda.

 

Xaaji xuseen :- waad iga qoslisay markii hore xaalada afduubka ee laysku afgaran waayay markii aad aayadaha akhridayna waan qiirooday oo sida diinta loo sheeganayo laysagana indha tirayo ayaan xasuustay xaalada wadaada markaad gashayna

waxaa igu soo dhacay shirib nin abwaana hada ka hor yidhi oo ahaa sidan:-

 

Sadex walxaato ya ku taal sadex kaleeto yeeli mee

Yuhuuda gaalo la yiraah  yaasiin aqrista yeeli mee

Yaxaas galbeedna yeeli maa  hortiisa yuulaxyuulaxay

Yaasiin madoone yeeli maa yibir ku yaal yadawga gooy!!!

Waxaan uga danleeyahay hogaamiye kooxeed ayaa 20 sano heshiiya iyo heshiin mayno nafta nooga gooyay hadana ma 20 kale ayaan sugnaa wadaaado isku haystaa afka waa iska furnay ee idinka iska fura iyo anaga oo aydaan nala tashan maxaad afka idinku isaga furteen walahaay reerkii soomali ahaa dhib ayaa haysta ilahay ayaanse baryaynaa asaga ayaa nagu filan (توكل علي الله وكفي بالله وكيل)

 

Xaaji cali :-maanshalaah alaah ayaynu talo saaran isaga ayaa inagu filan sidaa aad sheegtay waaye xaaji xuseenow ee aniga shirib kale ayaa igu soo dhacay

 

Sadex walxaatoo shiin  ku taal sadex kaleeto yeeli mee

Shariifka sheikha la yidhaah shacabka laaya yeeli maa

Sheikh xasan  sheikha la yiraa sharkaada jooji yeeli maa

Shabaabka niman la yiraana shariifka raaca yeeli maa

 

Shiribkaagi ayaa shirib igu dhaliyay kaasise run ayuu sheegay aniguna wax u run u eg ayaan filayaa

 

Xaaji xuseen :- ileen niyaw abwaan ayaad tahay horta aan shiribkaaga faaleeyee shariifka wax hala dilo kama maqlin balse laftiisa anigu uma boginoo dalkiiba cag  soo dhigi maayo oo xalka gudahaba waxaa uu ka doorbiday dawlad aan xamar ka wada talin inuu xaafiisyo dibada uga raadiyo , shaqadii wasiirka arimaha dibada ayuu hayaa ayay ila tahay ,

tan kale ee sheikh xasana ninkaas go,aankiisa iyo ujeedkiisa waa inuu madaxweyne hello oo dawlad islaam madax ka noqdo hal mar sidii cabdulaahi yuusuf ugu qanacsanaa inuu kaara ugu dhex jiro adsn ay iska fadhiyaan baarlamaanku dalka itoobiya iska haysato ayaa sheikh xasana waxa uu rabaa in hal mar la dhaho aamiirul mu,miiniinka iyo wafidii u hogaaminayo ayaa garoonka aadan cadde ka duulay haduusan sidaa rabin ileen , waxaa uu dhahay ninkii abwaanka ahaa ,

hadii laba libaax oo tagane tulud wadaagayso

miduun baa ilkaha uma tudhee cuna tagoogyaha

 

sheikh xasan waxay ila tahay hadda sheikhnimo iyo magac u turan maayo hadii dagaal iyo fidno ku baaqo ee xaaalkiisu  waa  ama aan dalka xukumo ama nabad ceelkaan ku rido cidiba kama soo saarto inuu xaalkiisu yahay  kolayse waa nin weyn oo wax garada  inuu ilaahay markale xaqa tuso ayaan ugu ducaynayaa aniga khudbadiisii maalintii dhawayd umaan bogin waxaan sidaa u leeyahay awal sheeikha waa taageersanaa laakiin madfac nin ridayaa ayuu qayb ka ahaa nimankii dalka ka burshay ayaan ku taageeray hadduu dhaho anigaa bedelaya ragii magacyada lahaa sheeikhu sheeikhii aan naqaanay maaha ee hala quraansaaro.

 

shabaabka ayaa iisoo hadhay nimankaas iyagaa ayaa is cadeeyay oo waxay isku cadeeyeen  inaysan diin wadin ee ay dulmi wadaan , sheekada dhexmartay madaxdooda ayaa cadaynaysa

hadana ileen rag haddii aduun iyo xil dhexmaro saaxiibnimo dhimataye waa isku dhegan yihiin ayaan maqlay labadii xaqdaro ku heshiisana xaqa ayaa isku dira kuwaas anigu waaba ka cabsadaa oo subixii markaan guriga kasoo baxayo waa iska hadal badanahay oo wax ma qarin karee waa soo dardaarmaa dayn waxii iga maqan iyo waxa laygu leeyahay caruurta roonroon hadba kii jooga ayaan u sheeg waysadana waa isku ilaaliyaa si hadii lay galo aniga oo daahira aan u dhinto  ileen meel laysaga yimi lama ogee

 

Xaaji cali:- niyaw horta abwaan mayhiye dantaa iga dhigaysa , teeda kale sadexdaba sidaad u sheegtay anigu uma arko inay xal soomaaliyeed wadaan, waayo sheeku hadal wanaagsan iyo sheeko macquula ayuu sheegaa ilaa hada wax uu qabtay oo aan ahayn inuu madaxtooyada shir jaraa,iid ku qabto Universal TV ay kasoo duubto iyo inuu marba meel u dhoofo waxaan ahayn kuma hayo , maato wax uma qaban , dadkii qaxay uma gurman oo masoo celin, jidadkii iyo hospitaladii lacagahan la sheegayo wax lagama gaadhsiin ee lacagta dhan ee dalka loogu deeqay waxaa iska leh ayaan maqlay nimankan madmadaw ee dekada iyo airporka ilaaliya

Kaas waa shariifka xaalkiisa umana bogin

 

Sheikh xasan ayaa kuu soo hadhay ilaa 1977 ilaa maanta 32 sano ayuu dagaal ku soo jirey iyo xabsi iyo abaabul maanta haddii uu fursada wadaada reer afduub ka hor yimaada oo lumiyo u malayn maayo in dalkan soomaali danbe madaxweyne ka noqonayee sidii qarnigii 18naad caalamka loo qaybsaday ayaa soomaaliya loo qaybsan doonaa waxaana loo haystaa haddii taasi dhacdo nimanka culumada sheegan jirey ee heshiin waayay  horta baddii waaba la qabsaday ee beriga intaa hadhay hadana inuu cadaanku ku heshiinwaayo oo maraykan iyo yurub isku qabsato dusheenaa oo gantaalaha kuruuska iyo muruuska laynala dhaco  ayaan ka baqayaa dagaal ayaa inagu bilowday goor uu inaga dhamaana garan mayno wareer ayaa lagu jiraa habeen iyo maalin  xaajî xuseenoow

 

Shabaabkana anigu niyaw waxaan u aqaaana niman aan dalka iyo dadka toona dan ka lahayn  oo haday dhamaadaan iyo haday dhintaanba aan shuqul ku lahayn waxayna dhamaan intaan iyaga ahayn u yaqaanan cadawga ilaahay markaa waa nimankii intay sideed masaakiina ku dileen shibis yidhi waxaan dilnay cadawgii ilaahay kuwaas iyaga xaalkooda meel iga dhig

Shacabku markay wada fahmaan ayaa iyaga xal laga gaadhi doonaa ama iyagaa dalka u hadhi doona oo wada qabsan hadaba afar gobol ayay haystaan oo waxay rabaan ka yeelaane  ama dadka ayaaa dhamayn doona iyaga oo arinkooda waa la soo afjari doonaa ileen xal kale iyo hadal ma lahee ilaahayse xaqa ha tuso ee waa taa la adimay ee na keen duhur aadnee xaaji xuseenoow _-------------------

 

 

Fiiro Gaara :- sheekadan maaha mid taageeraysa koox gooniya kuna duulaana koox kale waxay ka turjumaysaa dareenka dhabta ee bulshada soomaaliyeed iyo sahwiga iyo sawaxanka maalin walba dhextaagan bulshada wabilaahi tawfiiq

 

La soco qaybaha danbe

 

 

Waa Qalinkii Cabdiraxiin Hilowle Galayr

abdirihiin1@hotmail.com

Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso

Webmaster@calayaale.com Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir

_________________________________________________________