TAARIIKHDA HOGAAMIYAYAASHA DIIMEED
TAARIIKHDA HOGAAMIYAYAASHA DIIMEED
QAYBTA KOWAAD
Sheikh Xasan Daahir Shalay iyo Maanta Keebuu Sharci ku Taagan yahay?
Bismilaahi Raxmaani Raxiim
Waxaan ku bilaabayaa qoraalkayga magaca ilahaay subxaanuhu waa tacaalaa
Waxaan doonayaa inaan is barbardhig ku samaynayo taariikh nololeedka sheikh xasan daahir aweys oo ah hogaamiye diimeed mudo dheerna arintaas ku soo jiray
Xiliyadii hore mawqifkii uu taagna iyo maanta mawqifkiisa uu taagan yahay farqiga u dhaxeeya inaan ogaano.
waxaan dhamaan taariikhdan kasoo xigtay nin odaya oo aan jeclaysan inaan magaciisa soo bandhigo ilaa muda dheerna sheiikha xidhiidh iyo saaxiibtinimo ka dhaxaysay maanta ii sheegay inuu aad ula yaaban yahay go,aankiisa cusub, waxaan inshalaah ku soo qaadanayaa qoraalkayga danbe ee xaqiiqa raadinta hogaamiyayaasha diimeed madaxweynaha midnimada qaran ee sheikh shariif sheikh axmed iyo isaga inta ilaahay inooga fududeeyo taariikhdiisa iyo halgankiisa diimeed iyo siyaasadeed.
Waxaan waraystay oo aan kala sheekaystay taariikhda sheikh xasan nin odaya oo ay ku wada xidhanaayeen xabsiga dhexe oo muqdisho waqti xasan daahir loo xidhay inuu wado dacwo iyo faafin diimeed oo ka dhana kacaankii waqtigaas wadanka haystay .
Xasan daahir oo ahaa hogaamiye ciidan meleteri ayaa isaga oo kabtan ah waxaa uu ka qayb galay dagaalkii soomaliya iyo itoobiya 1977dii waxaa uuna kasoo hooyay guulo la yaqaan
Ka dib ayuu soo noqday caasimada dalka muqdisho dagaalkii oo socda waxaa uuna ka codsaday madaxweynaha in ruqso la siiyo isaga oo sheegay waqtigiisa hadhay inuu u hurayo diinta islaamka faafinteeda iyo inuu shaqsiyan inuu cibaadaysto oo ilahay weeyneeyo u baahan yahay maxamed siyaad bare
Ayaa waxaa uu ka aqbalay arinkaas waxaana la siiyay dalacaad(promotion) ah inuu yahay gaashaanle
Haddii uu isaga oo nabad qaba oo nool soo noqdana ruqsada laga aqbali doono.
Oo loo fulin doono codsigiisa isuguna uu fuliyo hadana danaha qaranka iyo la dagaalanka cadawga soomaliya ee itoobiya.
Waxaa ka mid ahayd taariikhii cajiibka ahayd ee sheikh xasan in iyada oo dagaalkii lagu jiro oo xabadii socoto ayaa waxaa uu dhahay sheikh xasan sida uu ii sheegay saaxiibkiis waxaan soo xasuustay ayaada quraanka ah tidhaahda (xaafiduu calasalawati wasaalatul wusdaa wa quumuu lilaahi qaanitiin)
Waqtigaasna waxaa la joogay salaad casar, kadib sheikh xasan ayaa iyada oo xabadii socoto isu taagay salaad ciidamadii ayaa sidii marba mid usoo kacayay waxay noqdeen jamac dhan
Waxaana ay ku tukadeen halkaas salaadii casar, saaxiibkiis ayaa waxaa uu ii sheegay inuu
Waydiiyay shiekh xasan miyaadan ka baqayn maadaama weerar iyo difaac aad ku dhex jirto
Inaad dhimato , waxaa uu sheikh xasan ugu jawaabay ilaahay dila ayaa dhinta balse yaa ka fiican nin isaga oo salaad u taagan ku dhinta.
Waxaa uu xasan daahir isaga oo nool kasoo noqday dagaalkii waaana ka tegay shaqadii dawladii maxamed siyaad bare isaga oo u kicitimay dhinaca dalka sucuudiga oo ku noolaa magaalooyinka barakaysan ee maka iyo madiina ayaa sida ninka xog ogaalka ahi I sheegay
Waxaa uu yidhi aniga oo aqrisana kitaab ayaa waxaa igu soo dhacday ayuu yidhi sheikh xasan
Xadiiska nebigeena ee ah(Baliq Canii walow aayah) kadib waxaa uu sheikh xasan go,aan ku gaadhay xiligaas oo ah inuu dalkii ku noqdo isaga iyo culumo kale oo dalka iyo dadka diinta si mutadawacnimo ah loo baro oo loo guntado sidii loo faafin lahaa dacwada diinta islaamka
Waana kusoo dhaqaaqay sheiikha waxaan uuna yimid soomaliya qaasatan caasimada
Waxaana uu mar walba sheikhu ku hami jirey inay dalka soomaliya ka abuuro xisbi islaamiya oo dalka diinta ku hogaamiya sheikh xasan safarkii uu soomaliya ku yimid sanadihii u dhaxeeyay 1987_1989 aya waxaa lagu xidhay fidintii iyo faafintii dacawada islaamka isaga oo lagu qaaday qodobadii dawladii rajiimka ahayd oo aad u necbayd arimaha diinta
Lana yidhi waxaan tahay kacaan diid waxaadna wadaa abaabul ka dhan ah kacaanka .
Sheikha ayaa mudadii uu xidhnaa waxaa uu kala kulmay xabsigaa cadaadis iyo ciqaab badan iyada oo loola dhaqmay siyaabo ka fog xuquuqda qofka islaamka ha iyo qofka aadamaha ah
Ayaa hadana sheikhu waxaa uu ku faraxsanaa waxaa loo dhibaataynayaa inay tahay diinta islaamka darteed waxaa xabsiga dhexdiisa uu ka bilaabay dacwadii isaga oo maxaabiista wax bari jiray wacdiyina jiray.
Hadaba waxaa dhacday maalin maalmaha ka mida inay u yimaadeen saraakiil sarsare oo ka socota dawlada weydiiyeena mawqifkiisa ku aadan inuu waydiisto cafis madaxweynaha soomaliya hadu sidaa sameeyona la sii dayn doono , waxaanu ugu jawaabay sheikh xasan arinkaas ma waxaan waydiista cafis nin aan ilaahay iyo diintiisaba wax qiimayna u ahayn aayadaha diintana qaarkood beeniayay idinkuse ma waxad igula talinaysaan inaan shaqsiga isu duleeyo , lagama yaabo ayuu yidhi waxaa uuna daliil usoo qaatay , ayaadaha ka hadlaya in xukunka islaamka waxa ka wanaagsani aysan jirin, xukun jaahiliya oo cilmaaniyaa aanu waxba tarayn. Saraakiishii ayuu wacdi la galay waana is fahmi waayeen waxaa uuna ku adkaystay inuu diyaar u yahay wax kasta oo dhibaato aha ama ciqaabo ee la marsiiyo
Inuu diyaar u yahay uusana ilaahay maahine cid kale ka baqayn.
Waxaa waqtigaas la xidhnaa culumaa, udiin badan oo sheikh xasan iyo iyagaba lagu xukumay dil toogasho ah waxaa dhacday maalin maalmaha ka mida in la geeyay sheikh xasan (qolka
Habsamida ) oo ahaa qol la geeyo qofka la dilayo subixii uuna ku dardaarmo qofka waxaa loo gelin jiray dhar laga sameeyay jawaanada ama kiishashkii burka lagu keeni jirey ee cadcadaa ee marada ahaa. Waa qol uu samaystay taliskii rajiimka ahaa inuu ku dhibaateeyo dadka shacabka ah iyo masaakiinta aan waxba galabsan.
Waxaa ka mid ahaa wadaadadii la xidhnaa sheikh nuur baaruud gurxan iyo sheikh cabdicasiis faarax oo tafsiirka ka aqri jiray xabsiga dhexe ee soomaliya iyadoo ay ugu hanjabeen askartii bilaa naxariista ahayd ee loo carbiyay dhibaataynta shacabka inuusan ka aqri karin mar danbe xabsiga dhexdiisa quraan, oo aysan meeshani ahayn masaajid diinta lagu faafiyo
Sheikh cabdi casiis faarax ayaa ugu jawaabay ilaahay haw naxariistee irbad iyo dun soo qaada oo afka iga tola inta aan hadli karayo ilaahay diintiisa waan aqrinayaa waana sheegayaa
Maanshalaah ragaas ayaa dunida soo maray iyaga oo u taagan u huritaanka naftooda diinta islaamka.
Ragaas oo uu ka mid ahaa sheikh xasan waqtigaa ayaa waxay u taagnayeen siday dalka soomaliya ugu soo dabaali lahaayeen fahanka diinta islaamka iyo ku dhaqanka shareecada islaamka.
Hadaan dib ugu soo noqon sanadihii 1991_1992 waxaa uu sheikh xasan ahaa aasaasayaashii xisbiga alitixaad oo waa kii ka aasaasay gobolada bari iyo sanaag degmooyin ka mida maamul islaamiyaa oo ay iska hor yimaadeen cabdilaahi yuusuf ilaa waqtigaas waxaa ka go.nayd sheikh xasan inuu dalka ka hirgeliyo shareecada islaamka.
Waxaan wada ogsoonahay inuu sheikh xasan ka mid ahaa aasaasayaashii maxaakiimtii islaamka ee koonfurta dalka soomaliya khaasatan gobolada bartamaha iyo koonfurta soomaaliya waxaa shiikh xasan loo doortay gudoomiyaha golaha shuurada ee maxaakiimta islaamka inkastoo maxaakiimta wax badan qabatay hadana waxaa la sheegaa inay is fahan daro dhexdooda ah iyo dad aan maamulka iyo maareeynta aqoon u lahayn fashiliyeen
Balse sheikh xasan waxaa uu markaas dhadhamiyay guusha dedaalkii uu mudada dheer kusoo jiray .
Waxaa dalkii mar labaad ay iskaga hor yimadeen cabdulaahi yuusuf iyo ciidamada itoobiya oo ay labadaba hore u dagaalameen sheikh xasan waxaana wadankii la wareegay ciidamadii dawlada ku meel gaadhka ahayd oo ay taageerayaal ciidamo si sharci daro ah iyo xad gudub kusoo galay dalka soomaliya oo cadaawadi ka dhaxaysay dhibaatooyin iyo takrifal badana ka gaystay.
Waxaa uu sheikh xasan iyo asxaabtii ka baxeen dalka soomaliya waxaana ay tageen wadamo kala duwan sida ereteriya yemen , jabuuti hadaba sheikh xasan ayaa waxa uu maanta u muuqdaa mid ka tanaasulay go,aankiisii hore ee ahaa ku dhaqanka shareecada islaamka oo uu go,aankiisu u muuqdo mid ka bedel kii hore waayo waxaa soomaliya ka dhalatay dawladii ugu horeysay ee ku dhawaaqda ku dhaqanka shareecada islaamka iyada oo 22 wasiir oo ka tirsan xukuumada dawlada ku meel gaadhka ah qalinka ku duugeen ku dhaqanka shareecada islaamka maxaa sababay inuu sheikh xasan hadana ku baaqo dagaal ka dhan aha dawladaas maadaama uu nasiib u yeeshay inuu maqlo dalka soomaliya oo dawlad ku dhaqmaysa shareecada islaamka ay ka hirgashay dedaalkaasna uu mudo dheer kusoo jiray
Mise waxaa uu shiekhu doonayay inuu isagu noqdo amiirka koowaad ee dalka soomaliya ku dhaqa shareecada islaamka ? haduu sidaa doonayay haday fursad ku dhaafto waa laga daba tagaa waxaa uu noqan karaa kan labaad hadii uu ka qayb qaato hirgelinta shareecada islaamka iyo ku soo dabaalida soomaliya nidaam iyo nabad gelyo iyo sharci iyo kala danbayn sidii waqtigii maxkamadaha ,
Markaa aqristoow waxaad is barbardhig ku samaysaa taariikhdii shalay ee sheikh xasan iyo go,aankiisa dagaal ee maanta maxay tahay isbedelka u dhaxeeyaa ?
Maxaase lagu tilmaami karaa sheeikha oo hore loogu bartay halganka raadinta hirgelinta shareecada islaamka maanta leh halala dagaalamo ?
Ilaahay ayaa mahad leh
Cabdiraxiin Hilowle (Galayr)
Webmaster@calayaale.com
Tafatiraha wararka
caalamka iyo
soomaliya Calayaale Media Center
calayaal@yahoo.de
kalasoo xiriir
_________________________________________________________ |