Bidhaan Qaran
Gabaygan waa gabay jawaab u ah
gabay uu baafin u bixiyay saaxiib abwaan xasan garaad oo
dhawaan ku soo baxay inta badan shabakadaha af
soomaaliga lagu qoro ka dib waxaan jeclaystay isaga oo
abwaanku codsaday qof weliba siday ula muuqato baadida
abwaanka ka maqnay inuu la baafiyo inaan ra,yigayga
sidaan u arkay u sheego aniga oo ku tilmaamay baadidaas
qarankii umada soomaaliyeed oo dhamaantiis hawada ka
baxay sida muuqaalkii haykalka dowladnimo, magacii
wadanka, astaantii iyo calankii, baasaboorkii soomaalida,
dhaqankii iyo dhaqaalihii oo ay hada marxaladu marayso
in diintiina nin weliba meesha uu doono u adeegsado
iyada oo ilaahayna balan qaaday inuu ilaashanayo waxbana
aan laga bedelay balse waa aakhiro saman oo meel kasta
arintu way gashay bal hadaba gabaygii
Bidhaan Qaran
Ba,da gabay ball aan mariyo baadsho
xarafkeeda
Bajinteeda suugaanta iyo buundadiyo
dawga
Bismilaahi waa
magac allee bilow wanaagiiye
Bidhaan weeye
khayrloo belada lagu xijaabaaye
Gabay waa
badheedh oo xaqa lagu bikaacshaaye
Burhaan eebahay
weeye samaha lagu badhaadhaaye
Marna waa
bilaashiyo xumaan lagu basbeelaaye
Marna waa
bilkayd iyo su,aal lagu bariistaaye
Marna waa
bishaaroo dadkaa loogu baaqaaye
Marna waa buruud
oo xumaha lagu badbaadshaaye
Marna waa
biriish oo runtaa looga baxayaaye
Bal aan mariyo
maantoo kaluu baabsan leeyahaye
Ma badbaado
ruuxii xumaha buun u tumayaaye
Muda waxuu
barqaystaba marbaa buugga loo rogiye
Bellaayaada
ninkii baaniyee beenta ehel mooda
Ee booli quuta
ee xumiyo baadilka u heesa
Mar uunbaa
bidhaantiisa iyo bilig la waayaaye
Baydkuu lahaa
iyo qabrigaa lagu buquujaaye
Bahdiisana ma
jiro ruux markaa boos la gelayaa
Afartaa sidii
loo bartay been ma ka ilaashay
Baydkii abwaan
lagu yiqiin boos ma abaaray
Bilaash looma
xaytee bidhaan quruxsan maw yeelay
Bulshadeena oo
buug aqoon baadiyaha joogta
Barashada
islaamkiyo quraanka badisa diinteeda
Sawtii belaayada
cadiyo biritish soo duulay
Baadari
talyaaniya sowkii badaha soo jiidhay
Boortaqiis
dhashiisii wataa beledka soo buuxshay
Bandar iyo
magaalo ay dhiseen beledyo waawayne
Dhaqankeenii ay
buufiyeen booska laga saaray
Inagoo birtiyo
seefta iyo waran ku bootayna
Oo aan bilaawaha
boggiyo beerka hoos gelina
Bunduq rasaas
uu baray beliyo hoogoo dhan
Basbaaska ay
nagu rideen manta nagu baahay
Berigaa ragbaa
diidanaa booday oo nacaye
Barsane iyo
xertiisii waa kuwii beegsadee galaye
Waa kuwii
banaanada ka raray beeja waynaha e
Bashiir iyo
ragiisiina ay boodh ka kiciyeene
Birta waa kuwii
lagu bilqay ee maydku buuxsamay
Waa tii
biritishkii laga raray beledka soomaale
Sayidkii
bilaawaha la dhacay boqonya wayntiiye
Baadiye beled
waa kuwii buunka loo wacaye
Waa tii
belaayadu dhacday ee booska laga saaray
Badda waa kuwii
magansaday ee la baacsadaye
Bedelkoodii bay
qaar madoow nagu bareen beene
Kuwa
buundadoodii watiyo barashadii gaalka
Oo boogahoodii
leh iyo beenta iyo tuugo
Oo aan ka
baydhine jidkii buuxiiyaa jira e
Afartaa sidii
bilaha khayr baaq ma ugu sheegay
Boorintii abwaan
lagu yiqiin boos maka abaaray
Bilaash looma
xaytee bidhaan quruxsan maw yeelay
Garaadoow adigaa
baafiyey oo baadhay sheekada e
Adigaa baadi kaa
maqan tahay oo beena aan odhane
Adigaa murtida
baahiyay oo boosinkeed helaye
Beertaada
guurtay ee baxdaye canabku uu buuxshay
Iyo geela
baadida ah ee boobka lagu qaaday
Iyo gabadh
bidhaanteeda weli aad baadhayso
Bal aan
faaladeed bixiyo oo buriyo xaalkeeda
Balbal iyo
walaac baa dadkii badidood qaadeene
Balse waa su,
aal bilicsanoo maanku buuxsamiye
Qarankiyo
bidhaantii dalkiyo calan buluuglayda
Bulshadeenii
soomaaliyee geeska bari joogtay
Maabkaan ka
baadhay oo malaha buurad iyo muuqe
Booskeedii niman
baa gatay oo beeso dhaafsadaye
Niman bower iyo
xoog wataa baando keensadaye
Gumaysaa u baxay
oo ma jiro ruux baxsanayaaye
Buul iyo sar
beer iyo cariish baadiye-iyo tuulo
Bananka iyo
duurka badda-iyo webiga boociisa
Meel baydhsan
iyo buurta iyo bacaddaadaa yaala
Intaba beec ayaa
lagu ridayoo bound la dhaafsaday
Bangiyaa la
dhigay rahantii waa la baabsadaye
Bulshadiyo
dadkii waa birayn ama inuu boodo
Baxo oo
banaanada u qaxa buubo gebigiisba
Baabacaha mid
laga gooyo iyo boqonka taagiisa
Iyo biidhe qaate
aan ogayn bixisadaa taala
Oo beeso loo
daadiyaa baarcad foofsadaye
Maandeeq banaan
laga helyoo booli lagu qaad
Inta aad hurdada
bogan garaad eed riyada baafin
Barbarkaaga
weeyee intaad jiifto buulkaaga
Beertii
maqnaydiyo hashii baadidii gabadha
Bidhaantooda
waad sugi bari saadanboo idile
Ama baafi oo
baadi doon qarankan boos waayay
Ama buurahaa
sare ka fuul beladan xiimaysaa
Ama kaba
baqooloo garaad baasaboor doono
Dhulkan beecsan
yaan lagugu qaban boolisbaa jira, e
Afartaa bidhaan
ii baxdiyo barashadaydii dheh
Basarkii abwaan
lagu yaqaan booskii ma abaaray
Bilaashan looma
xaytee bidhaan quruxsan maw yeelay
Badidiisa hadal
waa bilaash baydka uun dila,e
Intaasaan kusoo
baabayaa buuradkii gabaye .
Fiiro Gaar:- Waa
Kan Gabaygii hore linkigan ka aqriso
http://somalitalk.com/web/2010/04/01/gabay-baafin-abwaan-xasan-garaad-warsame/
http://xogta.com/news.php?readmore=249
http://www.qaranimo.com/2010/mar/gabay_baafin_mar_31_2010.htm
Waa Qalinkii iyo
Hall_abuurkii
Cabdiraxiin
Hilowle Galayr
Abdirihiin1@hotmail.com