MAANSADII QARAN IYO QABIIL
Ra'yi
 25Jul09
 

MAANSADII QARAN IYO QABIIL

 

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

 

Maansadan waxan curiyay marka aan arkay in soomaaliya maahine uusan aduunka korkiisa jirin dad qabiil isticmaala dadyawga islaamka ahina ay isku gartaan iskuna xidhiidhiyaan si ehelnimada iyo muxrimka loo ogaado inaguna uu yahay cudurka ina dabar jaray   hadaba maansadan oo ah dood dhexmaraysa qaran oo ah bulsho is haysata oo isku maba da iyo isku mawqifa oo calan iyo sumad keliya ka dhaxayso iyo qabiil oo ah kala qaybsanaanta iyo qatarta ugu weyn ee dalkeena qaribtay  hadaba maansadii oo ay is waydaarsanayaan qaran iyo qabiil waa tan ee ka bogasho wacan :-

 

Qabiil

 

Indhawaale qaafkeed

Qorshaheeda suugaan

Qalinkaan ka jirayoo

Ma qaabaynin maansada

Aan qotomiyo maantoo

Qiyaas aan u dhiga oo

Qoondeeyo saan rabo

 

Qabiil laysku raacoo

Qorshe lagu sameeyaa

Qayb laysku siiyoo

Qolo laysku doortaa

Qodob noogu taalee

Qaranow maxaad tahay

Qabsatayoo dadkaygii

Waadiga iga qaadooo

Qulubka igu beeray

Dadkaan kala qoqobayee

Qayba meel kusoo xidhay

Adigaa qaribayooo

Qoolkii ka saaroo

Qaranimo ku sheego

Qoom kaliya baad tihiin

Dadkii ugu qudbeeyee

Qorshahaagu waa maxay

 

Qaran

 

Anigu qaran ayaan ahay

Qaribka iyo xumaatada

Qaladka waa dhibkaygoo

Qasaaraha dadkayguna

Qaxarkayga weeyaan

Qandaraaska xumaha iyo

Qiyaamada dalkeeniyo

Qandhadaa na haysaa

Qabiil waa daraadaa

Quruxdii dhulakaygii

Qiimahaan lahaan jiray

Qabiilbaa  qaribayoo

Qamdariiran naga dhigay

Inta qaafilka ahee

Qorshahaaga fulisana

Maalinbaa lasoo qaban

Qool baan ku xidhayaa

Xukun baa la qabadsiin

Qaladkaagu wuu bixi

Qaranimo way iman

 

Qabiil

 

Qaranow war li,idaa

Soomalida is qalatee

Qabiiladan iswada nacay

Midba qaytan meeshiis

Miyaad qaran ka dhigiyo

Wax u qaybin karaysaa

Oo ay kuwada qancaayaan

Waa mid aan qabsoomayn

Kala qaybsanaantiyo

Kala qaaraanaantiyo

Qaxa iyo dagaalkiyo

Qatliga iyo xumaatada

Qorshahayga weeyaan

Isqabsiga gacmaha iyo

Quluubtoo is fahantaa

Qandho iyo xanuuniyo

Qaribkayga weeyaan

Qaranoow ayaamahan

Qarnigan aynu noolnahay

Qaaradaha aduunyada

Quful bay I saareen

Qoyska aan la noolahay

Aadna ii qadariyaa

Qoomka aadka ii jecel

Een qalad sax uga dhigay

Qabuuraha ku wada guray

Qaafiliinta soomaal

Qaxoontiga aduunyada

Ayaan qayb wadaagnaa

Mana iga qancaayaan

Imana quudhsan karayaan

 

Qaran

 

Aduunyadu qiyaasiyo

Qaab bay ku socotaa

Qaadir uu ku talo galay

Qoomkii qilaafana

Qasaare iyo hoogiyo

Qoomaamaa sugaysoo

Qayr ku gaadhi maayaan

Qarankeenii soomaal

Qabiil baa u baas baxay

Kala qaybshay shacabkii

Qolo way dhamaatoo

Qabriyaday u hoydaan

Qolana waa ka dhoofeen

Qumanow dalkoodii

Qolo waa curyaamiin

Qaybaa jidhkii maqan

Qolona qaraxa dhacayiyo

Qiiqiyo raasaastiyo

Qoomamey dhex joogaan

Qolona waa tan dheregtaye

Qasaaraha ku naaxaha ah

Qolona waa qoryooleey

Qabiil bay u raran yihiin

Qiyaas lagu fekero iyo

Qorshe maleh ujeedo leh.

 

Qabiil

 

Qabqablaha dagaalkiyo

Wiilka qoriga haystaa

Qalbigayga weeyaan

Odayada qaribanee

Qaybiya xumaatada

Qoladayda weeyaan

Qarash baan ku siiyaa

Inta qaafilka ahee

Qabiilkuun u heestaa

Waa qaybtii aan helay

Qorshahayga fulisee

Qaranoow war li,idaa

Qurba joogta oo idil

Qaybta gudaha joogta

Weli aanan qaxinee

Anigaw qudbeeyoo

Way qaybsan yihiinoo

Qof I diidi karayoo

I qilaafa kuma jiro

Qalin iyo saxeexiyo

Quwad baan ku haystaa

Weligaaba qiirood

Ama qayli qaranoow

Maadigaa I qaban kara

Qasnadayda furi kara

Qorshahayga heli kara

Waa qabsaday dalkaagii

Waana qaribay dadkaagii

 

Qaran

 

Kuwa qixiya maatida

Kuwa qalayaa shacabkee

Qalabka isu haystoow

Miyaaydaan qatoobayn

Mar qudhana qushuucayn

Miyaydaan qalbi lahayn

Miyaydaan is qabanayn

Qalalaase  joogta ah

Iyo qaybsanaantani

Qaran lagu gaadhee

Qorshihiinu waa maxay

Dad qabiil xeraystoo

Marba qaab ka dhigayoo

U qabiran ayaad tihiin

Adigoo qaracanooo

Qorax_yaala shacaboow

Miyaa weli qabiilkii

Qandiga  aad ku haysaa

Is qabsada  gacmaha oo

Quluubtiina wada saxa

Isu qira walaalnimo

Qaladkii dhexdiinana

Saamaxaad ka qaatoo

Qaadirkiin ka wada baqa

 

Qabiil

 

Kan aqriya quraanka

Ee qaariga islaamka ah

Qabiil baan ku sheegaa

Qorshe ayuu wataayoo

Wuu idin qaldaayaa

Ka qabsada dhegaha oo

Qulqulaan idhaahdaa

Kan qorshaha wanaagiyo

Qandaraaska samahiyo

Wada qaranimoo idil

Qaybaha xumaantiyo

Qoon baan u yeelaa

Qatar baan ku sheegaa

Dadkuna wayga qaataan

Qaranow I nabad geli

Qoomkayga  ii dhaaf

Qoodhaa iyo xeradaa

Qaaradaha aduunyada

Qolo kale ma haystee

Qaranimada iga daa

Qiirada wadaninimo

Qushuucaa islaanimo

Qaribkayga weeyaan

Qudhbaxayga weeyaan

Qaranoow i nabad geli. !!!

 

Qaran

 

Soomali qubaneey

Soomaali qalaneey

Adigaa qabiil jecel

Qolo qolo u kala baxay

Qaxarka iyo dhibaatada

Qaribkiyo dagaalada

Qarash baad ku bixisaan

Qaranimada dadkaygii

Qandho iyo xanuuniyo

Qalqal baad ka qaadaan

Kan qiyaasta wada ee

Qawlkiisu sammo  yahay

Qas ayaad ku sheegtaan

Durba waad qaribaysaa

Qorshihii saxda ahaa

Qaadiru raxmaankoow

Qafuuroow  allahayaw

Naga qabo waxyeelada

Qalad oodhan naga saar

Qaafiliinta nagu jira

Rabow qaayimiinta ah

Adaanay kaa qarsoonayn

Adaa qaybka maqan oge

Naga qari allahayaw

Qaranimo dalkaygiyo

Quluub wada samaatiyo

Nabad aan qabyo ahay

Qaniyaw na gaadhsii

 

Aaamiin aaamiin aamiin

 

Waa Qalinkii iyo Hal_abuurkii

Cabdiraxiin Hilowle  Galayr

abdirihiin1@hotmail.com

 

Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso

Webmaster@calayaale.com Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir

_________________________________________________________