DAWLAD HADII LA DIIDO , DAGAALKU XAL MA KEENAYAA
Waxaa ku bilabaayaa qoraalkayga magaca ilaahay subxaanuhu waa tacalaa .
Waxaa haboon in hadaan nahay soomali aan is xasuusino waxyaabo badan
Kolay waxaa ognahay nin kasta oo maanta xilkasa inuu ogyahay in muddo dheer
Dagaal ka socday soomaliya qaasatan caasimada waxaa la soo maray is reeb reeb
Qabiil waxaa loo gudbay jirooni dheer oo jufo jufo laysu arkay waxaa la gaadhay
Heerka laga gaadho iyo harumarka iyo natiijada dagaalku leeyahay intay le,eg tahay
Dhimasho , dhaawac, qax, rafaad, , waxaa la soo arkay ciidan dawladeed oo dilaya dadkii uu amaankooda sugi lahaa, waxaa lasoo arkay ciidan jabhadeed oo la ogyahay dhaxalkii iyo
Natiijadii uu dhalay dagaalkii lagu qaaday dawladii meleteriga ee maxamed siyaad bare
Dadku waxay filaayeen in jabhaduhu wax bedelayaan balse lama helin,
Waxay noqdeen jabhaduhu furihii xumahaiyo dagaaalada ilaa maanta soconayaa
Inkastoo dadkii aasaasay aysan qorshahoodu ahayn inay dalka dumiyaan iyo
In dhibaatada inta le,eg laga dhaxlo qorshahoodana waxaa uu ahaa maamulkan hada jira waa la saluugay ee mid ka fiican keena balse guuldaro kama horeyn jabhad, waxaa lasoo maray ciidan beeleed iyo maleeshiyaad reero iyo qabaa,iil ka amar qaata,
Kuwaasoo la eeday lana arkay wax dadka soo marsiiyeen , waxaa loo gudbay hogaamiye kooxeedyo kala qoqobay magaalada muqdisho mid weliba uu ka samaystay isbaarooyiin
Iyo xeryo ciidan uu ku quudiyo ciidankiisa dhididka iyo hantida masaakiinta ninkii diidana
La dilo , intaasoo oo hadimo , hagar , iyo hantaaturo ah waxaa laga helay dagaaladii sokeeye
Waxaa maalin maalmaha ka mida ka bilowday magaalada muqdisho fursadii ugu qaalisanayd oo ahayd inay mayalka talada qabtaan oo hantaan dadkii u ehelka ahaa
Samatabxinta waa culumaa,udiinka iyo aqoonyahanka iyo waxgaradka , hogaamiyayaasha dhaqanka oo aan markii hore waxba laga dhagaysan jirin,
Waxaa dhacay dagaal muqdisho ka dhaca kii ugu faa,iidada badnaa waayo waxaa uu reebay
Raad ama wax la taaban karo waxaa uu dhalay midho la guran karo mudo lixbiloodaa
Waxaa hayay talada maxaakiimtii waa lixdii bilood ay nolosha maamulka dad aan weligood arkin xitaa arkeen lixdaa bilood nidaamka iyo nabada hanaan wanaageeda.
Hadaba waxaa cajiiba oo wax aad iyo aad loola yaabo ah aniga shaqsi ahaan aan is waydiiyaa
Dadka soomaliyeed ma waxay noqdeen , juud kama juud, ama yajuuj iyo maajuuj, hadaba sida loo yaqaan waayo waxay dhisaan ayaa la yidhi derbi aan dhamaad lahayn ilaa qiyaamaha
Inkastooo aay maqaale igu tahay sheekadan hadana dadkaas la sheegayaa waa soomalida
Waxay wadaan dagaal kamana daalaan , daayin abidkood , dulmi laysku raaciyo xaqoon daaha laga qaadin , dibindaabyo waa lagu dhintaa daayin soconaysa,
Soomaliya waxaa soo maray maamulo kala duwan midna ma qaangaadhin balse maamulkii maxaakiimta waxaa uu ku qaangaadhay oo dadka soomalida iyo bulshada caalamkuba arkeen
Horumarkii la gaadhay.
Maanta miyaynu hadana daawadayaal ama goobjoogayaal ka noqon karnaa in maxaakiimtii
Ay noo bedesho burburkii jabahAdii USC, SDM, SPM. SNF, USP, SSDF, SNM,SSNM, IQB
Inay maanta maxaakiimtii isu bedesho , GARABKA JABUUTI, GARABKA ASMARA, IYO MACSARKARKA RAASKANBOONI ,JEBISO, ALSHABAAB, XISBUL ISLAAM, IQB,
U malayn mayo shacabka reer muqdisho oo 19 sano soo arkay kana dheregsan macaan iyo qadhaadh waxa uu leeyahay dagaal inay dhegaha u furi doonaan nin kale oo ku baaqa
Waxaa is waydiin leh ,
Muqdisho ma caasimadii dalkaa ? mise waa xerada tababarka ciidamada soomaliya?
Muqdisho hoobiyaha madfaca ma dadkeeda ayaa la jeclaaday mise waa mashruuc meel kale looga keenay?
Hadii ay tahay muqdisho wadnaha iyo halbawlaha soomaliya halbawlaha waa la xidhaa hadii uu dhaawac gaadho maahane lama sii gooyo,
Hadii muqdisho dadkeedu jeclaadeen inay dumiyaan oo ay hoobiyaha iyo madfaca la dhacaan
Waa nasiibkeed oo waxaa uu yidhi ninkii waalnaa ee gurigiisa iyo reerkiisa baa, biyay
Ee la yidhi maxaad sedan u samaysay , HADAAN WAALNAHAY REERKASE LEEYAHAY SIDEE LAY GELAYAA, taas oo ka dhigan dadkii lahaa muqdisho ee degana haday jeclaystaan inay dhulkoodii gubaan waa nasiib daro muqdisho haysta maahee cid kale lagu eedi mayo,
Hadiise dagaalka muqdisho yahay mashruuc dibad ka yimi ama gudaha ka yimi oo dad kale keeneen waxaa xil ka saran yahay waxgaradka iyo hogaamiyaaasha dhaqanka iyo dhamaan qaybaha bulshada ,sida culumada iyo aqoonyahanka , indheergaradka , odayaasha , dhalinyarada haweenka , in si isku duubniya ay uga hor tagaan, madfaca
Dawlad wax lagu waayay iyo degaanaana , dagaal laguma keeni karayo
Waa dawladu intay doonaba itaalkeedu ha le,ekaadee waxuun ayay keentaa
Dagaalna waan aragnay waxaa noogu filan khibrad iyo aqoontiisa araga maanta ka muuqda guryihii bilicda lahaa e muqdisho, xabaalaha meel kasta buuxa, curyaamiinta gacmaha iyo lugaha go,een , dadka oo qofka ugu yar firidh meel ka galay , hadaanay xabado ku dhexjirinba
Markaa umadyahay , isku duubni iyo midnimo hala raadiyo qofoowna qof kale wax haw qabane sidaad nabad ugu noolaan lahayd raadi waayo soomaalida qaar baan fahansanayn
In nabadu isaga u dan tahaay waayo colaadu qof walba way saaamaynaysaa ,
Nabaduna qof walba way saamaynaysaaa
Dedaaal nabadu lagu helay ,
Mar halaysku wada dayo.
Dabka demiya shacaboow,
Dawladoo la diidaa ,
Dagaalka oo la doonaa
Dadka kuma kordhaayee
Dadyahaw samaha doonoo
Naga daaya dirir kale
ILAAHAY AYAA MAHAD LEH
W/Q Cabdiraxiin Hilowle (Galayr)
Webmaster@calayaale.com
Tafatiraha wararka
caalamka iyo
soomaliya Calayaale Media Center
calayaal@yahoo.de
kalasoo xiriir
_________________________________________________________ |