Budhcad Badeed mise Badbaado badeed?
 
Ra'yi
 28Apr2009 
 

Kooxaha loo yaqaan budhcadbadeeda oo mudaba hadalhayntoodu ku badatay wadamada reer galbeedka ama mediaha caalamka ayaa waxaa laga dhigay niman ku taagan wado qalada ama jidgooyo ugu jira caalaamka maraakiibta u kala gooshta,

 

Maxaa saxa ka ah arintaas?

Maxaase khalad ka ah?

 

Waxaan doonayaa inaan labadan su,aalood jawaabo waafiya ka bixiyo

Waxaa  soo qaadan doonaa waxyaabo badan oo muujinaya saxnaanta ama inay sharci ku taagan yihiin kooxaaha loogu magacdaray budhcadbadeed iyo waxyaabo ay ku khaldan yihiin una baahan in loo sheego laftooda inay saxaan.

 

Hadaan ujeedada iyo miilanka hadalka usoo dego waxaa jirtay waagii 70meeyadii ayaa waxaa  jirtay kooxda caanka ah ee hada loo yaqaan Greenpeace qaabkii ay ku  bilowdeen oo ahaa qaab markii hore laga soo horjeestay ayaa hadana markii danbe lagu taageeray

Waxaa jirtay xeebaaha dalka Canada dhinaca xiga Alaska ayaa waxaa Canada u ogolaatay oo ay heshiis iyo ruqsad u siisay wadanka jabaanka inay ka kaluumaystaa balse jabaanka  ayaa si fudud uga faa,iidaystay arintaas oo waxaa uu keensaday shabaako ilaa 20km wax kasoo qaadayaa weliba kicinaya ukunta iyo ciida hoose xitaa waxa kujira aan reebayn

Muwaadiiniin canadiyaan ah ayaa waxay ka gilgisheen arintaas iyaga oo hore uga soo horjeeday tijaabooyinka maraykanka uu badahooda ku tijaabiyo hubka nuclearka

Nimankaas ayaa waxay bilaabeen inay iyaga oo ka koobnaa dhawr nin keligood is maalgeliyaan waxaa horseed u ahaa nimankan sadex nin oo  lakala odhan jiray

Jim Bohlen,   Paul Cote, Irvin Stowe, waxay sadexdan nin bilaabeen dedaal ay kaga hor tagayaan xaalufinta bada ee uu ku hayo jabaanku xeebahooda iyada oo weliba sifo sharciya iyo ruqasad ay jirto kaluumaysatadasu ay ka haysatay dawlada Canada

Waxay samaysteen group kale waxaana doon siiyay ugu deeqay nin la odhan jiray

Captain John Cormack waxaanay si wada jira u bilaabeen inay la dagaalamaan

Kooxaahaa xaqdarada ku gurayaa khayraadka badooda iyaga oo aan cid dirsatay jirin ayay weerar ku qaadeen  kaluumaysatadii jabaanka waxay xaga hore doontooda kaga xidheen

Qalab maqaska oo kale ah waxayna ku jari jireen shabaagaha doomaha iyo maraakiibta jabaanka jiidayaan ilaa markii danbe ciidamada marineska iyo dawlada Canada ay weerar ku qaaday soona qabqabatay , oo lagu qaaday maxkamada  waxay keenen shabaagtii waxayna dawlada Canada ogaatay in ay saxnaayeen nimankan kaluumaysatada jabaanku sharcigii iyo heshiiskii jabiyeen waana la sii daayay waxaana loo aqoonsaday muwaadiiniin halyeeynimo leh waxaana ruqsadii lagala noqday kaluumaysatadii jabaanka , waxaa jiri jirtay inay xiliyadii danbe si tuuga uga kaluumaysan jireen iyada maraakiibta ay samaysteen biyo ay iskaga difaacaan kooxaaha Greenpeaceka oo sida tuubooyinka dab damiska ah oo kale

Ka dib waxaa iyagana ay samaysteen markab xaga hore sida taga oo kale ah oo ay u sameeyeen qolyaha sameeyaa gaadiidka gaashaaman oo bir afka ku wata ay ku dalooliyaan maraakiibta sharci darada dalkooda kusoo gala. Waxay ku bilaabmeen sadex nin fekerkaas oo markii danbe ku fiday wadamada New zealand , austarelia iyo wadamo badan oo yuruba  hada waxaa teegeersan fekerka Greenpeace ee sadexna nin ka bilowday 2-8 milyan oo qof oo ka kala tirsan qaarada aduunka 41 wadan oo ku yaal.

 

Hadaba maanta waxaa cajiiba  in wargays kasta iyo television kasta iyo idaacad kasta aad ka maqlayso kana arkayso sawirada dhalinyarada soomaliyeed ee xeebaha ka ugaadhsata maraakiibta shisheeye iyo iyaga oo lagu tilmaamayo mafia,

Sheeko waxay u egtahay nin xoogleh ayaa xaajo u toostaa  mudo 20 sano ayaa waxaa ka socday dalka soomaliya  dhibaato iyo burbur baahsan iyo gacan shisheeye oo si toosa iyo si dadban ugu jirtay arimaha soomaliya  waxaan aqoon u wada leenahay wadamada reer galbeedka ama westrenka loo yaqaan ee ugu wayn yahay maraykanka  waxay tagaan ama ku duulaan ama dul degaan laba meelood oo ah meel ay dani kazoo galayso iyo meel dani kazoo galayso meel u dhaw, albaab ay ka galaan meeshaas,

Waxaa maanta xeebaha dalka soomaliya qariyay maraakiibta dagaalka  ee reer yurub kuwa bada leh iyo kuwa aan lahaynba iyo kuwa maraykanka  iyo asiya qaarkood oo iyaguna qandaraaska ka qayb qaatay hadaba mudo 20ka sano ah waxaa dalka soomaliya xeebihiisa lagu waday suntan warshadaha iyo qashinka nuclearka oo cadaymo muhiima iyo qoraalo iyo sawiroba laga hayo, iyo kaluumaysi xaddhaafa oo lagu waday khayraadka bada soomaaliya

Iyada oo aan loo aabe yeelayn dhamaan ciidamada aduunka kaluunka iyo malaayga la siiya waxaa laga gurtaa bada soomaliya . waa uu dareemi karaa qof kasta oo caqli saliima  leh inaysan maalin waqti ku lumen dawladaha reer galbeedku meel aan dani ugu jirin.

 

Waxaa taas cadaynaysa hada markii loo waydiiyo ciidamo nabad ilaalina jamciyada quruumaha ka dhaxaysa , dhamaan dawladaha reer galbeedka way ka aamuseenwaxayna raintaas iyo nabad ilaalinta soomaliya u dirista ciidamada ku riixeen wadamada afrika wayo hada ma jirto wax dana oo ay ka leeyihiin bariga soomaaliya , balse badda soomaaliya waxaan ogsoonahay in dawlad ka maqani aysan jirin  taas ayaa muujinaysa  ujeedada laga leeyahay badda soomaaliya inaysan ahayn budhcadbadeed ee ay ka weyntahay

Waa halka ay soomaalidu ku maahmaahdo baroorta orgiga ka sareyseee!!!

 

Waxaa la yaab ah ciidamada ama kooxaha budhcadbadeeda loogu magacdaray  waxay wataan doomo yaryar  waxay hubna ka sitaan qoriga AK47 ee karashkof waxaa  soo weeraray  maraakiibta dagaalka iyo gujisyada maraykanka iyo yurub miyay tahay macquul

Mise markaakiibta warsashadaha ah ee  samaynayaa kaluunka aya lagu dhex qarinayaa iyo kuwa  daadinayaa qashinka nucleyeerka.

 

Waxaa dhacday sanadihii 90meeyadii in ay ogaatay gabadh joornaaliista oo talyaaniga heshiis dhexmaray kooxo soomaliya oo hogaamiyes  dhaqameedyo iyo hogaamiye kooxeedyo isugu jira ee gobolada bari iyo dawlada talyaaniga  oo ku heshiiyay inay dawlada talyaaniga sun kazoo hadhay warshadaheeda iyo qashin ay ku shubto xeebaha bari  dadkaasna ay siiso hub iyo rasaas ugu bedesho gabadha joornaaliista ah oo la odhan jiray (alaria albi) ayaa waxaa ciidamada sirdoonka dawlada talyaaniga ku khaarajiyeen si dadban magaalada muqdisho iyaga oo u adeegsaday kooxo mooryaana oo aan fahansanayn ujeedada dilka gabadhaas joornaalista ah waxaana arintii lagu majaro habaabiyay in shacabka talyaaniga lagu mashquuliyo nin soomaliya oo lasoo qabtay oo la yidhi waxaa uu dilay gabadhaas joornaaliista ah waxaana la hayaa cadaymo iyo arkeefiyado arintaas ku saabsan dadkii heshiiskaas galayna waa la hayaa magacyadoodaa waana la soo saari doonaa waqtiyada ay suurtagalka noqoto in la xisaabtamo.

 

Waxaa iyaduna dhacday oo xaqiiqa xeebaha gobolka shabeelada hoose ilaa xeebaha mareeg inay dhawr jeer kazoo caaryeen foostooyin ay ku jirto suntan ama qashinka nucleyeerka ah

Sida ay cadaysay xubin ka tirsanayd hay,adaha samafalka u joogay dalka soomaaliya oo waqtigaas ku sugnayd magaalada baraawe ayaa sheegtay inay indhaheeda ka qaaday kadib markay dad maxaysato ah soo qaateen foosto iyaga oo donayay inay  ka dhigtaan foosto biyood baahina u gaysay aqoona aan u lahayn waxaa kujira ay tiro rtoban qoysa oo ka dhawaa nawaaxiga lagu furay foostada ay sanka iyo afka iyo dhegaha dhiig ka keeneen qaarkoodna sida caruurtii u dhinteen dadkii kalena ay caafimaadkooda iyo noloshooda saamayn ku yeelatay.

 

Maxay markaas wadamada reer galbeedka uga hadli waayeen maxay wax uga qaban waayeen maxayse tahay sababta ay uga aamusnaayeen .

 

Waxaa jirtay madaxdii soomaliya soo martay iyo wasiiradii dawladihii ku meel gaadhaka ahaa qaarkood inay saxeexeen heshiisyo ah in bada soomaliya loo isticmaalo si sharci daro ah oo lagu daadiyo sunta iyo qashinka sida uu sheegay nin soomaaliyeed oo lagu waraystay hospital ku yaal dalka talyaaniga oo arinta lug ku lahaa oo shegay in la siiyay lacag qofkasta oo soomaliya hadii la siiyo xitaa uu dhulka iibinayo , nasiibdaro lacagta ninkaasi uu sheegay inay siiyeen wasiirada iyo madaxda iyo dawladihii heshiiska galayay ee goob jooga ka ahaa waxay ahayd  100,000 doolarka maraykanka ah , miyayse macquul tahay in shaqsi soomaliyeed oo wadaniyad iyo damiir leh 100,000 doolar siisto dalkiisa iyo dadkiisa , jawaabtu waa maya,

 

Waxaa kale oo dhacday in ay Kenya kula kulmeen waxgarad iyo aqoonyahano soomaaliyeed oo arimahaas wax ka ogaaday erga jimciyada lugooyada quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan arimaha soomaaliya oo ay waydiisteen inay jimciyada quruumaha ka dhaxaysaa arintaas  daba gal ku sameeyaan oo ay diyaarad oo jesco ah sameeyaan oo nooca wax sawira ah si ay ula socota dhaqdhaqaaqyada maraakiibta marayaa xeebaha soomaliya eek u daadinayaa qashinka iyo sunta arintaas si toos ah ayay ganafka ugu dhufteen diidmo qayaxan united nationku oo had iyo jeer warbaahinta ka sheega inay soomaliya inay wax ka qabtaan  ku mashquulsan yihiin  arimahan aan dhamaan soo sheegnay ayaa waxay ka marqaati kacayaan in xadgudubyo badan laga gaystay baddaha soomaliya si sharci ahayna loo isticmaalay khayraadka iyo macdanta ku jirta si gardaro iyo awood sheegasho kujirto loo daldasho,

 

Hadaba waxgaradka iyo aqoonyahanka iyo culamada soomaliyeed inay ka aamuusana kana gaabsadaan xaq maaha waayo waxaa reer bani israa,iil quraanku sheegay inay ahaayeen dad aan xumaantana iska reebin wanaagana isu sheegin, inagase waxaa laynagu tilmaamay dadka umadaha ugu qayr badan maadama aan xumaanta iska reebno wanaagana isu sheegno

Maxaa loo qarinayaa xadgudubyada la gaystay iyo dadka gaystay

Maxaa loo qarinayaa dhibaatada ay inagu hayaan nimanka reer galbeedka ah iyo xadgudubyada badheedhka ah , waxaa la yaab ah soomaliya oo ay maanta dad u dhashay ku xabisan yihiin xabsiyada Kenya oo ay lacag kaga qaadatay dawladaha reer galbeedka

Inay dhalinyaro soomaaliyeed ku xidho aan wax danbi dalkeeda ka gaysan

Kenya waan oganahay dhibaatadii ay u gaysatay soomalida waqtiyadii burburka iyo kuwa maanta ay dalkeena ku hayso waana xarunta laga maamulo dhibaatada soomaliya

Waana lala xisaabtami doonaa waqti ay noqotaba.

 

Budhcad badeeda waxaa ka haboon magacaas in laga fiirsado loona bedelo Badbaado badeed waa Greenpeaceka soomaliya way jiraan qaladaad ay galaan iyaga oo maraakiib xamuula iyo kuwa maraya meelo ka baxsan xuduud baddeedka  soomaaliya  waxaa isweydiin leh maraakiibta xeebaha soomaliya tuban yaa u siiyay ruqso? maxaase  wax looga qaban waayay intaan muwaadiniinta soomaaliyeed bilaabin ugaadhsiga maraakiibta dhibaatadii lagu hayay baddaha soomaliya?

 

Waxaay ila tahay haday badbaado baddeedka soomaaliyeed qabtaan maraaakiibta kaluumaysiga iyo kuwa sida shixnadaha hubka iyo qashinka nucleyeerka inaysan qaldanayn  ee ay saxan yihiin

 

Haday maraakiibta shacabka ganacsiga iyo kuwa dalxiiska ee marayaa baddaha caalamiga ah

Ay qabsadaana waa khalad waana inay isa saxaan dhalinyarada awal hore ahaan jirtay kaluumaysatada ee aragtay dhibaatada lagu hayo dalkooda baddihiisa ee iskood isu xilqaamay

Waxaan  xusi doontaa taariikhda waxayna noqon doonaan intooda badan muwaadiiniin sidii qisadii hore ee aan kazoo sheekeeyey ee ahayd inay Greenpeaceka sedan oo kale ahaayeen

Ka dibna ay qalad laga fahmay lana ogaaday saxdooda.

 

Waxaa dawlada soomaaliyeed ku waajiba inaysan ka gaabsan xadgudubyada lagu hayo

Badaha soomaliya wax farqiya uma dhexeeyaan itoobiyaankii lala dagaalamay ee soo galay dalka soomaliya xuduudkiisa iyo kuwa hada tuban baddaha soomaliya waa gumaysi iyo gumaysi waa xadgudubkii shalay laga dagaalay oo kale waxaana xaq u leenahay in soomaliya xeebaheeda baddaheeda iyo dhamaan qaranimadeeda ay dhawrato.

 

 

Inshalahaa haddii ay dawlada iyo waxgaradka soomaaliyeed ka gaabsadaan arimahaas waxaan soo bandhigi doonaa magacyada iyo dadkii ka danbeeyay ee kusoo qaatay qandaraaska arimaha aan kazoo hadlay iyo dhamaan dadka ku haya waxyeelada badaha soomaaliya  .waxaan arintan qaybaheeda kale kusoo bandhigi doonaa inshalaah arimo quseeya gacanka cadmeed iyo dawladaha xuduud badeedka nala leh, iyo cida ay ilaaliyaan maraakiibta dagaalka ee baddaha soomaliya dhooban iyo arimo kale oo farabadan .

 

Wabilaahi Tawfiiq

 

Allaah ayaa mahad leh

 

BY Cabdiraxiin Hilowle Galayr

       Abdirihiin 1@hotmail.com


 

 

Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso

Webmaster@calayaale.com Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir

_________________________________________________________