Maanso cusub oo la
magac baxday mashaqadii muqdisho oo dhexmaraysaa Madaxweyne shariif iyo
Magaalada madaxdaa muqdisho.
Maansadii
Mashaqadii Muqdisho
Maansadan waxay
dhexmaraysaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ee
shariif Shiekh Axmed
iyo
Magaala Madaxda Muqdisho
oo doonaysaa inay waydiiso waxqabadkii
dowladii magaca quruxda badnayd ee la soo dhisay
isanadkii hore oo maalmahan fooda inagu soo haysaa
sanadguuradeedii la galayo iyo halkay ku danbaysay
midnimadii qaranka ee ay ku baaqeen isaga iyo 550
xubnood ee baarlamaanka ah iyo 38ka wasiir ee dowlada
bal hadaba bogasho wacan maansadii Mashaqadii muqdisho
Muqdisho
Marka hore
salaaniyo
Mudanoow
wanaagiyo
Murwaadkii
gobeediyo
Milge iga
gudoonoo
Madaxweyne iga
hoo
Marka xiga
su,aaliyo
Ma huraan
ujeedada
Aa mariyo iga
maqal
Mar uun jaanis
I yeel
Muraadkaan u
jeediyo
Moosinkayga
dhawroo
Hana seegin
marinkee
Runta miiska ii
saar
Mudanoow
dalkeenii
Maxaa
macaaleeshiyo
Muunad li,ida
dhigaye
Mahuraankii
helayee
Midnimadii
burburiyee
Midba magac u
bixiye
Malaayiinta
calaniyo
Midba meel
ujeediyo
Meehanawga
badayee
Kala maaga nagu
riday
Adigaa
masuulooo
Madaxweyne
qaraniyo
Laguu doortay
maamule
Midnimadii ma
haysaa ?
Marinkaan ku
heli laa
Milgaheenii
qaranimo
Adigaa
mooshinkii helay
Dadku kuu
maqsuudeen
Laguu
muunadeeyee
Madaxweynenimadiyo
Masuulnimo
gudoontee
Mudaad meesha
joogtee
Maxaad qabatay
mudanoow??
Madaxweyne Shariif
Ma
magaaladiibaa
Ma xaruntii
dalkaygiyo
Meeshii ugu
mudnayde
Maankayga
deeqdaa
Ma halkay ku
taalee
Madaxtooyadaydiyo
Minankaan
jeclaabaa
Marka hore
magaalooy
Muqdishaay I
maqaloo
Muranka iga
dhawroo
Ma ogtahay
inaan ahay
Madaxweyne
daacada
Ma ogtahay
inaan ahay
Nin muwaadnimo
lehoo
Maalintiyo
habeenkii
Muusanawga
qaylada
Inta madax
madawliyo
Inta midab cad
oo idil
Ugu maqan
dalkiisiyo
Maatada
dadkaygoo
In naloo
miciinooo
Mar uun aynu
moodnaa
Mashaqada
haleeshiyo
Masiibadan
dhacaysoo
Marna aan ka
daalayn
Soo celinta
maandeeq
Marna aan ka
daalayn
Mugdiga inuu ka
saaroo
Maatada
wanaajoo
Malaaayiin ku
bixiyaa
Ma aqridid
miyaaa weli
Muqdishay
wargeeysyada
Mana ogid miyaa
weli
Maqalka iyo
aragtida
Ninka ugu
murtida badan
U macquulsan
inaan ahay
Maxaa maanta
kuu daran
Ma fahmine bal
ii mari??
Muqdisho
Ma dhabaa
dadkaygoow
Mudanuhu waxuu
yidhi
Ma wax loo
maqsuudoo
Dadow loo
mashxaradaa?
Mise waaba
dhalanteed!!
Mudanoow I
maqaloo
Ha masuugin
hadalkoo
Miisaan
jawaabliyo
Mid macquula
iga sii
Su,aalahan I
madaxmaray
Miinada
qarxaysiyo?
Muslinkaa la
dilayiyo
Mahlakada na
haysiyo
Maydka aan la
aasayn?
Ma xaqbaa
habeenkii
Madfaca iyo
hoobiye
Inaad
maatadaydiyo
Masaakiin
agooniyo
Maxasta iyo
dumarkiyo
Muslimiin ku
laysaa?
Ma waxaan
mutaystaa?
Nimankaan
madoowiyo
Kuwa marada
duubtee
Madaxooda
qariyee
Muslinimada
sheegtiyo
Waan
mujaahidaynaa
Dhibka ay I
mariyaan?
Micna li,ida
lagu dilo
Dadka kii
macquulee
Moorada la
gubayaa
Minankaagii
weeyaan
Mid dareemi
karayoo
Maankiis
ogyahayoo
Milicsada ma
joogee
Maatada la
gubayaa
Macaan hooyadaa
iyo
Waa masuulkii
abaaha
Mhuraan
walaalkaa
Malabeey
walashaa
Mid yidhaahda
kuma jiro
Yaanan moodin
marinkoo
Maaxda hadalka
duminine
Madaxweynahaygoow
Maqaloo
ujeedada
Mudo waan ku
sugayee
mMaad maanta
haysaa ?
Madaxweyne Shariif
Muqdishaay
inshalaah
Maalin dhaw
xoriyadiyo
Nabad loo
maqsuudiyo
Mudnaantaadii
waad heli
Waxaa iman
maraykaan
Melereriga
dunidiyo
Mooska iyo
raashiyaa
Mariinada
talyaaniga
Ingiriis
maryacadiyo
Midowgeeda
yuruboo
Midh qudhaba
maqnaynoo
Maraakiib
dagaaliyo
Miigaag
duulayaa iman
Misel ayay la
dhacayaan
Mid kasta oo
mucaarada
Afrikada
madoowiyo
Midowgii
ifriiqiyaa
Iyomool amxaaro
ah
Waxay maro ku
jiitaan
Cadowgeena waan
madhin
Kuli waan
makalayaa
Arin ayaan
malmalayaa
Majarihii
dagaalkiyo
Kartaan
milqaayaa
Ha i moodin
moogane
Masuul sare
ayaan ahay
Madaxweyne
qaraniyo
Ma taabtaan
ayaan ahay
Muslin
daacaadaaan ahay
Nin macaan
ayaan ahay
Nin munaafaq
neceboo
Runta mariya
baan ahay
Mudnaantana
anayska leh
Nin mutaystay
baan ahay
Muqdishaay ma
fahantoo
Ma ku deeqday
xaajadu!!
Muqdisho
Bal maqlaay
wadaadkii
Mudanaha
warkiisii
Iyo midha
dhalkiisii
Maantaanbaa sii
go,ay
Miyir iyo
wanaagiyo
Mood iyo
aduunyiyo
Maatada
qaxaysooo
Milkida oo
dhulkoodii
Nabad lagu
mabsuudiyo
Manfac lagu
negaadiyo
Miciin baan
sugaayee
Waxuu yidhi
maraykaan
Ma kuwii ciraaq
gubay
Ma kuwii
aduunyada
Mahalakada ku
kiciyee
Muslimiinta
madhiyee
Mucjisada
qarniga iyo
Mahadhada kuwii
dhigay
Ma Ibliisyadii
yurub
Mooskiyo
dadkeedii
Alla mooge
weeyaan
Wiilkii
maddoobaa
Maba oga
waqtiga dhacay
Maba oga
alhuumada
Ma amxaar ayaad
tidhi
Meles
ciidankiisiyo
Waxaan
magangelaynaa
Maafiyadii
wayaana ah
Maanka iyo
qalbiga iyo
Maskaxday
gadoontoo
Murugaan la
deris ahay
Inaad maaro
keentoo
Masuulnimo
awoodiyo
Madax baan ku
moodee
Madaxweyne
qaranoow
Ma dhabaa
waxaad tidhi!!
kuwa maxasta
laayee
Midigtiyo
gacmaha iyo
Madaxaba ka
gooyee
Murtadnimo ku
sheegiyo
Kuwa madow
yugaandhiyo
Malowyada
duqayntiyo
IgU mira
madfaca ee
Iga madhiyay
maatida
Inaad iga
maciintoo
Meel iiga
yeeshaan
Mudane kaa
filaayee
Moolka kale
ayaa iman
Maqalkaygu muu
rabin
Miyaadan
marinkaleetiyo
dhaqankii
mudnaa iyo
Muftaaxii
cilmiga iyo
Mayalkii
wanaagiyo
Masiirkii
islaamkiyo
Maqal
siiradeenii
Taas maaha
mudanoow
Mid caqliga
galayseee
Macne kale ma
haysaa???
Fiiro Gaar ah
Maansadani way dheertahay sidaa awgeed si aqristayaasha
ay ugu fududaato waxaan u samayey qaybo kale markaa
qaybtani waa tii koowaad welina waa socdaa waraysii iyo
dood iswaydaarsigii caasimada muqdisho oo metelaysaa
shacabkeedii
Iyo
madaxweynaha dowlada KMG ah oo metelayaa xukuumadiisaa
Waxayna soo
bixi doonaan qaybaha kale inshalaah dhawaaan ee la soco
Waa Qalinkii
iyo Hall_abuurkii
Cabdiraxiin
Hilowle Galayr
Webmaster@calayaale.com
Tafatiraha wararka
caalamka iyo
soomaliya Calayaale Media Center
calayaal@yahoo.de
kalasoo xiriir
_________________________________________________________ |