Muqaalkii Magaalada Muqdisho
Midabkii cadaa mar keliya madow isu bedelay!!!
Meeshan aad arkaysaa waa magaala madaxdii
Muqdisho
waa xaruntii dalka muuqaalada aad arkaysaa waa
qaybo ka mida oo laga soo qaaday
magaalada muqdisho meeshaani waa isgoyska siinay
ee ay isugu imaan jireen degmada yaaqshiid ,boondheere
iyo wardhiigleey

Waxaa ku nool meeshan dad tiro yar waxaana ka
taliya
kooxaaha mucaaradka dowlada ee ku qaraabta diinta
weliba kooxda alshabaab waxaa lagu dilay intay
nimankaasi ka talinayeen
ilaa bilowgoo bishii 2aad ee sanadki la soo
dhaafaymarkii dagaaladu muqdisho dib uga bilowdeen ilaa
maanta 145 qof oo shacaba oo nooc walba leh sida
Dhaakhaatiir , Macalimiin , culumo , Hogaankii dhaqanka,.
Aqoonyahan ,Hooyooyin iyo Haween nooc walba leh
Dhalinyaro iyo Waayeel





Iyada oo dadka ku dhintaa aanu ahayn intaas
keliyahadana waxaa keliya ay tiradan ka kooban dadka
sida tooska ah loogu bireeyaywaxaa jooga dhalinyaro aan
aqoon u lahayn aqoonta iyo xaqiiqda diinta hadana saacad
walba ku xadgudbayaa .
markaas hoteladii jaamacadihii dugsiyadaii
waxbarashada dugsiyadii
quraanka aragto waxaad dareemaysaa in meeshan ay
tahay meel qowmkii deganaa masiibo ku dhacday ama la
rogay sidii qoomamkii hore ee diinteenu inoo sheegtay
jirtay .
waa masiibo qaran oo la mida dhulgariirka Haiti
ka dhacay ama duufaanada ka dhaca laatiin amerika ama
fulkaanayaasha qarxa ama daadkii sunaamiga dagaalada
maanta ka soconaya magaalada muqdisho waayo waxaa maalin
walba ku naf waa dad gaadhayaa ilaa
500 magac alaale magacay doonaan ha sitaan ilaa
hadana ma jiro qof si dhab ah u qeexi kara ujeedada
dhabta ah ee ka danbaysaa dagaalada dhacayaa , waa fitno,
waa nabsi waa kibir
Waa halaag waa la yaab iyo siyaabo badan ayaa
lagu macneeyaa balse cid si dhaba uga faaloon karaysaa
ma jirto shacabku waxaa ku dhacay jahawareer meel ay
dantooda tahay iyo qolo saxan midna ma garanayaan hadba
sidii daad ayaa dhinac u dulaamayaan. Aduunyoo xaalkaa
ba,a
dagaaladii sokeeyaha waxay ahayd magaalada
muqdisho meel aan wax is bedel ah
ka muuqaan waxay lahayd suuqyo iyo meherado iyo
nooc walba adeega
bulshada waxay taasi ku tusaysaa ina hogaamiye
kooxeedkii shalay
wax aanu gaysan dalkana gaadhsiin iyo ciidan
beeleedyadii ay sababeen
Dagaaladan indhala,aanta ah ee ka dhacayaa
magaalada muqdisho
iyo qaybo ka mida dalka bartamaha iyo koonfurta
soomaaliya
waxay saamayn ku yeelatay arintani dhalintii ku
dhalatay ama ku kacaantay
goobihi bilicda samaa iyo biibitoyinkii
baashaalka ay isugu iman jireen oo
hawd noqday iyo guryahoodii oo la dudunshay lana
dhahay
sidaan ayay sax ku yihiiin
waxaa hadaba la yaab ah in nimanka cadaanka ah
iyo akaanibtu u sheegaan
dhalinyarada soomaaliyeed inaysan aduunyadu
faa,iido lahayn balse aysan u sheegin
in iyagu naceen oo aakhiro u socdaan waxay u
sheegaan inay iyagu haddii ay dhintaan
jihaadka dhaawacmayo oo dhaqaale iyo dhiirigelin
aysan helayn.
isma qarxiyaan waxay qarxiyaan caruurta iyo
da,yarta soomaaliyeeed
iyagu janada ay u diran waxay sugayaan markay
dhintaan
waxaa la yaableh in umada soomaaliyeed aysan
maanta ogoyn oo dareensanayn
masiirkoodaa iyo meesha uu ku danbayn doono
aayaahooda nololeed nabadeed
iyo nolosha danbe ee ubadkoodaa . ilaahayoow waa
taada
waxaan ku soo afjarayaa hadalkayga
muqdisho waydin aragtaa
marsadii dalkeeniyo
madashii dadkeeniyo
waa magaalo madaxdi
meel bahalo nooliyo
miranayso duurjoog
mukulaalo keliyuun
maxastiina lagu dilay
maatadiina lagu gubay
muslinkiina laga raray
nin muhaajir sheegtiyo
mid mucaarad sheegtiyo
midka dowladnimo wada
midna malaha naxariis
maanta aan ku raacnaa
mawlaan ka sugaynaa
mawlaan ka sugaynaaš
ilaahbaa maciinoo
ilaahbaa muqiisoo
munsar iyo gargaare ah
maalikii aduunkiyo
alle magantii wada nahay
Waa Qalinkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Abdirihiin1@hotmail.com
Welcome to Calayaale
Page
Sign kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Read
Akhriso
Webmaster@calayaale.com
Tafatiraha wararka
caalamka iyo
soomaliya Calayaale Media Center
calayaal@yahoo.de
kalasoo xiriir

