Gargaar Aabbe dhibane ah oo xaaladiisa caafimaad dalka wax looga qaban waayay + Sawiro .
Calayaale News
 25Jun calayaale warkii  gacan siinta

Soomaalidu waa Dad Boqolkiiba boqol Muslimiin ah dhaqan iyo haybadna Alle ku ilhaamay xeer asluubeedna u leh inay isku gurmdaan hadaba anagoo taa ka tixraacayna ayaan waxan go aansanay inaynu idiin soo gudbino aabe dhiban islamarkaana la liita dhaawac halis ah oo ka haleelay xubnaha ugu muhiimsan jirka binu'aadamka una baahan kaliya naxariis RABI iyo gurmad walaal waxa xaqiiqaa in bulshaweynta soomaaliyeed iyo qofkasta oo dareen bini aadan leh ka danqanayo markuu aqristo sida uu ula liicayo aabahan dhaawacyada hareeyay.



Hadaba aabe Maxamuud Ismaan Macalin Muxumud waxa uu mudo lix bilood ah layaalay dhaawac kasoo gaaray madaafiic ku soo dhacday suuqa weyn ee bakaaraha ee magaalada muqdisho halkaasi oo uu quutul yoonka qoyski isa ka soo dhacsan jiray.
 
Intaasi ka Dib waxuu Dhaawacaasi ka haleelay aabe Maxamuud Ismaan xididka isku xira dareenka qofkabinu'aadanka ah ee dhex mara lafdhabarta loona yaqaano xangulaha.

Wuxuu sidoo kale waxyeelo aad u balaaran ay kasoo gaartay nerfaha oo dhan waxana uu ii sheegay mar aan ku booqday gurigiisa oo ku yaala dagmada shangaani ee gobolka banaadir in dareenka uu katagay qaybaha hoose ee jirkiisa isagoo laga dheehan karayay muuqiisa xanuunka aadka u daran ee haya hase ahaatee waxa iigu darnaa markii aan arkay qayb hilibka jirkiisa ka mid ah oo ku hartay halka uu jiifay kuwaasi oo kasoo go'ay halka uu dhaawaca kaga yaal waxa uuna ii sheegay in uu sidan marwalba u go'o taasi oo micnaheeda uu iigu sheegay daryeel la'aan haysata.

Dhibane maxamuud waxuu Sidoo kale ii sheegay in Mudadani uu dhawacyahay ay kaadida ka qaado dubo ku xeran xubinkiisa Taranka ah, waxuuna Calool Xumaha iigu sheegay in marmarka qaar uu ogaalka ka tago xanuunka haya aawadii, isla markaana ay ilmo soo dhaafeen idhahiisa.

Ugu Danbeentii Aabe Maxamuud oo heysta Sagaal caruur ah ayaa codsaday dhamaan shacabka somaaliyeed iyo cidkasta oo ka damqanaysa xanuunka haya in ay kaalmo bini aadanimo lasoo gaaraan waxa uu yiri {Waxan u baahanahay naxariis alle iyo gurmad wallaal marka wallaalayaal ha igu eegina dhawacan aan la Jiifo}, runtii inta aan la joogay aabahan dhibanaha qoyskiisa ma qiyaasi karin shucuurtayda iyadoo ay isoo dhaaftay ilmo mar qura waxana rumaysanahay in qofkasta oo ila mida uu aad uga naxayo xaalada uu kusuganyahay aabahan soomaaliyeed.

Faaduma ibraahim oo ah xaaska maxamuud cisaman yaa ii sheegtay iyana in ay geeyeen inta badan isbitaalada magaalada muqdisho hase ahaatee ay u sheegeen dhaqaatiirtu in dhawaca aabahan wax looga qaban karin gudaha dalka soomaaliya iyadoo ii sheegay in saxarada iyo kaadida jiifka looga qaado waxayna ii raaciday inay u hayso caruur ay tiradoodu gaarayso 9 o o da'doodu aad u yartahay.

Faadumo ayaa ayaa intaa ii raacisay in caruurtani yar ay waxabarasho igu danbeysay markii uu aabahood dhaawacmay wixii markaa kadanbayayna ay noloshoodu mugdi sii galaysay, waxayna hooyo faadumo ka codsatay walaalaha soomaaliyeed inay gurmad lasoo gaaraan ninkeeda dhibanaha ah islamarkaana ku taageeraan waxa karaankooda ah.

Hadaba haka hakran waxkasta oo awoodaada ah dhibanahan ee lasoo gaar hadii ay sidan ku sii socoto xaaldiisa waxaa laka cabsi qabaa noloshiisa inuu waayo.

Cid waliba oo dooneysa in ay gar gaarto aabahaani dhibaateysan ayaa kala xiriiri karta taleefoon nabarada ka ah +252615595136- +252615205576 oo laga helo dhibanaha doonaya in la caawiyo waxaana sidoo kale aad kala xiriiri kartaa +252615088581.
 

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com
 

 
aduunyo5@yahoo.com

Maxamuud XAsan Cumar

Muqdisho somaliya

002521/5506210

Muqdisho somaliya

 

 

Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 
Read Akhriso
 

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center  Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

 

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com