Dhibane Muxudiin Yuusuf Cali waa 5 Sanna jir u baahan gargaar deg deg ah .
Calayaale News
 02Jun calayaale warkii  gacan siinta

Dhibane Muxudiin Yuusuf Cali waa wiil 5 Sanno jir ah degen magaladda Muqdisho u baahan gargaar degdeg ah in lala soo gaaro,waayo waa wiil yar oo uu haleelay cudurka loo yaqaano Bareless  iyadoo dalka gudahiisa wax looga qaban waayay.

 

 

 

 

 

Hadab dhamaan  shacabka Soomaaliyeed inti Ilaaheey wax siiyay waxaa laga codsanayaa in ay soo gargaaraan dhibanahan saqiirka ah ee heysata dhibaatada.

Sidoo kale waxaanu ka codsaneynaa Jaaliyadaha Soomaliyeed ee ku dhaqan qurbaha inay soo gargaaraan wiilka  yar ee u baahan in la caawiyo, waayo jiradan ayaa haleeshay wiilkan isagoo 3-sano jir ah ilaa iyo hadana uu la itaal daranyahay, iyadoo dhaqaariirta loo geeyay ay sheegeen in aan waxba looga qaban karin gudaha dalka.

Wiilkan  oo Hooyadiis lagu magacabo Qadijo Axmedey Maxamed ayaa sheegtay in wilkeeda mudo 2-sano ah oo sidan iska ahaa isla markaana ay ka dalbatay shacabka Soomaaliyeed, ganacsata jaaliyadaha dibada ku nool, uururada bulshada iyo hay'adaha gargaarka in ay gacan u fidiyaan wiilkeeda.

Hooyada iyo Aabaha Wiilkaan  dhalay  ayaa sheegay inay xitaa u geeyeen hadii ay wax ka qaban karaan  Cusbitaalada  Hargeysa, Gaalkacayo iyo Muqdisho dhaqaatiiraasi oo dhamaantood si wada jir ah iskugu raacay in anan dalka gudihiisa waxba loogaga qaban karin , sidaas darteed waalidiinta wiilkaani waxaay ka codsanayaa umadda Soomaliyeed dalka iyo bibad meesha ay jogaanba in ay u fidiyaan gurmad deg deg ah  oo iskugu jira mid dhaqaale iyo mid daaweeyn si dibadda loogu qaaddo loona soo daaweeyo hadii ay suuragal tahay oo uu Rabiga saamaxo.

Fadlan.kala soo xiriir.

Tel. kala ah.00252615579266,

00252615898535 ama

00252699985973

Muqdisho Somalia.

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com
 

 
aduunyo5@yahoo.com

Maxamuud XAsan Cumar

Muqdisho somaliya

002521/5506210

Muqdisho somaliya

 

 

Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 
Read Akhriso
 

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center  Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

 

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com