Puntland Daispora Forum
oo Farac Cusub oo ay
Leedahay Laga Furay Dalka
India(Sawiro)
Calayaale News
07-March2010 Calayaale warkii dalka
Waxaa caawa shir
balaaran iskugu yimid Ardayda Reer Puntland ee wadanka India
waxkabarata, Shirkaas waxaa lagu lafagurayey sida ay suurgal ku
tahay in Wadanka India laga Hirgaliyo Farac Cusub oo kamida
Ururka Golaha Qurbajoogta Puntland ama Puntland Daispora Forum (PDF).
Dood iyo falaqayn kadib Waxay ardaydu isku raacday in la dhiso
Faraca Cusub ee PDF waxayna ardaydu iska dhexdoorteen 15 Xubnood
oo soo dhisa Haykalkii Guud ee uu Ururuku ku shaqayn lahaa,
ayadoo laraacayo Axdiga ama Xeerka uu leeyahay PDF kaas oo
halkaas laga akhriyey.
Kadib Doorashada Xubnahaas 15 ka kooban waxaa laguda galay in la
Doorto Gudoomihaya Golaha Qurbajoogta Puntland Faraca India iyo
dhammaan Maamulkii la shaqayn lahaa ayadoo lagu soo xulanayo
dhammaan xubnahaas Firfircoon iyo dedaal dheeri ah.
Intaas waxaa la isku raacay oo loo codeeyey in uu noqdo
Gudoomiyaha Golaha Qurbajoogta Puntland Faraca India Eng.Mohamed
Abdi Said (Sagac) taas oo dhammaan ay soo wada dhaweeyeen
Xubnihii Madasha fadhiyey iyo ardayda reer puntland ee india,
waxaana Gudoomihu soo magacaabay dhammaan Xubnihii la shaqayn
lahaa kuwaas oo ka kooban 8 xubnood, waxa ayna noqdeen sidaan
1.Eng. Mohamed Abdi Said (Sagac)
Gudoomiyaha Golaha Qurbajoogta Puntland Faraca India
7. Abdiqadir Mohamed Yusuf (Qooleey)
Madaxa Warfaafinta
8. Dr.Mahamed Nur Jamac (Bootaan)
Xoghaya Gudigga Joogtada ah
Igudanbaytii waxa uu gudoomiyuhu sheegay in dhammaadka bisha
Aprill laqaban doono xaflad balaaran taas oo noqon doonto mid ay
kawad soo qayb galaan Dhammaan ardayda reer puntland iyo
dadweynaha soomaaliyeed ayadoo la doonayo in la mideeyo ardayda
reer puntland Farac PDF India iyo faracyadda kale ee PDF
kuleedahay Caalamka.
Abdiqadir Mahamuud Yuusuf (Qooleey)
Madaxa Warfaafinta PDF Faraca India
Tell:+919573602428