Madaxweynaha soomaaliya
oo xalay qudbad dheer u
jeediyay jaaliyadda
Soomaaliyeed ee Dalka
Ingiriiska.“Waxaan heysanaa
taageeradii shacabka, tan
caalamka iyo annagoo diyaar
u ah inaan gudano waajibka
na saran…”
|
|
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay
Qudbad dheer u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka
Ingiriiska, waxaana hoolka xaflada ka dhacaysay oo ahaa 3-Dabaq
ka soo qeybgalay in ka badan 10-kun oo Soomaali ah, kuwaasi oo
ka kala yimid magaalooyinka Ingiriiska iyo wadamada ku dhow.
 
Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in jaaliyadda ku
dhaqan dalka Ingiriiska inay u istaagaan sidii ay u taageeri
laahaayeen Dowlada Soomaaliyeed, islamarkaana ay uga qeyb qaadan
lahaaen sidii dalka loogu soo celin lahaa nabad iyo kala danbeyn.

“Waxaan heysanaa fursadihii ugu muhiimsanaa, waxaan heysanaa
taageeradii shacabka, tan caalamka iyo annagoo diyaar u ah inaan
gudano waajibka na saaran, waa inaad naftiina u hurtaan sidii
loo soo celin lahaa sharaftii nalagu yaqiin iyo gobanimadii”
ayuu yiri madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in dalka ay ku soo duuleen
gumeysi huwan magac diimewed, wuxuuna culimada Soomaaliyeed uga
mahad celiyay sida ay u cadeeyeen in kooxdaan aanay diin wadin.
Madaxweunaha ayaa waxa uu sheegay in cid waliba oo ka soo
herjeeda nabadda, dowladnimada umada Soomaliyed iyo hormarka ay
qasaaro ku danbeyn doonto maadama shacabku ay diyaar u yihiin in
dalkoda ay dhiiggooda u huraan.
Madaxweynaha Soomaliya ayaa jaaliyada Soomaaliyeed ee Ingiriiska
ku nool ka codsaday in ay ka qeyb qaataan mashruuc dhaqaale
loogu uruurinayo sidii dib loogu soo celin lahaa adeegyadii
bulshada sida cusbitaalada, dhismayaasha, wadooyinka iyo in
sidoo kale dhalinta Somaliyeed ee la marin habaabiyay xaqa loogu
sheegi lahaa.
Sheekh Shariif Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka warbixiyay wax
qabadka dowladda mudadii ay jirtay, wuxuuna sheegay in wax badan
ay u qabsoomeen dowladda, madaxweynaha ayaa kula dardaarmay
dadka Soomaliyeed in dalkooda ay u dhintaan iyagoo ku dadaalaya
hormarkiisa oo ay tusaale u noqdaan wasiiradii, xildhibaanadii
iyo saraakiishii u geeriyootay iyagoo shacabkooda u adeegaya.
Kulnkaasi balaaran uu madaxweynaha la yeeshay ayaa waxay ku soo
gabagabowday si wanaagsan, iyadoo intii ay socotayna ay
riwaayado iyo heeso dhaxalgal ah ku soo bandhigeen qaar ka mid
ah fanaaniintii Qaranka oo ay ka mid ahaayen Axmed Naaji Sacad,
Faadumo Qaasim Hilowle, C.risaaq Axmed Gaadcaco, Bashiir Cali
Xuseen, Cabdi Shire Jooqle iyo kuwo kale oo aad u fara badan.
Waxaa xafladaasi Xiriirinaayay Wariyaha Caanka ah ee Ragge
Oomaar, iyadoo ammaanka halka Qudbadda ka socotay ay
ilaalinaayeen Ciidamada Ingiriiska iyo ilaalo Soomaaliyeed.
Contact:editorial@calayaale.com
Webmaster@calayaale.com
If you have a minute, please
sign my Dreambook too!
Muqdisho somaliya
|
|