Maxmed Cusmaan dhagaxtuur “Hay-adda WFP waxaana ka codsaneynaa in ay inoo furto ilaa 60 Kaam, si dadweynaha Soomaaliyeed ee dhibaateysan ay u heleen quudin...”

Calayaale News
 19Apr/08

Gudoomiye ku xegeenka Maamulka Gobolka Banaadir dhinaca Arimaha Bulshadda Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) ayaa maanta kormeer shaqo ku soo kala bixiyay 3 goobood oo ah kaamamka lagu quudiyo dadweeynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladda Mugdisho.

Kaammamka uu gudoomiye ku xegeenka kormeerka shaqo ku tagay oo uu ku soo kala bixiyay ayaa waxay ahaayeen kuwo ku yiilay degmooyinka Gobolkka Banaadir, sida degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Shibis.



Gudoomiye ku xegeenka ayaa kormeerkiisa waxaa uu ugu kuurgalayay sida habsamida leh ee ay u socdaan hawlaha balaaran ee kaamamakaasi oo lagu quudinaayo kumanaan kun ruux oo Soomaaliyeed ee aadka u tabaaleysan una baahan in la quudiyo oo la siiyo nolol maadaama ay ku jiraan nolol aad u hooseeyso.

Kaamamkaan ku yaalla degmooyinkaasi ayaa waxaa hawl wadeenno ka ah xubno la soo xulayay kuwaasi oo u taagan sidii dadweeynaha somaliyeed ee dhibaateysan u siin lahaayeen raashin bisel ah oo loo kariyay kuwaasi oo isugu jira dad da’ah caruur iyo dumar , kuwaasi oo ku barakacay dagaaladda ka dhacaayay qaar ka mid ah degmooyinka goibolka banaadir.

Dadkaan gaarayay kumanaanka ruux ayaa waxaa si weyn ugu gurmaday maamulka Gobolka Banaadir, waxaana dhaxdda u xertay gudoomiyeku xegeenka maamulka Gobolka Banaadir xagga arimaha bulshadda maadaama ay hawlihiisa ku lug lsedahay dhinaca arimaha bulshadda.

Dadkaan ayaa waxaa uu maamulka Gobolkka Banaadir fariin culus ka gaarsiiayay Hay’adda WFP, taasi oo markaasi ogolaatay kana jawaabtay codsigaasi isla markaasna sameeysay in ay kaamamka ay fureen maamulka gobolku ay ku quudiyaan oo ay bixiyaan raashin isugu jira masako, digir iyo raashin kale oo iyagoo biseyl ah loo qeeybinaayo dadka kum dhaqan degmooyinka gobolka bnaadir.

Kaamamakaan ayaa waxaa maalin walaba u soo doonta raashin quudin ah in ka baadan 15.ooo kun oo ruux oo ka kala yimaada degmooyinka Gobolka Banaadir kuwaasi oo noloshoodda si toos ah ay ugu xeran tahay quudintaasi.

Kormeerkaasi ka dib ayuu Maxamed Cusmaan Dhagax tuur shir jaraa’id ku qabtaya xafiiskiisa waxaana uu ku sheegay in loo baahan yahay in hay’adda WFP ay laba laabto hawlaheedda ku aadan quudinta dadka tabaaleysan waxaana uu codsi deg deg ah u jeediyay isagoo ka codsaday in ay haatan kaamamka ay gaarsiisyo ilaa 60 kaam si loo daboolo baahidda adage e haysatadda dadweeynaha soomaaliyeed eek u dhaqan 16ka degmo ee uu ka kooban yahay gobolka banaadir.

M. Dhagax Tuur waxaa uu sheegay in baahidda jirta oo ay qabaan dadku aaney dabooli Karin maamulka Gobolka Banaadir oo kaliya waxaana uu sheegay in sidoo kale Hay’adaha gargaarka ee fadhigoodu yahay Magaaladda Nairobi ee dalka kenya aney iska fadhinin xafiisyadd, basle ay la socdaan waxa ka jira dalka Soomaaliya iyo waxa looga baahan yahay waana in ay si deg deg ah ugu soo gurmadaan dadka tabaaleysan oo wixii loo soo dhiibay ay soo gaarsiiyaan dadka Soomaaliyeed ee ay magacoodda ku soo qaadeen ayuu yiri md Dhagaxtuur.

Kumanaan ruux oo tabaaleysan ayaa haatan ku nool kaamamka quudinta ah ee laga sameeyay deghmooyinka gobolka banaadir waxaana arkeysaa dad safaf ku jira ee wata weelasha wax lagu cunno kuwaasi oo aanan haysan meel kale oo ay u ciirsadaan iyo cid kale ee wax tarta, waxayna u baahn yihiin gargaar intaas ka badan waxaana dadka Soomaaliyeed la gudboon in ay isku naxariistaan, una samafalaan walaalahoodda soomaaliyeed halkii ay dagaal joogta ah ka wadi lahaayeen dalkoodda iyo dadkoodda ay ka badbaadiyaan cadawga u soo hanqaltaagaya

 

.

 aduunyo5@yahoo.com

Maxamuud XAsan Cumar

Muqdisho somaliya

002521/5506210

Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso
 

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

 

Webmaster@calayaale.com