|

Marna Kaaraan, Marna Trebuunka,
MarnaTigree, Marna Oromo iyo Aritree, Soomaaliyeey Meelna Idin
Ma-geyso
By:Email:
Moallem10@hotmail.com
Cabdalla
Macalim Maxamud (Cabdullahi siyaasi)
|

Nabadi laga sugo
qabqablayaashi laga adkaaday ee mar kale ku soo
guryo noqday magaalada Muqdisho,Tigree iyo DFKM ee
Col Cabdulahi Yusuf garwadeenka ka yahay, waxay la
mid tahay nabadi laga sugay Shikh Yusuf Indhacade
iyo dowladi Carta lagu soo dhisay ee uu garwadeenka
ka ahaa Dr Cabdiqasim qabiil.
Jug jug waa meshaadi
joog, mar terebuunka lagu mudaharaado loona
mashxarado Maxaakim uu amnigooda madax ka yahay
Yusuf Indhacade iyo mar Kaaraan lagu mudaharaado,
looguna sacabo tumo Tigree iyo dowlad ay garwadeen
ka yihiin raggi dalkeena dhabarkooda ku keenay Milis
Sanaawi iyo Tigreediisa, waa weligaa hoog u joog ,hana
soo kabsan inta talada Soomaalida ay gacanta ugu
jirto qaar ku doodo in ay u adeegayaan qabiilkooda ,jeebkoodana
aad u weyn yahay, qalbigoodana aanan raxmadba lagu
arag.
Horaan maqaal hore ugu
sheegay in daadki Cabdullahi ysusuf ku ribeeyay in
uu ku kicinayo qabqablayaashi reer xamar bahdilay,
in uunan dhulka Soomaalida kaga tegayn dad xun,
kuwaas oo uu ku jiro Cabdulaahi Yusufka ku ribeeyay
in uu daadka dayrta ku kicinayo dad badan, waxaana
hadda hubaal ah in uu daadki dayrta sanadki tegay
horay u qaaday laba qeybood oo ka mid ahaa kuwi
xumaa ,waxaana haray in uu qaado oo kaliye qeybti u
danbaysay oo iyaga hadda Milis Sanaawi dhabarka ku
keenay dalka Soomaaliya iyo qabqablayaashi wixi soo
noqday iyaga oo saaran dabaabadaha Tigreeda.fiiro
gaar ah maqaalka aan kaga hadlay daadki dayrta
waxaad ka aqrisan kartaa cinwaankan,
Heshiiska
Cadan Waa Daadki Dayrta,Waana Laba Afleh
Oday hadda waayeel ah
,kuna nool magaalada Muqdisho ayaa marki uu arko
Musiibo, waxuu dhihi jiray "Roonaaba rabbi-baa og".(
wa makaruu wa makara allah wallaahu
khayrul-maakiriin)suurada aali
cimraan,aayada (54)
macnaheedana wuxuu yahay (waa dhagreen, Eebana wuu
ka abaalmariyay Eebaana u wanaagsan wax abaal-mariya)
, Ilaahey baa og waa sida uu odagaas u yiri,
annagana aan qabno, in dhagarta Milis Sanaawi iyo
dabadhilifyadiisa uu Ilaahey kaga abaalmarin doono
dhib aynan ka soo kabsan, kana badan makrigi ay u
maleegeen dalkeena.
Soomaali inta
wanaagsan waa in ay u guntadaa sidi ay dalkooda uga
saari lahaayeen Xabashi iyo wixi u adeego, guusha
dadkeena iyo diinteenana waxay ku jirtaa in aaan xor
u ahaano maamulka waddankeena ,taana waxay ku imaan
kartaa oo kaliya annaga oo meel iska dhigno fulaan
waa reerkeena iyo annaga oo taa ku bedelno fulaan
waa nin wacan oo ku maqan danta guud ee ummadeena
iyo diinteena.
Soomalida maanta waxaa
horyaal imtixaan aad u culus, waxaana kaga gudbi
karnaa oo kaliya, annaga oo Ilaahey talo
saarano,lana imaano iskaashi iyo u ololaynata sidi
aan u heli lahayn dowlad soo celiso cadaalad,sinaan
iyo kala danbaynta iyo sharciga oo ka shaqeeyo
dhulkeena.
War Soomaaliyeey
waayo-aragnim ha idinkugu filnaato lix iyo tobanki
sano ee cujaafka ahaa iyo nin qori garabka ku sito,
reerkiisa hoosana baad ula soo jeeedo habeen iyo
maalin.War Soomaaliyeey qabiil isaga kaalaya ,idinka
iyo saxaafadaha buunbuuniyo been aanan lagu gaarayn
dan guud iyo mid hoosaba.war Soomaaliyeey isaga
kaalaya marba in aad Muqdisho dhinac ka mid ah, uga
mashxaradaan dad dhibkiina uun ku maqan.
Riwaayad isu dhigid
iyo shaar been ah oo la isu gashto, ha ku ekaadaan
halkan ,una istaaga sidi aad xabasha isaga saari
lahaydeen, una soo ceshan lahaydeen xornimadiina,
karaamadiini iyo dowlad u adeegto dantiina guud.01/01/2007
Abdallah Moallim Mahamud
(Cabdullahi Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com
webmaster@calayaale.com
|
_________________________________________________________
|