Shirarka waa nagu fara
bateen, Shir walbana waa kaskiis iyo kooxa is bar
yaqaan ,ama dan gaara isugu habar wacday ,mid
walbana dowlad danteeda ka dhax aragtay ayaa dabada
ka riixayso .iyadana weli lama haayo cid ku maqan
hadafka dadkeena iyo dalkeena ,afka-sheega iyo
qurxinta hadalka wacan ,qola(Xisbi) walba iyo
tabarteed. 'kulli xisbin farixuuna bimaa ladayhim"…annagana
waa dadweynaha Soomaaliyeede, dagaaladi sukeeya
waxaa noo raacay gumaysi madow iyo kani waa Murtad
iyo kani waa Argagagixiso ,dhamaan waa luqad cusub
oo ay la soo baxeen kooxaha maanta isku haaya gacan
ku qabashada hagaanka ugu sareeyo ee dalkeena, walow
aynan meesha ka maqnayn dagaal ku haynta diinta
Islaamka ,dhinaca kalana shaqsiyaadka qaarkood, kama
marno ku qaraabashada kitaabka Illahey.
Shirarka mid wuxuu ka
socdaa magaalada muqdisho waxaana loogu magac daray
"shirka dib-u-heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed"
waxaana laga hagaa washignton, Addis-Ababa iyo
Nayrobi. qabashada mid kaa ka soo horjeedana waxay
qaban-qaabadiisa ka socotaa Asmara ,waxaaa la
filayaa in uu shirkaas qabsooma maalmaha hore ee
bisha September ee sanadkaan 2007,waxaana asxaabta
ku howlan qabashada shirkaas laga soo weriyay in ay
doonayaan mideynta waxay ugu yeereen afar xoog oo
ka kala socda Maxkamadaha Islaamiga ah, Barlamaanka
Xorta ah, Bulshadda Rayadka ah iyo Soomaalida
Qurbaha, si ay keddibna ugu tilaabsadaan fulinta
howlihi dalkeena looga saari lahaa Ciidanka
Xabashida ee dalkeena ku sugan,waa sida ay mar walba
u dhigaan wararkooda. shir kalana waxaa lagu
qaban doona magaalada Londonn 27-28 August 2007,
kaana waxaa lagu sheegay in uu yahay dhamaystirkii
shirki lagu qabtay magaalada Leister ee dalka
Ingriiska , 6-8 April 2007 ,waxaana shirkaas laga
rabaa in lagu dhiso dhaqdhaqaaq la doonayo in loogu
waqlalo Dhaqdhaqaaqa Soomalida Qurbaha,Shirkaan
danbe qorshiihiisa aanan la shaacin sida ka muuqato
magaciisa iyo waqtiga lagu soo aadiyay qabashadiisa,
howshiisa ma dhaafsiisna far ku fiiqida, yaa shirka
Asmara kaga qeyb-galaya magaca Soomalida ku nool
dalka debadiisa .
in dalkeena laga
xoreeyo cadawga nagu soo duulay layskuma khilaafsano
,in dalkeena loo dhiso dowlad aan heshiis ku-nahay
lays-kuma khilaafsano ,in la heshiisiiyo qab'aailka
Soomaaliyeed ee wax kala tabanaayo lays-kuma
khilaafsano ,in la asaaso dhaqdhaqaaq mathalo dadka
Soomaliyeed ee ku nool debadaha lays-kuma
khilaafsano ,laakin Su'aasha waxay ka taagan tahay
haddii dhinac walbo iyo dowladaha dabada kaga jiro,
iyaga dhigtaan googol u gaar ah ,gogoshaasna ugu
yeeraan gogol Soomaaliyeed, maxaa ka soo baxayo oo
aanan ahayn murugo ku dabadheeraato umaddeena iyo
jabhadayn aanan dhamaan iyo ku hadaaqa hebel waa
xag-jir, hebel waa gaal ,hebel waddani maahan,hebel
waa dabadhilif ,hebel waa murtad ,hebel waa reer
hebel iyo hebel waa reerkeena ,iwm.
Weli waxaan ku taagan
nahay wadda mugdi ah, DFKM ku sheega waa fashilmeen,
garabkooda lixaati Xabashaa ,waayo sideedaba
xisaabkooda kuma jirin in ay qabsadaan Quluubta
dadka Soomaaliyeed,waxayna taa ka heleen in ay
Soomaaliya ku raraan Xabashi ,iyagana ay xabashi
rarato . kuwa Asmaro joogana waxay ku tilaabsadeen
waddadi Mbagathi oo aadan sina uga dhumeyn ,wixi ka
soo baxana ka shaqayn maayaan waddanka Soomaaliyeed
,waana wax iyaga u gaar ah shirkooda iyo waxay ugu
magac dareenba.
Soomali uma baahno talo
ka soo maaxdo dalal iyaga ku howlan in ay wax walba
ka hormariyaan dantooda gaar-ahaaneed,Somaali uma
baahno shaqsiyaad ku howlan inkiraada shaqsiyaad
kale oo aanan iyaga ku fikir ahayn,Soomali uma
baahno cid aanan diyaar u ahayn in dalkeena isku
xukumo shareecada Islaamka ,Soomaali uma baahno
qoqob hor leh iyo dilal siyaasadeed oo aanan dhamaad
lahayn.
Shirka Asmara oo isaga
yoolkayga ahaa iyo in aan farta ku fiiqo qaabka ay u
socoto qabanqaabadiisa. waa su'aal ku aadan ragga
iyaga horboodayo shirkaas ,waxaa Soomaali oo dhan
idin weydiinaysaa ,shirka ma ku martiqaadeen culumo
Soomaaliyeed oo aanan ku fikir ahayn culumadi
hor-kacaysay hogaanki maxaakimta,shirka ma ku
marti-qqadeen barlamaaniyiinta Baydhabo ee ka fikir
duwanaa kuwa idinlna joogo Asmara , iyagana Mbgathi
kala yimid ,Soomalina oo dhanna ay ka wada
dharagsantahay qaabka kulligoodba looga soo
xulay,shirka ma ku martiqaadeen, bulshada Rayidka ah
kuwooda aanan xiriirka idinla-lahayn,shirka ma ku
martiqaadeen rag qurba jooga oo ku kala fikir duwan,
qaabka ugu wacan ee loo maareyn karo dhibaatada
ummadda Soomaaliyeed ku habsatay.
Sua'aaladahan oo dhan
waxaa ka jawaabayo si ficil ah qabashada Shirkiina
iyo wararka sheegayaba in uu shirkiina yahay mid
gaar ah oo lagu mideynayo afar xoog oo iyaga kala ah
Maxkamadaha Islaamiga ah, Barlamaanka Xorta ah,
Bulshadda Rayadka ah iyo Soomaalida Qurbaha.
Shirkiina ma'ahan mid
loo dhan yahay ,waxabana kama duwana kuwi hore
Soomali loogu bahdilay, geddigoodna ku dhamaaday
waxaa shirka lagu doortay qoladi ay raaliga ka
ahaayeen dalka dhigay gogosha shirka ka socdo.
Nama anfacaan shirar
hadafkooda gaaban yahay waqtigaan xaadirkaa ,namana
anfacaan howla aanan natiijo wacan ka danbayn ,sidaa
darteed ninki doonayo in ay Soomaali ka xorowda
isticmaarka madow ,ha u istaago dhinaciisa sidi
waddankeena looga saari lahaa Amxaaro , isaga oo
aanan isku howlin soo dhisid urur ay ku
midaysanyihiin dad wacan iyo dad lagu tuhmayo in
ayagaba sabab u ahaayeen in uu dalkeena faraha la
galo murugada uu ku jiro.
Hadafka qoraalkan wuxuu
yahay in aan farta ku fiiqno in aanan guul laga
gaarayn howl ay wada wadaan nin xun oo la yaqaan iyo
nin weli lagu tiranaayo fiicnaan ,inta shaqsiyadiisa
laga yaqaanana aynan sidaa u mug-weyneyn,guul ku
dhamaan mayso howl ay wada wadaan dowlad danteeda
doonayso iyo nin ay ka dhab tahay fulinti wixi dan u
ah dadkiisa, waayo ma wada shaqayn karaan labada
danoodba
Su'aal kale oo na
hortaal ,mathalan, waxaa guul keenay qolada Asmara
ku shirayso,dalkana ka saaray Xabashi iyo
dabadhilifyadooda ,iyago oo aanan go'aan ku gaarin
in ay isku xukumaan kitaabka Ilaahey ,ma kula tahay
Soomaliyow in ay xukunkooda ka socod siin karaan
dhulkeena, iyada oo uunan dhib kaga imaan Xabashi oo
nala leh xuduud aad u dheer ,taageerana ka helayso
dowladda aduunka u weyn ,taana ay u dheertahay
fashiklaada ay ku sameeyeen danahooda.jawaabta waa
maya ,waayo Ameerikaan iyo xabashida waxaa ka
guulaysan karo oo kaliya dad ku midoobay u istaagida
in dalkeena lagu xukumo kitaabka Ilaahey oo kaliya.
dhinaca kalasa ma kula tahay in ragga lagu mideynayo
Shirka Asmaro ay qorshahooda ku jirto in ay isku
raacaan in dalkeena lagu xukumo shareecada
Islaamka,jawaabta iyadana waa maya ,hadaba ha isku
mashquulin guul ka soo baxdo shirkaas ,iyagana
yeynan isku mashquulin howl aanan dhaafsiisnayn, "laba
qaawan isma qaado"
Raxmada Ilaahey lagama
quusto,waxaana guulaysanayo ciddi Ilaahey tala
saarato ,ee Ilaahey towfiiqda ha waafajiyo
ummaddeena,aamiin.
Soomaliyeey marki aad
si degnaana u saadaaliso xaalada ay maanta ku sugan
tahay magaalada Muqdisho,waxaa kuu soo baxayo in
Magaalada Muqdisho uu goor dhow ka dhici doono
kacdoon ka madax banaan, kooxo gaar ah iyo reer
hebelba .kacdoonkaasna uu isaga noqon doono kii ku
guulaysto hogaaminta ummadda Soomaaliyeed oo mid ah
,raalina kuwada ah natiijada ka soo baxdo
kacdoonkaas dalkeena ka saaro xabashi iyo cid walbo
oo dowr ku lahayd murugaynta ummadda Soomaaliyeed.20/08/2007
Shirka
Asmara Waa Shirki Mbagathi ,Waana Maandeeq Oo Bacaad
Lagu Lisay
Abdallah Moallim
Mahamud(Cabudllahi Siyaasi)