Xaalka xun ee
Xamar ka jiro, xiqdiga Milis-Sanaawi, xerga-dhigida
Asaasi-Afooriqi, xikmad-yarada reer-Muqdisho , xad-gudubka
Al-Shabaab, Xisaab-xumida Col Cadullahi Yusuf, Xumbo cuskiga
Col Xasan Daahir Aweys iyo xil-xumida hogaamiyayaasha
Soomaaliyeed intaba waa hal-xiraale .
Shirki
Muqdisho
waxaa lagu soo gabgabeeyay Dib-u-heshiisiin dambe laysugu
imaan maayo,waa talo xumo la kordhabay, waa hagardaamo
hor-leh, waa guul loogu magac-daray "waa socon weynay ee aan
orodno".
Awalba,
hadafka shirkaa ma fogayn,waana mid ay dabada ka riixayeen
dowlada dana gaar ah ka leh dalkeena iyo iyada oo shirkaa uu
ka maqnaa Somaali waxay ku dhiban tahay oo ah kuraas qeybsi,
sideedana Kuraas qaybsi laguma soo darin ajandaha shirki
Muqdisho, waayo kuraasta laysku haysto waxaa ku fadhiyo si
ku-meel-gaar ah qaban-qaabiyayaashi shirka oo iyaga ah rag
ay General Gabre iyo safiirka dowlada Maraykanka u fadhiyo
magaalada Nayroobi gadaal ka fadhiyaan, xorna aanan u ahayn
ficilkooda iyo qowlkoodaba .
War iyo
dhamaantiis, Heesihii xerada gaadiidka waa la-soo
gaba-gabeeyay ,hadal-haynta Somaalida waxay maanta
doorabiinka ku haysaa abaabulka ka socdo caasumada Ariteree
ee Asmara iyo u tafaxaydashada shir kale oo ay isugu
yimaadaan Soomali diidan ,si xoog lehna uga soo horjeedo
DFKM iyo maanxiiskeeda mugdiga geliyay jirataanki ummadda
Soomaaliyeed.
Hogaamiyayaasha Asmara isugu yimid howlaha hor yaal ma fara
yare, waa in ay horta wax walba ka hor dhistaan dallad
mideyso ,dalladaas ha ahaato jabhad, ha ahaato xisbi ,ha
ahaato maxaakimti oo la shaandheeyo, lana balaariyo
,yeelatana hogaamiya la yaqaan.
Hadafka
lagu dhawaaqay ee shirka Asmara waa mid ay ummadda
Soomaliyeed intooda badan isku waafaqsan-yihiin, hadafkaasna
waa in dalkeena laga xoreeyo gumaysiga madow, dulmigana laga
dul qaado ummaddeena Ilaahey idinkiis ,laakin ummadda
Soomaaliyeed wax garadkeeda iyo tala-raaceedaba waxay
haddana ka midaysan yihiin, shaki weyn oo ay ka qabaan
kooxahan Asmara isugu tegay sidi ay uga gudbi lahaayeen
caqabada ugu weyn ee hortaal oo iyada ah cudurki soomalida
dhulka soo dhigay ee ahaa kuraas qeybsi, ilaalinta maslaxad
gurrcaan oo shakhsi ah iyo aniga aan noqdo hogaamiyihiina
iyo waa aniga oo reerkayga reerkaaga ka fiican ,taasoo
asaxaabta Asmara ay maanta u dheer-tahay Muqdisho oo aanan
diyaar u ahayn soo dhoweynta hogaamiya aanan sal adag ku
lahayn magaalda Muqdisho oo iyada hore loo waayay ruux furo
xujadeeda.
Shirka
Asmaro waxaa hubaal ah in ay ka soo qaybgalayaan wejiyaal
aad loogu yaqaan Soomalida dhaxdeeda, dowrar kala duwanna ka
soo ciyaaray siyaasada Soomalida tan iyo 1960 iyo muddadi
burburka hareereyay waddankeena, ilaa haddeer oo aanan
gacanta lagu hayn xal mideyn karo ummaddeena, soona celin
karo kala danbaynti iyo sharciga oo lagu dhaqmo,laakin
markaan hoos u dhigno, Asxaabta Asmaro waxaa hor yaal Su'aal
ay adagtahay ka jawaabideeda waqtigan xaadirkaa waxayna
tahay, waayo shakhsiga ay iyaga ku mideysnaan karaan,
gacantana ku haayo furihi Muqdisho iyo quluubta reer
Muqdisho oo aanan la kala soocin, si sahlana u hanan karo
guud ahaan quluubta ummadda Soomaaliyeed. su'aashan
jawaabteeda waxaan u daynaynaa gunaanadka shirkooda,
waxaansa qeybta dambe ee hadalkeena ku soo qaadanaynaa ka
faalaynta qaabkee ayey kooxdan Asmaro meel isugu keeni
karaan, siyaasad ay soo wada dhoweyn karaan Caalamka iyo
ummadda Sooomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan dadyowga
reer Muqdisho.
Gunta qoraalkaan marka aan u daadegno ,wararka hor dhaca ah
ee laga helayo ilo lagu kalsoonaan karo, waxay tilmaamayaan
in uu magaalada Asmaro ka socdo qabanqaabo xoog leh oo loogu
jiro diyaar-garaynta ajandaha shirka iyo gunaandkiisa iyo
sidi looga dhigi lahaa mid ay aqbali karaan dowladaha aad
ugu howlan faragelinta arrimaha gaarka ah ee ummadda
Soomaaliyeed ,isla markaana abuuri kara xabashada oo si
dhaqsi leh uga hilfa qaatado waddankeena. iyada oo dhinaca
kale la leeyahay reer Asmara iyo madaxa dalka Aritree waxay
aad ugu dhowaadeen isku afgarashada shakhsigi ay u magacaabi
lahaayeen hogaamiyaha fulinta go'aanada ay rabaan in ay kaga
dhawaaqaan shirkooda.
Isku
waafaqsanaanta ruuxa noqon doono hogaamiyaha bahda Asmara,
waxay dad badan iska weydiinayaan Reer Asmaro degdeg ka hor,
ma iska weydiiyeen maxay Odayaasha Hawiya iyo kooxda
Al-Shabaab u qaadaceen shirkooda iyada oo la hubo Odayaasha
Hawiya iyo kooxda Al-Shabaab in ay iyaga yihiin kuwa
dagaalka xoogan ku haayo kooxda ay reer Asmara rabaan in ay
ka eryaan ku fadhiga kuraasta Soomaaliyeed oo ay gadaal ka
taagan yihiin dabaabado ay leeyahiin rejiimka ka taliyo
dalka Xabashida(Tigree) .
Halkan waxaa
ka soo baxayo xisaab cad oo aanan qarsanayn, reer Asmarana
ku leh, maxaakimta qeybta Asmaro idin la joogto ,taageero
balaaran kuma laho magaalada Muqdisho haddii aan hoos fog u
fiirino qaadacaada kaga timid kooxda Al-Shabaab iyo
Odayaashi Hawiya oo aanan Soomalida loo tilmaamayn iyaga
xoogooda yuu mathalaa iyo diidmada iyo canbaaraynta kaga
imaaneyso DFKM iyo tageerayaasheeda oo aanan iyagana
Soomalida loo tilamaamayn xoogooda yey mathalaan iyo ilaa
intee ayey aad u rajeynayaan fashil uu ku dhamaado shirka
Asmara sidi uu shirkoodaba ugu dhamaaday Soomaliyeey toosa
oo aanan toosnaan ka danbayn .
Asmara
lagama rabo Col Xasan Daahir,Ceerow madaxa kooxda Al-Shabaab
iyo Xasan Turki iyada oo la doonayo in taa lagu kasbado
dalalka reer gabeedka oo Ameerikaan ku jiro, dhinaca kalana
la rabo in Itoobiya afkeeda looga ilaalsho Asmaro waxaa ku
shirayo madaxda kooxihi argagagixisada ,haddaba waa su'aal
kalee haddii la kala dhantaalo maxaakimti, lagana tago
kuwooda xoog iyo taageero adag ku lahaay Muqdisho, sow
falkan maahan in reer Asmaro ay qorshahooda ku darsadeen
dagaal ay kala horyimaadaan Xabashi iyo koox ka mid ah
kooxaha dagaalka kala soo horjeedo xabashida naf'ahaanteeda
magaalada Muqdisho.
Asxaabta
Asmaro xaqiiqada kaliya ee shirkooda ku guulaysan karo waa
iyaga oo meel isugu keena danaha kuwa rabo in uu shirkooda
guulaysto iyo kuwa rabo in uu shirkooda fashilmo oo iyaga
geddigood ah Soomali u ooman dalkooda oo dego, dibna u soo
ceshto karaamadiisa iyo dolwad kala hagta umuurahooda.,
taana ma'ahan mid ku imaan karto isku soo bood iyo kooxa
isugu yimaado gogol u gaar ah iyaga oo looga arrinsado arrin
ka dhaxeyso ummadda Soomaliyeed oo dhan..
Iyadana,
xaqiiqada aad u qaraar waa in aynan kooxdan Asmaro shirkooda
kaga biya dhalin doonin iyaga oo ah koox is-bar taqaan oo u
taagan kaliya ka adkaashada kooxda kale ee iyaga isi siiyay
awoodi Soomaaliyeed oo iyaga gadaal kaga jiro dabaabadaha
xabashida.
Xujada Muqdisho gaar ahaan iyo tan
Soomaaliyeed guud ahaan waxaa furi karo oo kaliya ruuxi,
shakhsigi iyo kooxdi ka soo shaqayso dhigida googol loo dhan
yahay oo dhaxdeeda la soo dhigo dood fudadayso meel isugu
keenida danaha ummadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo qaab
abuuri karo wada shaqayn dhax-marto dowladaha danaha ka leh
dalkeena iyo ummaddeena, iyada oo aanan lagu xadgubin
xuquuqda danaha ummadda Soomaaliyeed.03/09/2007
Abdallah Moalim Mahamud(Cabdullahi Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com