Magaalada Muqdisho oo uu
xaalkeeda mar galay murugo iyo mugdi hor leh ,Muqdisho
oo aanan hanan maamuuski uu mudnaa maqaamkeeda, Muqdisho
oo lagu xaalmariyay maamul howshiisa socoto oo aanan la
aqoon meel uu amarkiisa ka soo bilowda iyo meel uu ku
dhamaado.
Beryahan waxaan shaki ku
jirin in ay Magaalada Muqdisho ku degaynayso nabad,
dadkeedana ay aad ugu faraxsan-yihiin nabadaas, laakin
dhinaca kale waxaa la iska weydiinayaa, yaa nabada u
diiday muqdisho kolki horaba, nabadaansa ma u muuqataa
mid sii soconayso marka aad hoos fog u fiiriso qaabka ay
howsha Maxaakimta u socdaan, waxay iyadana dadka Xamar
iska weydiinayan su'aal hor leh oo la xiriirto
maxaakimta, inta aanan hoos u dhigin meesha uu
hiigsanaayo qoraalkayga waxaan jeclaystay in aan macnaha
Maxaakimta si gaar ah uga war bixiyo
Maxaakimta waa Eray labane
ah,macnaha waa in ay muqdisho ka jirto Maxaakim tiro iyo
laba ka badan, Maxaakimtaas oo mid walbo oo iyada ka mid
ah uu ka taliyo wiil ka soo jeedo beeshu uu ka soo
jeeday Mooryaanki laga adkaaday, lagalana wareegay
goobtaas iyo hubki yiilayba, macnaha guud waa Mooryaanki
oo lagu bedalay Shikh isaga ku qabiil ah,laguna
wareejiyay hogaaminta wiilal bah kaliya ka soo wada
jeedo, maskaxdoodana ay weli ka guuxayso maslaxadi
reerkiina xagee ku jirtaa, ma sidan, masa sidi hore,
misa si ka wada duwan qaabka maamulka guud ee Maxakimta
loo furdaaminayo oo weli huwan, Maradi Qabiil duulaan ku
ah in ay si gaar ah u maareeyaan xoollihi ka dhaxeeyay
ummadda Soomaaliyeed guud ahaan.
Waxaad maqlaysa Deggadi
waa la furay ,Garoonka Diyaaradaha waa la furay,waa
xaqiiqo waa la furay ,howshoodina waa bilaabatay, ha la
furee, lacagta laga helo ama canshuurta laga qaado
goobahan iyo gooba kalaba, yaa laga weydiinayaa ,yaa la
xisaabtamayo madaxda loo dhiibay goobahaas, khasnadee
lagu shubayaa lacagaha laga helo goobahaas aan kor ku
soo sheegay iyo gooba kalaba, khasnadaas ma mid
dowladeed-baa ,ma mid xisbiyeed-baa, misa waa khasnad u
gaar ah Maxaakimta aanan weli la kala aqoon madaxooda
iyo majahooda, ,Su'ashan ruuxi aad weydiiso wuxuu ku
leeyahay waxaa laga weydiinayaa Maxaakimta ,laakin
halkaas waxaa ku jirto, Maxaakimta iyaga yaa ka masuul
ah ,ma Sheikh Shariif Shikh Axmad, misa Col Xasan Daahir
Aweys, misa Indhacade oo taagan goob walbo, indhana u ah
qabqalayaasha (Cusmaan Caato, Seeraar, Cirfo, goobaale
iwm) madaxa loo salaaxo ,cadaalada uu kitabka Ilaahey
farayna aanan iyaga weli loo adeegsan in lagu xakeemeeyo
dhaqan xumida ay kala mid yihiin qabqablayaashi lagu
jebiyay kitaabki Ilaahey ayaan kor u sidnaa .
Shikh Sharif oo isaga
hantay kalsoonida shacabka soomaaliyeed iyo tan bulsha
weynta aduunka ,run ahaatiina khudbadihiisa laga aqrisan
karo in uu daacad ka yahay, in dalka soomaaliyeed lagu
soo dabaalo cadaalad, sinaan iyo wada shaqayn soo celiso
sharafki ummadda Soomaaliyeed oo in mudda ahba lagu
bahdilayay annaga oo reer hebal ah miyaa reer hebel noo
talinayaa.
Shaki kuma jiro kartida
Shiikh Shariif uu banaanka ula soo baxay iyo in uu
hadaladiisa wacan u beddali karo fal wacan oo ummadda
soomaalyeed ku rayrayso ,laakin waxaa shacabka
Soomaaliyeed ku soo rogmaday daad culus oo ay su'aalaad
cad ka weydiinayaan shikh Sharif. waxaana suaa'aalaad ka
mid ah, ma adiga ayey kaa timid ,misa wada tashi ay
xubnaha golooyinka Maxaakimta gaareen ayey ku timid ,haddii
ay tan danbasa ku timid yaa soo jeediyay in mareeyaha
Deggada, maamulaha Garoonka Diyaaradaha iyo Madaxa
Amniga ee maxaakimta oo iyaga ka soo wada jeedo reer
kaliya loo magacaabo maareynta goobahan aan kor ku soo
sheegnay ,oo iyaga ah isha laga dheehsan karo qaabka ay
u socoto howsha Maxaakimta, ma mid wacanbaa misa waa mid
ka tarjumayso qaar badan oo ka tirsan bulshada
soomaaliyeed shaki badan oo ay ka qabeen in ay
maxaakimta dhab ka tahay kitaabka Ilaahey oo ay kor u
qaadeen, jawaabtan waxaan u deynaynaa Shikh Shariif iyo
wadaadada sidiisa lagu sheegay in ay daacad ka tahay
howshan wacan oo ay u istaageen ,waxaansa mar kale Shikh
Shariif weydiinaynaa, Indhcade isaga ma ka tanaasulyay
madaximada Shabeelada hoose oo uu xoog ku haysto ,haddii
uusan ka tanaasulinsa, sidee isugu wadaa howsha
magaalada Marka oo iyada Xamar u jirto sagaashan Km iyo
howsha ay u magacaabeen Maxaakimta Muqdisho oo Muqdisho
joogo.
Ma rabo in aan ku
dheeraado qoraalkan, laakin waxaan Shuyuukhda Xamar ka
kacday ka sugaynay ,welina ka rabnaa in ay ku
tilaabsadaan sidi ay ummadda Soomaaliyeed ugu horseedi
lahaayeen ka gudbida qabyaalad, dhaqan xumo ,ku
tagrifalida xoolo ka dhaxeeyo ummadda oo dhan ,qabqable
weli isbaaro u taalo ,laguna sheegayo in uu yahay madaxi
amniga ee Maxaakimta
Ow-shikh Sharif, meel ma
wada gasho xumaan iyo samaan,lagamana yaabo in uu
hergalo haddalkaadi wacnaa oo aad ka sheegtay staadiyaha
Muqdisho, tan iyo inti howshiina ay ka wada muuqato fal
baadil ah o ay ku kacayaan koox aad ku sheegteen in ay
idinka mid yihiin iyo hadalada idinka soo yeerayo
qaarkood oo aad ka dheehan karto karti wacan ,rabitaan
ku dhaqanka diinta Islaamka iyo dadka oo u sinaado
waxqabadka wadankeena.
Ow-Shikh Shariif
,Shacabka Soomaaliyeed intiisa badan waa idinla safan
yihiin, inti ay weli howshiina ka muuqato illalinta
danta guud ee dadka iyo dalka Soomaaliyeed,sidaa darteed
howshiina dedejiyo, idinka oo ku dhaqsanayo in aad naga
daysaan Shikh hebel wuxuu ka taliyaa Maxkamad ku taal
xaafad ay ku badan yihiin reerkiisa,waxaan uga jeedaa
waxaa la idinka rabaa danta ummaddeenana ku jirtaa
,mathalan Sheikh Abuu-qutayba oo kaaraan maxkamadeeda ka
arimiyo iyo shiikha Kaaraan joogo oo ka arrimiyo
Maxkamada Furqaan ama Ifka Xalane ,iyo tan Ifka Xalane
iyo Furqaan, shuyuukhda joogto oo iyagana ka arrimiyo
Dayniile iyo Madiino.
Taa waxay ka tarjumayso
in maamulkiina uunan qabiil shaqo ku lahayn ,iyadana waa
in laga gudbaa indhacadde teknida daba ordayso
,wiilasha saran waxay ka soo wada jeedaan hal reer
,waxaan uga jeednaa waa in aad sameysaan xoogag isku
dhafan oo ka amar qaato nin aqoon u leh maareynta xoogag
hubaysan ,hogaamiyahaasna waa in uu ahaadaa mid aanan
lagu soo xulin qaabiilka uu ka soo jeedo awooda uu
leyahay,waana in uu ahaado nin u diyaarsan la shaqaynta
Maxaakimta.
Haddii aadan si dhaqsiya
ugu tilaabsan howlaha la-idinka rabo oo aan kor ku soo
xusnay ,howshiina waa hal bacad lagu lisay ,waa mid
aanan ka duwanayn, howshi qabqablayaashi ma gudbayaasha
ahaa, howshoodana ka gudbiweysay isbaara u dhigashada
xaasaska iyo caruurta reeraha ay ku doodayeen in ay
danahooda ku maqan-yihiin.
Ow Shikh Sharif, nin
bartay in uu koro geed xun ,ma yaqaan in uu koro geed
wacan in la baro maahine.
Fiira gaar ah, DFKM iyada
kuma aanan soo qaadan maqaalkan ,waayo horaan uga
hadalanay in ay tahay dowlad faashil ah, annaga oo taa
sabab uga dhignay qaabka sideedaba loo soo unkay ama
loo soo dhoodhoobay.
Taas ayey maanta waxay u
dheer tahay in ay ku habsaantay xalinta khilaafyada soo
kala dhaxgalo xubnaha madaxda ka ah hay'adaha u sareeyo
golayaasheeda oo aanan lahayn dhamaad . waxaa intaasba
ka sii daran in arrimaheeda laga furdaamiyo magaalada
Adis,dalka Xabshida oo ay iyaga nagala dhaxeyso,
cadowteeyo soo jireen ah ,welina aanan loo helin wax xal
ah.
Abdallah Moallim Mahamud

