Xabashi keen, kama duwano Adeege Ameerikaan Ee
ha-lays Daba-dhigo
Fariin ku socoto Shikh
Shariif iyo madaxda isutaga maxaakimka
Abeeso Dhul isu-ekesiin
ayey kuugu cuntaa
Nabada waa loo wada
bukay ,waa loo hamuun qabay ,wax badan ayaa la
sugayay in aan mar uun u noqono Ilaahi na abuurtay ,towbana
la imaano.
Waxaan shaki ku jirin
in uu isbedel weyn ka dhacay dalka Soomaaliyeed guud
ahaan, gaar ahaana magaalada Muqdihso. Waxaan
iyadana shaki ku jirin guula la tilmaami karo in aad
gaarteen haddii aad tihiin isutagga maxakimka iyo
kacdoonka shacabka, waxaan iyadana shaki ku jirin,
cid hadal gelin-kartaana aynan jirin, sida ay dadka
Soomaaliyeed intooda badan ugu jidbeysan yihiin,
uguna diyaarsanyihiin , iyaga oo uun mar arko
dadkooda iyo dalkooda oo lagu dhaqaayo shareecada
Islaamka, nabad iyo cadaaladna sidaa ku gaaro,
waxaan iyadana shaki ku jirin in ay ummadda ku dhax
jiraan dad xun oo wax walbo u aqriyo in ay yihiin
xumaan ,haddii aynan ka muuqan dantooda gaarka ah
waxay u yaqaaniin,waxaan iyadana shaki ku jirin in
ay weli DFKM la rafanayso sidi ay u fulin lahayd
danaha ragga horboodayo waxay dantooda gaarka ah u
yaqaaniin iyo danti dowladihi taaba geliyay soo
dhisdeeda iyada oo aanan lagala tashan waxgaradka
Soomaaliyeed dhismaha DFKM ,dhisideedana loo soo
maray qabqablayaal dagaal,qabqablayaal siyaasadeed,
qabqablayaal qabiil oo aanan halkan lagu soo koobi
Karin dhibaatooyinki ay u geysteen dadkeena iyo
dalkeena lix iyo toban sano oo gadaal noo dhaaftay .
Waxaana iyadana shaki
ku jirin ,raggiina maxaakimta horkacayana ka
dheregsanyihiin, in aanan sidaa rabto loogu
cibaadaysan Karin meel aynan nabad ka jirin ,cadaalad
darro ka jirto, dulmi daba dheeraadana jiro ,xoolahaagi
oo aad u jeedana xoog lagu haysto.
Waxaan iyadana shaki ka
taagnayn ,in uunan ahayn mid tira yar waqtigan
xaadirkaa cadowga diinta Islaamka guud ahaan iyo
cadowga Soomaaliyeed dad iyo deegaan ahaan.
Afeef iyo hordhac
keddib, waxaa sua'aal ka taagan tahay ,sidee isutaga
maxaakimka ugu diyaarsanyihiin nabad ku soo
dabaalida Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed, iyada oo
aanan lagu kufin jidgooyin fara badan oo in muddaaba
ummadda Soomaaliyeed ka hortaagnaa dalkooda oo loogu
wada noolaado si nabad ah ,wada shaqayn, is xaq
dhowr , tixgelinta kartida uu ruux walba u leeyahay
qabashada howsha kaga aadan dadkiisa iyo dalkiisa
iyada oo aanan taas loo marin tixgelinta hebel waa
reer hebel,waa reer qabweyn iyo waa reerkeena
Inta aanan hoos ugu
dhaadhicin gunta qoraalkan ,waxaan rabaa in aan
isutaga maxaakimka u sheegno, in aynan waxba kala
duwanayn Xabasha keen iyo Adeege Ameericaan,
labadoodana wada yihiin gaalo keen, haddiiba ayanan
sii xumayn kuwa dabada kula jiro xabshida oo iyada
noo hayso cadowtooyo gaamurtay.
Waxaa iyadana xaqiiqa
ah in asaaska dhismaha tiirarka DFKM uu ahaa
qabqablayaal dagaal, tiirarki DFKM-kana ay sidaa ku
jabeen, keddib marki qabqablayaashi dagaalka ay
noqdeen hal haaday iyo hal heybshay. Midda kale
xubnaha Barlamaanka ee ku dhawaaqay in ay aqbaleen
in dalka soomaaliya soo galaan ciidamao ka socdo
dowladaha deriska la ah Soomaaliya, in ay iyaga
naf-ahaantooda ka soo jeedaan xubna ay soo
magacaabeen qabqablayaashi cararay qaarkooda iyo
qabqablayaal og, in raadkooda lagu soo joogo, sidaa
darteedna Go'aankooda ma noqan karo sharci, waayo
cod-bixintooda waxay noqotay mid ku salaysan
aargudsi, colaad iyo u adeegida qabqablayaasha
dagaalka, iyo cabsi ay ka qabaan in uunan iyagana ku
imaan jidki la marsiisay saaxibadooda la midka ah
iyo saaxibadooda u sahlay in ay qaataan xubinimo
asalkeediba aanan ku imaan waddo toosan.
Markaan u soo noqdo
gunta qoraalkan, waa in aan ku wargelino madaxda
horkacayso isutaga maxaakimka in ay ahaadaan kuwa
tilaabtooda xisaabsanaato, iyaga oo maanka ku haayo
in uu fara badan yahay cadowga guushooda iyo cadowgo
dadka iyo dalka Soomaaliyeed in muddaaba ka
hortaagnaa in uu dalkeena saanta dhulka la helo.
Maxaakimka waxaan
idin-kula talinaynaa saddex-shay in aad asaas uga
dhigtiin maamul uu helo dalkeenaa, saddexna waa in
aad ka digtoonaataan, saddexna waa in aad ka
fogaataan
1)saddex-shay,waa in
aad asaas uga dhigtiin maamul uu helo dalkeena.
A) Allah ka cabsi,
B)cadaalad iyo C)wada tashi(Shuura)
2)saddexna
waa in aad ka digtoonaataan:
A)rag ku naaxay xoolo
xaaraan ah lix iyo tobanki sano ee dalkeena burburka
ku jiray
B)Qabqablayaashi is
dhiibay iyo qabqablayaashi aanan ka mid noqon
isbahaysigooda oo aanan labadoodaba ku kala duwanayn
dhaqan xumadi ay waddankeena ku haayeen muddah dheer
Astaanta qabqablaha
,waa anigaa gacanta ku haayo xaafad hebel,degmo
hebel, gobal hebel iyo isbaaro iwm
C)siyaasiinti ku
fashilmay adeegi waddankooda muddadi uu waddankeena
xorta ahaa,haba ugu sii dartnaatee muddadi uu
waddankeena burburka ku jiray.
Saddexdaanba ka
digtoonaashadooda waxaa qaacida u ah maah-maah
soomaaiyeed ,waana "Abeeso waxay kuugu cuntaa dhul
isu ekaysiin"
3)saddexna waa in aad
ka fogaataan
A)Kibir
A)Qabyaalad
B)Damac
Saddexdaanba waa cudur
aad u xun,waa dilaa,waa burburiya, waa asaaska
tafaraaruq(kala-tagid), waa cudurki umadda
soomaaliyeed dadaalka ugu jirtay in ay ka bogsooto.
Somaalida waxay
tiraahdaa "Qunyar socod qodax kuma tagto", howsha
idiin taal ma ahan mid sahlan, waxaa idin sugaayo
marista waddo ay ku daadsantahay qodxo
dhaadheer.waxaana looga gudbi karaa "waa ood
dhacmeed sidi ay u kala korayso ayaa loo kala
qaadaa" .howsha idiin taal waxaad kaga gudbi kartaan
allah ka cabsi, qunyar
socodnimo,wada-tashi,la-tashi, cadaalad, af macaan
,ka baaraan degid fog meeshi u baahan gacan bir ah.
Haddii aan nahay
Soomaaliweyn, Waxaa Na Bilo, Buunka Shareecada
Islaamka oo Laga Yeersho Baydhabo iyo Beled-Walbo oo
Soomaaliyeed,16/06/2006
Abdallah Moallim
Mahamud(Cabdullahi Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com