Col Nuur Xasan Xuseyn
(Nuur Cade) Wasiirka koowaad waxaa laga
hayaa, "Itoobiya waa laga maarmaa" ,waxaa
haray iyada oo hadalkaas ficil loo bedelo ,waxaase
su'aal weyn ka taagan tahay sidee lagu heli
karaa arrintaas oo dhab noqoto, maadaama ay
taa tahay, tan Soomaali mar kale u horseedi
karto in ay dib ugu is-taagaan lugahooda.
jawaabta sua'aashan waxaan ka dhax doonaynaa,
iyada Aritree ma laga maarmaa, su'aashan
jawaabteedase si cadaan ah, ma u bixin karaa
Shikh Sharif Shikh Axmed oo isaga madax u
ah, kooxda isbahaysiga dib xoreynta dalka
Soomliyeed oo iyaga ajandahooda ugu horeeya
yahay xeel iyo xoog tay ahaataba, sidi ay
dalka Soomaaliyeed uga bixin lahaayeen
ciidmada Tigreeda ee dalkeena ku soo galay
dalab garab siin oo ay ka codsadeen koox
gaar ah oo aanan iyada sinaba u mathalin
danaha Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar
ahaanba.
Itoobiya, qaawanaanta
fara gelinta arrimaha Soomaaliyeed waxaa
kala siman dalka Aritree oo aanan iyada wax
badan uga duwanayn dowlada Itoobiya, xaga
hub ku soo daabulida gacmaha kooxaha isku
haysato maareynta halbowlaha maamul dhaxe oo
dalkeena Soomaaliyeed yeesho in mudaaba.
IToobiya waxay qabtaa laba cudur oo uu mid
yahay sidi Ay gacan weyn ugu yeelan lahayd
fargelinta arrimaha Soomaaliyeed dhan walba
iyo Cudur la yiraa neceebka Aritree ,Aritreena
waxay qabtaa nabar ku taagan oo ay ka
baqayso in uu ku dilaaco haddii ay Itoobiya
ku guulaysato, curinta dowlad Soomaaliyeed
oo aan iyada xoog lahayn, kuna taagan
raalinimada dowlada Xabashida.
Hadaba su'aasha uu
xalka gadaasheeda ku imaan karo waxay tahay,
Dolwadda uu Nuur cade madaxda u yahay iyo
kooxda Fadhigeeda yahay Aritree ma wada
fadhiisn karaan, iyaga oo aanan marnaba ka
tala qaadanayn Itoobiya iyo Aritree toona.
ilayn labadoodaba dhibka ka taagan dalkeena
sida uu noo haayo uma saameeyo
iyaga.culaysna kuma haayo qaran Soomaaliyeed
oo dib loo arko, haddii dowladahan mid walbo
qarankaas aynan ka dhax arkeyn danaheeda
gaarka ah,taana in ay dhacdo waa mustaxiil
beryahan, amaba waxaan dhihi karnaa, waa
sacabada oo tima ka soo baxaan
labadooda(Itoobiya iyo Aritree) oo isku
afgarto in ay arrimaha hoose ee Soomaalida
faraha kala baxaan.
Laakin inta aanan
gunta hadalkayga hoos ugu daadegin ayaan
waxaan rabaa in aan su'aal iska weydiino,
waayo kooxda Al Shabaab ,kooxdansa diyaar
ma u tahay in ay kooxahaas oo madaxbanaan
meel la soo fadhiisato ,kooxda Shabaabsa yaa
u madax ah marka laga gudbo Abuu Mansuur iyo
Shikh Fu'aad oo iyaga beryahaan si aad ah
uga muuqday mediyaha, miisaanka ay
kooxdooda ku dhax leeyiihiina uu shaki badan
ka jiro ,marka xaaladooda laga fiiriyo
dhinaca dagaalka ka socdo Magaalada Muqdisho
iyo iyaga gobalada ay ka soo jeedaan.
Kooxda Al Shabaab marka
aan mabda'ooda hoos u aqrino waxay ku
shaqeeyaan awaamiirta kooxda
Al-Qaacida,taana iyaga ayaa qirsan-oo
ma'ahan mala-awaal, laakin markaan ficilka
al Qaacida hoos u fiirino ,Al-Qaacida
madaxdeeda maahan mid is qariso ilaa iyo
xad,kooxda Al Shabaabna marka laga gudbo
xanta ah waxaa madax u ah Maxamed Xaashi
Ceyrow ,warka ma cado iyo yaa u madax ah
kooxdan ,koox ay madxdeeda is qarinaysana,
hadafkeeda wuxuu u egyahay mid aanan saliim
ahayn oo ujeedooyin badan. kooxdan diyaar
uma ahan wada xaajood ay la gasho Soomalida
intooda kale, si dib loogu doono soo celinta
qaranki soomaaliyeed .kooxdan waa mid
doonayso inay ku guulaysto xukun aanan looga
danbayn, cid kalana aynan la
qeybsanayn,taana ma'ahan mid Soomaaliya
beryahan ka shaqaynayso marka laga reebo in
dad badan raali ka yihiin si ku meel gaar
ah, dagaalka ay dhinac uga haayaan ciidanka
Tigreeda waqtigan xaadirkaa, oo uunan iyada
jirin Soomaali nadiif ah oo raali ka ah in
ay ciidanka xabshida nabad ku joogaan
dalkeena.
Run ahaanti waxaa
kooxda Shabaab aad ugu dhow xaga kali
talisnimada, Col Cabdullahi Yusuf madaxa
kooxda Mabagathi oo isaga qabo cudur xukun
jeceyl ah iyo in uunan rabin cid la qeybsato
awooda sare ee dalka Soomaaliya ,caqabana ku
noqon karo Soomaali in ay ka madaxbanaanaato
Itoobiya, laakin isaga dhibkiisa beryahan
waxaa looga gudbi karaa,Ciqaab xag allah uga
timid oo iyada ah, kolki loogu yeeray
madaxweyne oo uu raadinayay mudda dheer,ayaa
waxaa ku soo baxay dhib la yiraa "xukuna ha
hayn ,godkana ha jirin " .
Aan u soo noqono xalka
wadankeena xagee ku jiraa ,wuxuu ku jiraa
DFKM gaarka ah(Wasiirka koowaad iyo
dowladiisa) oo go'aan cad ka qaadato
bixitaanka Itoobiya, ka horna aad ugu
dadaasho sidi loo soo dhamaystiri lahaa
ciidamada Amisom iyo kuwa kala oo ka yimaado
addunweynaha kale, iyaga oo taa la
kaashanayaan aduunweynaha ,gaar ahaan
dalalka reer galbeedka oo iyaga arrimahan u
heelanaa beryahan. dhinaca kalana waa kooxda
fadhida Aritree ,iyagana waa in ay go'aan
cad ka qaataan sidi ay u aqbali lahaayeen
ciidamada Amisom iyo ciidama kale oo ka
yimaado addunweynaha kale oo la keeno
dalkeena iyo waa kooxda joogto Aritreeye oo
iyaga markaa keddib u dhaqaaqo bedelaada
xarunta ay ku leeyihiin Aritree, si aan uga
gudubno dagaalka Soomalida u dhaxeeyo oo
isaga ah xarbi u dhaxeeyo Itoobiya iyo
Aritree oo aan annaga wakiil uga nahay
iyaga.midda kale fursadan waqtigeeda waa
gaaban yahay,waxaana labada kooxba laga
rabaa in ay si dhaqsiya go'aan uga qaataan
arrima badan oo sahli karo wada xaajoodkooda,
Soomalina u horseedi karo Qaranimadeedi oo
ay dib u soo ceshato, isla markaasna
hor-istaagi karo in wada xaajoodkooda carqalad
uga timaado dhanka al Shabaab iyo
Madaxweynaha DFKM oo iyaga labadoodaba ka
siman doonista xukun kalitalisnimo.
Waa guul iyo qaranimo
oo la gaaro ,marka la helo wada xaajood
salka ku haayo madaxbanaani ay la yimaadaan
kooxaha Soomalida, waana markaa marka ay
Soomalida gaari karto in ay meel wax isla
dhigaan.waana markaa marka aan ka maarmi
karno Xabashi iyo Aritree oo iyaga dagaalka
u dhaxeeyo u soo wareejiyay gudaha Soomaliya.
Kooxaha Soomalida ma
jirto koox aanan ogayn halka uu ku jiro
xalka Soomaaliyeed, xalka runta ah wuxuu ku
jiraa doorasha xor ah oo dalkeena ka dhacdo
,wuxuu ku jiraa ninkiba hal cod, si aan uga
gudubno musiibada 4.5 ,sida uu ka
dhawaajiyayba Mudane Nuur Cade oo isaga ku
dhiiraday si geesinima leh dhihida aan ka
guurno 4.5, isago oo weliba og in
nidaamkiisa ku tiirsan yahay ciidamada
Tigreeda oo iyada la hubo in ay taa aad uga
carasysiinayso, maadaamo qaabka ay
waddankeena ku joogaan uu yahay qeybi oo
xukun. 21/01/2008
Abdallah Moallim
Mahamud (Abdullahi siyaasi)
Moallem10@hotmail.com