Waa
la marin habaabiyay quruxdi Maxaakimta Muqdisho iyo
guulo kale oo ay ka soo hooyaan nabad ku soo
dabaalida magaalada Muqdisho, iyadana waa la marin
habaabiyay guulihi beryahanba lagu tirinayay in ay
midowga Maxakimta Muqdisho soo hooyeen kolki shalay
oo taariikhda ahayd 24/06/2006 lagaga dhawaaqay
magaalada Muqdisho ,Hoteelka Ramadaan shir aanan
hore loo sheegin iyo cidda ka soo qeybgashay yey
mathalaan ,ma dadka Soomaaliyeed oo dhan, misa xisbi
gaar ah oo iyaga is bar yaqaan sidi Xisbiga Al
Itixaad ,dana gaar ahna mathalo.
Ku
dhawaaqida shalay ee madaxa Golaha Shuurada
Maxaakimta Soomaaliye Col Shikh Xasan Daahir Aweys
iyo xubno tiradooda lagu sheegay 88 Ay ku dhawaaqeen
shaqsiyaad is baryaqaan waxay ahayd mid loo
ekeysiiyay ku dhawaaqid Dowlad aanan si toos ah loo
Iclaamin. Haddaba annaga oo ka duulayno mugdi
gelinta siyaasada Soomaaliyeed mar kale iyo mugdi
gelinta soo dhowaashada nabad Soomaalida ku degayso
oo dalkooda lagu soo dabaalo,waxaan ka digeyna
dhiirigelinta iyo taageerida waxaynan ummadda
Soomaliyeed u dhamayn si aan uga korno dib ugu
noqoshada dagaallo qabiil oo aanan ujeeda fog lahayn
,aadna ay ugu farxayaan cadawga Soomaali weyn oo
gaarto kala danbayn iyo dowlad dhexe oo arrimaahada
ka taliso.
Ku
dhawaaqida shalay ee Madaxa Golaha Shuurada ee
Maxaakimta Soomaaliye oo loo ekeysiiyay Dowlad,
waxay jidka u xaareysa dagaalo wejiya badan leh oo
dalkeena ka dhaco ,waxaana dagaaldaas ka mid ah mid
horaba u dhax maray,lana filayo in uu mar kale dhax
maro madaxa DFKM ku sheega iyo gudoomiya ku Sheega
Golaha Shuurada ee Maxakimta Soomaaliya Waxaa kale
oo ay iyadana jidka u xaareysaa soo noolaynti
dagaalki qabiil ee Mudisho la habsaamay lix iyo
toban sano oo aan gadaal u fiirinay.
Waxaan
faaladan ku soo qaadanaynaa ka warbixinta labada
shaqsi ee kala horboodayso labada koox ee si cad
maanta isugu haayo, waa aniga iyo waa aniga ninka
horkacayo Diktatooriyad mar kale lagu soo rogo
ummadda Soomaaliyeed.
Waa
laba dowlad oo aanan midnana lagu soo dhisin
kalsoonida ama wadajirka ummadda Soomaaliyeed
intooda Badan,waa laba dowlad ee mid uu soo dhisay
cadowga Soomaaliyeed (Xabashada,Kenya iwm) ,midna ay
soo dhistay beel gaar ah oo ka tirsan beelaha
Soomaalida xoogna ku haysato koofurta Soomaaliya,
waa laba hogaamiye oo fikirkooda aad u kala
fogyahay,waa laba nin oo waqti badan ku bixiyay
gaarista, ayagga oo gacanta ku dhiga halbowlaha laga
xukumo Dalka Soomaaliya waa Muqdishee, waa laba
hogaamiye oo mid walba hoosaasi ka dhigtay, ama iska
soo hormariyay ,ama ku guubaabiyo adiga garabgayga
ayaad tahay nin ka soo jeedo beesha Hurdaweyne ee
ayagga loo yaqaan in ay yihiin dadka ugu tira badan
deegaanka Muqdisho ,loona tirayo nabad la'aanta
Soomaaliya ku habsatay mudda dheer, in ay asbaab u
tahay daciifnimada hogaamiyayaashooda siyaasadeed,
ama in aynan maanta lahayn hogaamiye karti u leh
mideynta maamulka Muqdisho iyo mideynta beeshaas
Hurdaweyne iyo beesha kale oo ay walaalaha yihiin,
kana uu soo jeedo Col Xasan Daahir Aweys.
Waa
laba Korneel, oo horay dagaal u dhaxmaray ,waa laba
Korneel oo ciil badan isu qaba, waxaa dagaalki hore
lagu jebiyay Col Xasan Daahir Aweys iyada oo jabkaas
kaga yimid deegaanka dagaalka ka dhacay oo ahaa
Boosaaso ,qabiil ahaana ay ku badan yihiin Beesha uu
ka soo jeedo Col Cabdullahi Yusuf,isla markaasna
gacan ka helaayay Xabshida oo aad uga soo Horjeedo
fikirka Col Xasan doonayo in uu ku gaaro xukunka
Soomaaliya oo isaga ah, Soomaaliya ha lagu dhaqo
shareecada Islaamka, taana waxaa la qabo ummadda
Soomaaliyeed intooda badan,wallow lagu kala duwan
yahay qaabka loo marayo dhisida dowlad dalkeena ku
soo dabaasho ku dhaqanka dastuur ku xiriiro
shareecada Islaamka,. waxaase is weydiin mudan
dagaalka xigo oo ay gacna badan faraha kula jiraan,
gacmahaas ha ahaadeen Dowladaha Deriska la ah
Soomaaliye,dhul Soomaaliyeedna xoog gumaysi ku
haysto, ama dowladaha waaweyn ee isticmaarigaa oo
dalka Soomaaliya ka leh dana gaar ah, amasa ha
ahaadeen hogaamiyayaasha Soomaaliya oo aanan iyaga
badankooda lahayn ujeeda wadaniyeed oo Soomaali-weyn
maanta ka badbaadin karto mugdiga cusub oo ay lugaha
la gashay.
Kumaa
ku guulaysanayo labada Korneel dagaalka ay isugu
biratumanayaan ,ma Col Shikh Xasan Daahir oo markaan
joogo deegaanka tolkiisa wallow aynan fara badnayn
qabiil ahaan kalsoonida uu beesha Hawiye ka qabo,
Sida uunan Col Cabdullahi Yusuf kalsooni badan uga
qabin beeshiisa hoose ee Harti ama isku wada duub
beesha Darrood oo dhan.
Tan
yaa guulaysanayo waxaan u daynaynaa Zamanka iyo
qadarka uu Ilaahey bado ummadda Soomaaliyeed,Ilaahey
ha na waafajiyo towfiiqda iyo wixi dan u ah
ummaddaan adduun iyo Aakhiro,amen.
Col
Cabdullahi Yusuf wuxuu dalka Soomaaliya ku leeyahay
taariikh madow ,oo ay ugu horeyso mid uu isagaba
afkiisa ka qirto, mar walbana uu ku soo celceliyo
,in uu isaga yahay ninki ugu horeyay ee isku dayo in
uu xukunka Soomaaliye ku maroorsado xoog dabada ku
haayo qabiil.waxaa kale oo xumaanihiisa ka mid ah in
uunan ahayn muwaadin toosan,waayo rabitaankiisa ku
aadan in uu gaaro madaxweyne Soomaaliyeed wuxuu u
soo maray Dowlada Xabashida oo aanan iyada marnaba
ogalayn Soomaliya oo ay ka amba-qaado dowlad dhexe
oo xoog leh oo ka arrimiso arrimaha dadka iyo dalka
Soomaaliyeed., Col Cadullahi waxaa kale oo lagu soo
eedeeyay falal dil ah oo uu kula kacay shaqsiyaad
waaweyn oo ixtiraam ku dhax leh Bulshada
Soomaaliyeed sida Suldaanki beeshiisa iyo kaaba
qabiilki u danbeeyay oo ay maleeshiyadiisa ku
toogteen bartanka magaalada Baydhabo maalin cad.
Col
Xasan Daahir Aweys isaga ma jirto xumaan toos ah oo
loo yaqaan marka laga reebo in uunan weligiis soo
hadal qaadin, eedeyn iyo cambaareyn ku aadan
dhibaatooyinka ay geystaan maleeshiyaad ka soo jeedo
beeshiisa xoogna ku haysto koofurta Soomaaliyeed,
dadka Soomaaliyeedna ula dhaqmo qaab aad uga xun
dhaqanki gumaysiga caddaa ee soo maray dalka
Soomaaliye
Col
Xasan Daahir waa nin daboolan ,bareerihiisa
siyaasadeedna aynan cadayn, Col Xasan ma jjirto
taariikh laga haayo meel uu ku gaaray darajada
Shiikh Islaami ah iyo meel uu kula takhasusay diinta
Islaamka iyo meel uu dacwa diineed kaga fidiyay
dalka Soomaaliya, marka laga reebo in uu mar walbo
hadalkiisa ku adkeeyo siyaasad ahaan, waa in
dalkeena lagu dhaqaa shareecada islaamka ,taasoo ay
dad badan u arkaan in uu doonayo in uu xukunka
Soomaaliya ku gaaro ku gambashada diinta Islaamka
gadaasheeda, maadaama ay ummadda Soomaaliyeed tahay
ummad aad ugu dhegan diinteeda.
Col
Xasan Daaahir waxaa lagu xantaa in uu yahay xubin
firfircoon oo ka tirsan Xisbiga Al Itixaad
Xubin
ka ahaashada xisbi diini ah oo fakir gaar ah leh,
khilaafna kala dhxaeeyo xisbiyada diiniga ah ee
isaga kala mid ah lahaashaha dana gaar ah waxay ka
hor-imaanaysaa ku tiirsanaashada dhabta ah ee
Xisbu-Allah(Xisbiga Ilaahey), waxay diinteena na
bartay in ummadda Islaamka ay aakhiro zamaanka u
qaybsamaeyso 71 Firqo ama Xisbi ,waxaana najaxaaya
oo kaliya Xisbu-allah(Xisbiga Ilaahey).
Labada
Korneel mid walba wuxuu wataa siyaasad cad oo uu
doonayo in uu awoodiisa kaga hirgeliyo dalka
Soomaaliya.
Cabdullahi
Yusuf wuxuu wataa Xabashi iyo maleeshiya uu kala
yimid Puntland , uuna ku sheegay in ay yihiin
ciidanki Dowladda ,sidaas ayuuna ku doonayaa in uu
ku qabsado waddanka Soomaliya.
Col
Shikh Xasan Daahir wuxuu wataa Dalkeena waxaan ka
hergelinayaa.Diinta Islaamka ,waxaana ciidan u ah
maleeshiyada Beeshiisa iyo inti la-qabto oo
rumaysato in Col Xasan ay ka dhab tahay diintaan u
adeegayaa, idinkuguna adeegayaa.
Labada
Korneel waxaa horyaal tiro fara badan oo jidgooyo
ah, aadna u kala duwan .
Col
Cabdullahi Yusuf waxaa horyaal xamar oo uu nabad ku
galo ama xoog ku galo Hawiyana raali ka yahay.,waana
il iyo dheg oo isgaaro sida aynan suurtagal u ahayn..
Col
Xasan Daahir Aweys waxaa horyaalo Hawiye oo caada ka
dhigtay ka hor imaanshaha wiilashiisa ha samaado
wiilkooda ama ha xumaadee.
Soomali
oo dowlad hesho waxay lugaha la gashay mugdi madow
oo gudcar ah waxaana mugdigaas looga bixi karaa
helitaanka hogaamiya ka madax banaan dana gaar ah ,qalbigana
ku wato fikir nadiif ah iyo in uu u adeego
ummaddiisa si daacadnimo ah oo ilaahey Raali ka
yahay.
25/06/2006
Abdallah Moallim
Mahamud(Cabdullahi Siyaasi)