Col Cabdullahi Yusuf ,Tuutada Milatari Uma Gashan In Uu Baydhabo Ku Dhax Mushaaxo

By:Email: Moallem10@hotmail.com   Cabdalla Macalim Maxamud (Cabdullahi siyaasi)

Ra'yi
Aug27/2006

Col Cabdullahi Yusuf ,Tuutada Milatari Uma Gashan In Uu Baydhabo Ku Dhax Mushaaxo

 

Keddib furitaanka Deggadda weyn ee Muqdisho oo dhowr iyo toban sano u xirnayd damac xume qabiil, is-xilqaamid la'aan, ma-gudbinimo siyaasadeed, soor xumo ay horboodayaan qabqablayaal dagaal, siyaasi xume, kaaba qabiil xume iyo wadaad xumeiwm, Waxaa magaalada muqdisho shalay hareereeyay farxad balaaran oo lagu furay Deggadda oo ay horkacayaan madaxda golaha Maxaaakimta Soomaaliyeed oo uunan weli maamulkooda cadayn meesha uu ka bilowda iyo meesha uu ku dhamaado.

Waxaa iyadana dhinaca kale ee magaalada Baydhabo hareereeyay dhoola tus Milatari oo loogu diyaargaroobayo daadinta dhiiga ummadda Soomaaliyeed mar kale iyo  cadowtooyo hor leh oo ay horkacayaan DFKM oo sideedaba si toos ah uga amar qaadato dowlada Tigree ee ka arrimiso caasumadda dalka Itoobiya ,Addis-ababa.

Somaali badan ayaa aad u soo dhoweysay kacdoonka ka dhacay magaalada Muqdisho ,isla-markaasna weli raja badan ka qaba in uu kacdoonkan noqodo  mid hana qaado, oo ku tilaabsado waddadi lagu gaari lahaa nabad iyo xasiloono lagu soo dabaalo dalka Soomaaliyeed oo dhan ,loogana gudbo is-jiid-jiid siyaasadeed oo soo jiitamayay tan iyo maalinti uu calanka shan geesoodka ah, ka dul babaday waddankeena dushiisa, annaga oo hananay xoriyad kaamil ah.

Soomaaliya, maanta waxaa is horyaacayo, xukun doon, diin doon, qabiil doon, dan-hoose doon,waxaasa intaas ka daran sidi ay kooxahan isugu dhax miliqsan yihiin, koolkaad hoos fog u doonto xogtooda siyaasadeed meesha ay hiigsanayso., waxaana intaas ka-sii dhib badan deriskeena oo cadowtooyo fog noo haayo, isaga oo adeegsanayo kooxa ka mid ah kooxaha is-horyaacayo ee aan kor ku soo sheegnay.

Hordhac keddib, waxaa idin soo xusuusinayaa hadalki madaxweynaha DFKM ee ahaa "qabqablayaashi Muqdisho dadkiina dhinac ka raaca inta uunan idinku soo fatahan daadka Dayrta".

Waxaa jiro qoraal aan horay ugu sheegay daadka dhibicdiisi u horeysay in uu ahaa heshiiska ay Cadan kuwada gaareen Col Cabdullahi Yusuf, madaxweynaha DFKM iyo gudoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasan Shikh Aadan, waxaa kale oo aan maqaalkaas ku sheegay in uunan daadka ka tagayn cid alle iyo ciddi horjoogsato, ilaa ruuxi uu ilaahey ka badbaadiyo, una bixiyo buur uu cuskada.

Col Cabdullahi Yusuf, tan iyo inti la soo dhisay DFKM ,wax badan ayuu ku taamayay in uu xarun ka dhigto Gobalka Bay, taana waa gaaryay maanta ,waxaasa inti aynan howshiisa dhab u bilaaban iyo daadki uu ku ribeeyay ka soo hor maray, Roobki dayrta oo da'ay, daadkiisina uu qaaday qabqablayaashi Xamar kuwoodi ugu cuslaa. weli daadkaa ma joogsan ,wuxuuna raadkooda ku taagan yahay dhamaan hogaamiyayaashi Soomaali horboodayay tan iyo maalinta ay dowlada Maxamed siyaad(Allah ha u naxariistee) ka arriminiyay afka dhulka la gashay.

Ummadda Soomaaliyeed maanta waxaa u muuqdo ,xamar oo nabad ah wax maamul ahna uunan ka jirin ,marka laga reebo guuxa baabuurta daba joogto Shikh Indhacade oo subax walbo isaga dhax gooshto magaalada  Muqdisha gudaheeda iyo Baryada Shiikh Shariif oo ay dad badan ku diirsadeen,wax howl-ahna aynan ka danbayn, marka la soo hadal qaado isbaarooyinka weli yaalo koofurta dalka,sidi Marka, Afgooye, Qoryooley, Baraafo iwm ,baryadaas iyada waa "walaalayaal ha la iska celiyo xoolaha Soomaaliyeed ee boobka lagu haysto,walaalayaal waa taa, midda aan ku gaari karno deganaan aanan deganaan ka danbayn, walaalayaal ilaahay ha loo noqodo".,iyo Shikh Xasan Daahir Aweys oo goob walba ka sheego, Xabashi ayaa na soo hayso, xabashi waa cadow, fulaan xabashi ayuu u shaqeeyaa, Shiikh Xasan Daahir waxaad moodaa in uu waqtigiisa ku qaadan rabo, sidi madaxdi Dowladi Carta waqtigooda ku qaateen, iyaga oo aanan qaadin tilaab wacan oo aanan dagaal ahayn, loogana hortagi karo xabashida dabada ku wadato qaar ka mid ah qabqablayaashi soomaaliyeed. Shiikh xasan waxaa ka maqan cadaalada oo lagu dhaqmo in ay cadow ku tahay xabshida iyo wixi la socdaba iyo wixi xunba ,shiikha waxaa ka maqan in aynan shar iyo khayr meel wada gelin .

Dhinaca kale waxaa ummadda Soomaaliyeed u muuqdo Col Cabdulaahi Yusuf iyo wasiirkiisa koowaad oo ku tartartamayo u dhowaanshaha qalbiga sayidka ka taliyo Addis Ababa,waxaa u muuqdo dagaal laga abaabulayo Baydhaba ,laguna doonayo in lagu arbusho tiirar adag oo loo dhiso waarista neecawda yar oo ay heleen reer Muqdisho.,waxaa u Muuqdo Col Cabdullahi sida uu bandiiraley dagaalka uga bilaabay in uu maalmahan qorshanayo in uu dagaal kale kaga bilaabo Bay iyo koofurta dalka oo dhan.

Gegebo ,Daadka Cabdullahi ku ribeeyay ee kacdoonkiisa bilawday heshiiski Cadan keddib. Daadkaas, Col Cabdullahi Yusuf  ka tegi maayo .waayo Soomaali waxay Tiraahdaa "Xaasid naftiisow xaasid ku yahay" ,diinteenana sidaa ayey qabtaa,daalim kastana ,taariikhda waxay na bartay in ay badankooda ku gubteen, dab ay gacantooda ku shideen ,sidaas darteed daadka dayrta waxaa u haray qaadista qeybti ka hartay haraagii SRRC iwm.

Sidoo kale Shikh Indhacade iyo asxaabta la mid ah,daadkan iyagana ka tegi maayo,haddii aynan ilaahey si dhab ah ugu towba keenin, waayo maxaakimta guul darro lama kulmin ,meelna lagama qabsan ,duulaan lagu soo qaadayna, kama aynan gaabsan  ilaa Bandiiraley, keddib hadalki uu sheikh shariif Buunada afgooye ka yiri, ee ahaa "Reer Marka Dacaayada ha laga daayo" ,isaga oo reer Marka aula jeeday Isbaaralayda xooga ku haysto gobalkaas.

Col Cabdullahi Yusuf raja ma leh, talada walaal wacanna, kuma shaqeeyo ,waana oday u soo jeestay in uu ka dhabeeyo in uu ku dhinto halgankiisa xukun doonkaa ,laakin Maxaakimta iyo madaxdeeda ,annaga oo aanan u kala saarayn qunyar socod iyo xag jir, waxaan kula talinaynaa in ay ka dhabeeyaan cadaalad ku dhaqanka iyo kitaabka ay kor u qaadeen ,taa waa guushooda waana guusha dadka Soomaaliyeed oo ah ummaad Muslim ah.

 Maxaakimta waxaan ku wargelinaynaa ,iyagana ay ka dheragsanyihiin in Cabdullahi Yusuf uunan tuutada Milatari u gashan in uu Baydhabo ku dhax mushaaxo ,balsa uu u gashtay, ku dhaqaaqista gaarista hadafki uu magaalada Baydhaba ka abaabulay 1978 ,kuna fashilmay, in uu maanta baydhaba mar kale kaga mira dhaliyo,mar uuna ku gaaro riyadiisa ahayd, in uu noqdo madaxweyne si dhab ah uga arrimiyo dalka Soomaaliya. Runti waa riyo fogaatay oo aanan dhaxal gal ahayn ,mana suurta galayso ,iyada oo aan sidaas dareemayno, ayaan haddana Maxaakimtaa kula talinaynaa in ay isaga yimaadaan fadhiidnimada ,kuna dhaqaaqaan maamul cadaalad ah oo ay u sameeyaan magaalada Muqdisho iyo ku dhaqaaqida cadaalad ka abuurida goballada koofureed ee dalka ,tan oo hadday fuliyaan, dhab ahaanti yarayn karto dhiig badan oo ku daato, dhiig-daadashada uu doon-doonayo col Cabdullahi Yusuf iyo Tigreeda dabada kaga jirto.

Midda kale maxaakimta waxaan kula talinaynaa in ay ka baxaan ku hadaaqida waa dacaayad, taladi wacan oo loo soo jeediyo ,xitaa hadii uu taladaas soo jeediyo mid doonayo in uu iftiimiyo xumaanahooda, isaga oo doonayo in uu fashiliyo hadafkooda wanaagsan.

Ma jirto cid aanan gefin,dadka gefana waxaa ugu fiican ,kuwooda ilaahey uga towba keeno gefkooda.

taladi wacan waa la qaataa,waana lagu dhaqmaa xitaa cadowgaada haddii ay ka timaado.26/08/2008

 

Abdallah Moalim Mahamud(Cabdullahi Siyaasi)

Moallem10@hotmail.com

webmaster@calayaale.com

 

_________________________________________________________