|

Waxaan
annaga oo ka hal qaadayno Danta guud ee ummadda Soomaaliyeed,
halkan baaq guud uga soo jeedinaynaa Soomaaliweyn, baaqaas
oo ah In ay Sooomaaliweyn dib u dhigato xal u helida
Khilaafaadka Siyaasadeed ee u dhexeeyo, muddana Soo
jiitamayay welina u dhexeeyo ,kaasoo halakeeyay ummadda
Soomaliyeed meel walbo oo ay joogto, kaasoo sabab u ahaa
abuuritaanka in ay ciidamada Xabashida hawoodaan ku soo
duulida dalkeena iyo imaantinka Caasumada Soomaaliyeed ,halbowlihi
waddankeena Muqdisho .
Soomalida meel walbo oo ay joogto, waxaan ugu baaqayna ka
qeybqaadashada dagaalkan lagula jiro Tigreeda kaashanayso
shaqsiyaad Soomaaliyeed oo hamigooda koowaad yahay gaarista
hadaf ku salaysan riya run la mooday iyo Xabashi in ay wado
dantooda iyo danta ummaddeena.
Somaaliyeey, Xabashi uma Imaan jeceyl ay u qabto Col
Cabdulaahi Yusuf iyo dowladiisa iyo toona nac ay u qabto
kooxaha Ay DFKM ku tilmaanto in ay yihiin Dowlad diid .
balsa run ahaanti Xabashi waxay dalkeena u soo weerartay, in
uu gacantooda si buuxdo ugu dhaco ka arriminta maamul ay
yeelato Ummadda Soomaliyeed mustaqbalka dhow iyo mid fogba..
Somaaliyeey waa inaan isu sheegno, dagaalka ay Xabashi ka
bilowday Muqdisho ,ayna ku gumaadayso si ula kac ah
dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho in uu
yahay mid salka ku haayo in Soomaliya la geliyo Istimaar ay
horkacayaan Masiixiiyiin ay ku fogaatay xagjirnimo iyo
neceyb ay u qabaan koritaanka iyo kobaca diinta Islaamka,
kuwaasoo ah Tigreeda horkacayso Itoobiya iyo madaxda Cusub
ee Dalka Maraykanka
Somaaliyeey maanta waa Taariikh qalinka lagu qorayo uu yahay
mid kala saarayo in aan nahay ummad ka dhiidhinayso ,kana
dagaalayso aqbalaada in uu dalkooda galo istimaar madow oo
ay dadkiisa yihiin kuwa ugu qaajaysan aduunweynaha maamul
xumo awgeed iyo in aan nahay kuwa hoos u jeesanayo, iskuna
mashquulinayo hebel waa xun yahay iyo hebel baa ka daran,
dagaalna garabkiisa ka geli maayo, oo ay dhamaadkeeda
noqonayso in dhamaantiinba aad gashaan gacanta tigree
injireey ah ,qolafti ay hooyadood ku dhashana ay weli ku
taal iyo sidiisaba dullinimada uu leeyahay isticmaar
Somaliyeey Dibiga gaduudan iyo kan cad haddii la dilo, kan
madowna waxaa sugayo waa masiirka halki ay mareen dibiyadi
hore.
Soomaliyeey wadnaha gufaysta ,xabashida iyo wixi la socdana
dhinac ha laga noqdo si Ilaahey guusha ka dhalato uu nooga
yeelo mid aan isku cafino iyo mid abuurto in aan yeelano
dowllad noo wada adeegto oo aan heshiis ku nahay.
Soomaliyeey ogaado in ay maanta tahay kala reebtada inta xun
iyo inta san.
Somaliyeey, Allah ha idin waafajiyo towfiiqda iyo wixi uu
raali ka yahay qowl iyo camalba,amen.
Baaqan wauxuu ka tarjumayaa aragtida iyo rabitaanka dhamaan
indheergaradka Soomaaliyeed gudaha iyo dibada
dalkeenaba.30/03/2007
Waxaa diyaariyay Abdallah Moallim Mahamud
(Cabdullahi Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com


|