Muqdisho ha laga xaal mariyo gefka Shariif Sakiin!! (Faallo)

Ra'yi
 01JunMay2011

In badan ayaan maqli jiray eedo fara badan oo loo jeedinayo Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana marar kala duwan aan la kulmay Xildhibaano, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, oday dhaqameedyo, Culumaa'udiin, Haween iyo Dhallinyaro siyaabo kala duwan u cambaareynaya Speakerka Baarlamaanka, iyagoo ku eedeynaya falal isugu jira ku takri fal awoodeed, musuqmaasuq, waxqabad la'aan, qabiil soo dhoweysasho, isbed bedel daneysi ku saleysan, qas-wadenimo iyo u adeegidda dalal aan dooneyn inay Soomaaliya degto.

Tilmaamahaasi xun xun ee laga sheegi jiray Shariif Sakiin ayaa waxay soo if baxeen 28-kii bishaan May 2011-ka, kaddib kolkii uu la yimid dabeecadihii lagu xaman jiray ee ku dhisnaa isbed bedelka, isagoo isku dayaya inuu dhalan rog ku sameeyo qaar ka mid ah qodobadii ka soo baxay shirkii 25-kii bishaan ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu Golaha Ammaanka ee QM garwadeenka ka ahaa, kaasi oo loo qabtay dhinacyada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo ururrada bulshada rayidka ah, waxaana la xaqiijiyay kulan uu oday Sakiin ku jallaafeynayo shirkaasi inuu Nairobi kula yeeshay ergeyga QM ee arrimaha soomaaliya Ambassador Augustin Mahinga, waxaana la tilmaamay shirkaasi inuu Speaker-ku  kaga codsaday Mr. Mahinga inuu kala qeyb qaato sidii shirka wada tashiga looga wareejin lahaa magaalada Muqdisho, iyadoo shirkaasi loo weecinayo meel ka baxsan Soomaaliya ama la geeyo degaano ka mid ah Puntland.

Riyo maalmeedka cusub ee aan socaneynin ee uu Shariif Sakiin ku dhex dabaalanayo ayaa la sheegay inay ka dhalatay kaddib kolkii uu ku hungoobay shirkii Nairobi oo uu is lahaa waxaa lagu taageerayaa saddexda sano ee uu Baarlamaanku kororsaday ha yeeshee laad dheer lagu dhuftay, iyadoo uu intaasi dabadeed bilaabay inuu u dhar dhigto hannaankii uu u carqaladeyn lahaa shirka lagu madlan yahay inuu bisha Juun ka dhaco magaalada Muqdisho, waxaana la ogaaday hamigaasi wax qaribidda ah inuu odaygu u gedmi waayay kaddib kolkii uu Mahinga ka gaabsaday soo jeedintii Oday Shariif Xasan Sh. Aadan ee ahayd in Muqdisho shirka laga duwo.

Hadalkaan laga soo xigtay Guddoomiyaha Baarlamaanka ee ku qotoma in shirka laga bedelo Muqdisho ayaa waxa uu walaac cusub ku abuuray inta jecel samaha ummadda Soomaaliyeed, waxaana uu keenay isku daygaasi Shariif Xasan inay NACALLADAAN shacbi aad u fara badan oo sheegay inay ka xun yihiin sida uu Sakiin had iyo goor u dhabar wareemayo hadba wixii go'aano ah oo leysla gaaro ama la soo saaro, iyagoo ku celceliyay inay ku baaqayaan in la iska kaashado sidii looga soo horjeesan lahaa rabitaanka Shariif Sakiin ee ah in shirka Muqdisho loo raro meel kale.

MUQDISHOOY......xaal qaado, wallee waa laguu gefay, waana lagu xumeeyay ha yeeshee dadkaagii kuma diidana ee waxaa nacayb kuu qaba oday jirka Soomaali ka ah balse aan damiir iyo wadaniyad Soomaaliyeed midna lahayn oo ka soo horjeeda Qaranimada Soomaaliya iyo inay Muqdisho caasimad tahay, kaasi oo dantiisa gaarka ah ay kala weyn tahay maslaxadda ummadda Soomaaliyeed oo idil, waxaana hubanti ah doqonkan dibir kama daalaha ah ee looga guuleystay shirkii Nairobi inaanay marnaba u socon doonin hadaladiisa raqiiska ah iyo waxa uu ku andacoonayo ee isugu jira "Muqdisho nabad ma aha" iyo "Muqdisho dad gaar ah ayaa ka taliya" iyo ereyo kale oo aan wax caqliyad ah ku fadhin.

Axmaqnimada uu ku dhiiraday qofkani ayaa waxay cadeyn u tahay damiir xumadiisa, waxaana ruuxani nasiib darro ugu filan inuu u gefo hooyadii xadaaradda, dhismaha iyo quruxda magaalooyinka Soomaaliya ee beri hore la yiri: "Ma mililicdeen mise jiriricooteen muuqaalka Muqdisho", waxaana dhanka kale ihaanadani ka soo baxday dibnaha Oday Sakiin ay dhaawac ku tahay sharafta dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalo madaxda, kuwaasi oo aanay u cuntameynin in si fudud la isaga ijaafeeyo Muqdisho, maadaama ay tahay xaruntii Soomaaliyeed oo dadka oo idil ka wada dhaxeysay, iyadoo muwaadin walba uu si gaar ah u maal gashtay Muqdisho.

Soomaali u dhashow, sidaan si ma'ahan, mana loo dulqaadan karo af xumada Speakerka Baarlamaanka ee uu ku nacayo in Muqdisho lagu qabto shirka wada tashiga, arrintaasi darteed sow ma haboona in laga wada dhiidhiyo isla markaana la caddeeyo sida ay Muqdisho iyo dadkeeduba diyaarka ugu yihiin marti gelinta shirkaasi? jawaabtu waa HAA, waxaana sida runta ah dhanka kale jira dad badan oo aan la sheekeystay iyo qaar kale oo aan ku arkay goobaha lagu shaaho iyo hoteelada G/Banaadir iyagoo si xoog leh ugu qeylinayay carada (Xanaaqa) ay ka qaadeen hadalkii damiir la'aanta ahaa ee uu Shariif Sakiin ku sheegay in Muqdisho aanay istaahilin in shirka bisha Juun lagu qabto, waxayna dadkaasi tilmaameen inaanay marnaba ku niyad jabeynin gefka uu Speakerka Baarlamaanka kula kacay caasimadii Soomaaliya oo dadkoo dhan ka wada dhaxeysay, iyagoo qeybahaasi aan is aragnay ay ii sheegeen inay suurtagal tahay sidii ay u abaabuli lahaayeen dibadbaxyo nabadeed oo looga soo horjeedo qaladka uu Shariif Sakiin ka galay Muqdisho, isla markaana lagu taageerayo go'aanadii QM ee qodobadiisu ay ka mid ahaayeen in bisha Juun magaalada Muqdisho lagu dhigo shirka wada tashiga aayaha Soomaaliya.

Maalin ay ahaataba waxaa imaan doona wakhti la is xisaabiyo, waxaana xaqiiqo ah in Shariif Sakiin xilli uu ahaadaba in Maxkamad la horkeeni doono, isagoo loo heysto burburinta dowladihii ka dhismay Soomaaliya, lunsashada hantidii Qaranka mudadii uu Wasiirka maaliyada ahaa iyo gefka uu dhowaan ka galay Muqdisho iyo caasimadnimadeeda, waxaana la sii saadaalin karaa inaanay huri doonin in mar uun odaygani la hor keeni doono cadaaladda, iyadoo lagu soo oogayo dembiyadii Qaran ee uu galay iyo kuwa uu weli gelayo.

Ummad kasta lagama waayo qof xaasid ah ama si xun u daneyste ah, sidaasi daraadeed haddii uu Shariif Sakiin noqday waayeel LAGA ROONE AH oo aan u naxayn danta shacbigiisa isla markaana uu yahay nin diidan in shirka Muqdisho lagu qabto si shacbiga Soomaalkyeed aayahooda ay uga tashadaan ayaa waxgarad badan waxay ku talinayaan in marka hore dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka tashadaan daneystahaan ka tirsan madaxda Soomaaliyeed, isla markaana ay ummadu la timaado caqli saliim ah oo ay ku taageerayaan mas'uuliyiinta Dowladda KMG ah ee u heelan qabsoomida shirkaasi, waayo shirkaasi waa fursad qaali ah oo lagama maarmaanka ah in laga mira dhaliyo bacdamaa uu shirkani noqonayo kii ugu horeeyay ee gudaha dalka Soomaaliya lagu qabanayo, loogana tashanayo mustaqbalka Soomaaliya.

Waxaa mudan in hoosta laga xariiqo haddii lagu guuleysto qabashada shirka Muqdisho in Shariif Sakiin uu noqon doono TUKE CAMBAAR LEH oo ku hor ceeboobi doona shacbiga Soomaaliyeed maadaama uu caasimadoodii u gefay, sidaasi daraadeed waxaana ugu dambeyntii ila haboon inaan niraahno "Allow ka yeel shirka Juun kii guuleysta" iyadoo dhanka kalena ay mudan tahay inaan Muqdishana ku niraahno "Muqdishooy xaal naga qaado, waana kaa raalli gareyneynaa Gefka Daneyste Sakiin anagoo kuu ballanqaadeyna haddii uu EEBBE idmo in shirka wada tashiga ee aayaha Soomaaliya uu ka dhaco gudaha degmooyinkaaga qadiimiga ah ee aynu ku wada faanno isla markaana ku wada dhaadano.

Waxaa Diyaariyay:

Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)

Tel: 0025261-5662810

Tel: 00252699719080

jabriil2010@hotmail.com

Mogadisho - Soomaaliya




Diyaariye:-
Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
E-mail: jabriil2010@hotmail.com
 

 
 

 

Waxaa Diyaariyay:

Jabriil Max'ud Nuur (Jabra)

Dreambook: Welcome to Calayaale Page


Sign my Dreambook!
Anigoo lay dhaho
E-mail address
Sharaxaad
 

Read Akhriso


[ View Guestbook | Welcome to Calayaale Page ]
Dreambook: Aqayaarta calayaale
Sign my Dreambook!
Aqayaarta
Anigoo lay dhaho
E-mail kaaga saxda
Sharaxaad
Private?
 
Read Akhriso

Sign ku qor


[ View Guestbook | Aqayaarta calayaale ]


              If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center  Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com kalasoo xirii

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com