Hoo Layla Calaawi ee Codka I sii
!! Iyadoo weli uu jiro khilaafka u
dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh
Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh
Aadan,ayaa hadana labada Dhinac maalmahaan wadaan
Kulamada ay la yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka ee
ku aadan sida loo wajahayo waqtiga kala guurka ee
Dowladda Federaalka oo bilooyin ka harsan yihiin Labada Shariif ayaa mid weliba wuxuu
ku dadaalayaa sidii u heli lahaa Taageerada Xildhibaano
farabadan haddii ay timaado Doorashada Madaxweyninimada
, inkastoo Madaxweyne Shiikh Shariif uu sheegey in
waqtigaan aan la qaban Karin wax doorasho madaama uu
dalka haatan uu ku jiro Xaalad Dagaal , wuxuuna isaga
iyo Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Maxamed
Cabdulaahi Farmaajo ay sheegeen in Hayadaha Dowladda ay
sii shaqeeyaan ilaa Bisha Ogoosto ee Sananadka Dambe
Gudoomiyaha Baarlamaanka oo
maalmahaan kulamo kula yeelanayey Gurigiisa
Xildhibaanada Baarlamaanka kaasoo looga hadlayey sidii
loo qaban lahaa Doorashadii Mdaxweynaha Soomaaliya ayaa
waxaa uu doraad kulan la qaatey Guddigii Doorashada oo
sheegey in ay diyaariyeen Kaararkii Doorashada ee
Xildhibaanada, waxayna Guddiga ay sheegeen in ay meel
wanaagsan u mareyso Howlahii Doorashada , iyagoo sheegey
in doorashadaas ay dhici doonto Inta ka horeeysa Bisha
Ogoosto Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif
Xasan Shiikh Aadan oo lagu tiriyo nin Maalqabeen inta
uusan ku soo biirin siyaasada uu ahaa nin Ganacsade ah
oo si weyn looga yaqaan Gobolada Bay iyo Bakool ayaa
kulamada uu la yeelanayey Xildhibaanada waxaa u sii
dheer in kuwa sida aadka u taageersan doonayana in
Madaxweyne ka noqdo dalka ayaa waxaa lanoo Xaqiijiyey in
midkiiba la siiiyey Gaari kuwa raaxada ah Mid ka mid Xildhibaanada Baarlamaanka
oo ka mid ahaa xildhibaanada la siiyey Gawaarida isagoo
faraxsana aan la kulaney ayaa naga codsadey in aan
Magaciisa la sheegin wuxuuna noo xaqiijiyey in
Xildhibaanada Baarlamaanka ee Taageersan Gudoomiyaha
Baarlamaanka Gawaaridaas la siiyey “Weligey Maskaxdeyda ma soo gelin
Gaari Layla Calawi ayaa lagu siinayaa” ayuu yiri
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo maanta aan kula
kulmey isagoo wata Gaarigaas oo intaa raaciyey “ Gaariga
Gudoomiyaha wuxuu noo siiyey in uu kor u qaado Sharafta
Xildhibaanada Baarlamaanka oo maalmahaan ay ka muuqatey
Daruufo Dhaqaale wuxuu nagu yiri Gudoomiyaha
Xildhibaankaan aan isa soo qurxin oo aan si wanaagsan u
soo labisan kaasi ma dhihi karno waa xildhibaan waayo
Xildhibaanku waxaa looga baahan yahay in uu ka dhex
muuqdo Bulshada Dhexdeeda waa in aan u ekaanaa
Xildhibaanada Adduunka sida ay u labistaan “ Waxaan weydiiyey gaariga sow laguuma
siin in Codka siiso Gudoomiyaha Baarlamaanka haddii ay
Doorasho timaado wuxuu ku jawaabey”iyadoo taasi meesha
ay ku jirto haddana Gudoomiyaha waa runtiis in aan ka
soocnaano Bulshada inteeda kale oo xildhibaanku uu noqdo
xildhibaan mar kasta taagan oo xiran Suudkiisa
Xildhibaan kale oo isna la siiyey
gaari noociisu yahay NOEH ayaa isna waxaan weydiiney
sida uu u arko Gaariga quruxda badan ee la siiyey
wuxuuna yiri” aad baan u soo dhaweynayaa Gawaaridaan
nala siiyey waana mid farax gelineysa Xildhibaanada
Baarlamaanka waayo waxaa arkeysaa xildhibaan Saaran
Gawaarida Dadweynaha ama waxaa arkeysaa Xildhibaan Cagta
maalaya oo u lugeynaya Xarunta Baarlamaanka marka waxaan
u arkaa arintaa mid kor u qaadeysa Niyada Xildhibaanada
Baarlamaanka magacii doono halagu bixiyee “ Xildhibaanada oo Gawaarida laga
siinayey Garaashyo ku yaal lambar afar ayaa waxaa
qaarkod la sheegey in markiiba ay galeen Dugsiyada lagu
barto Gawaarida waxayna noo sheegeen in ay haystaan
Balan qaadyo haddi uu Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ku
soo baxo tartanka Madaxtinimada Soomaaliya iyagoo
sheegey in ay heli doonaan wax ka sii wanaagsan
Gawaarida la siiyey sidoo kale qaar kale ayaa noo
sheegey in Gudoomiyaha Baarlamaanka markii loo doortey
Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka uu bilaabey in
Xildhibaanada isaga taageersan uu ka bixinayey Qarashka
Hoteeladda, taasina waxay ku tusineysaa In Gudoomiyaha
Baarlamaanka uu hore ugu Diyaargaroobey in Madaxweyne uu
ka noqdo Dalka Tartanka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa fursad wanaagsan u
tahay Xildhibaanada Baarlamaanka oo waayadaan aan qaadan
wax Mushaar wuxuuna yiri Xildhibaan ka tirsan
Baarlamaanka “ Anagu waxaan Faaiido helnaa markii ay is
qabsadaan Madaxda Sare ee Dowladda iyadoo taasi ay jirto
kuma sii jirto marka ay timaado tartan Doorasho
Madaxweyne waayo waxaan helnaa Dhaqaale fara badan Midowga Yurub ayaa dhawaan shaaca ka
qaadey in ay joojinayaan Kharashka ay siiyaan Dowladda
Federaalka haddii aan la qaban Doorashadii Madaxweynaha
Soomaaliya inta aan la gaarin Bisha Ogoosto taasoo ay si
weyn u soo dhaweeyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo
Xildhibaanada Taageersan hadaba la arkii doonee halka
ay ku biyo shubato is haysiga u dhaxeeya labada Shariif
iyo Cida Madaxweyne ka noqoto Dalka Soomaaliya sidoo
kale Madxweyne Shariif oo isagu doonaya in mar kale la
doorto ayaa Xildhibaanada taageersan waxay ugu fadhiyaan
madaama Shariif Xasan uu bixiyey Layla Calaawi in
isagana uu bxiyo Cadho Maydle (Waa Gaari Xamuul ah oo
aad loo Jecel yahay). Khilaafka labada Shariif oo Dhaqaale
ku soo kordhiyey Hoteelada Muqdisho
Iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka
u dhexeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Sheekh
Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxay arrintaani keentay
in xildhibaanada Baarlamaanka maalmahan yeeshaan shirar
isdaba joog ah kuwaas oo lagu qabanayo Hoteelada
waaweyne ee Magaalada Muqdisho, waxayna qolo waliba soo
saartaa hadalo ay ku ridinayaan kullan ka horeeyey oo ka
dhacay isla Hoteelada Muqdisho. 550-ka Xildhibaan ayaa haatan waxay
intooda badan ku soo uruureen Magaalada Muqdisho kuwaas
oo doonaya in ay taageero u muujiyaan hadba mas’uulka
ay gacantiisa ku qancaan ama ay ka heli karaan taageera
dhaqaale, waxaana mararka qaarkood dhacda in labo Hotel
oo iska soo horjeeda lagu kala qabto kullamo lagu kala
taageerayo Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif iyo
Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan. Mid ka mid ah Milkiilayaasha
Hoteelada oo an arrintaan wax ka weydiiyey diidayna in
magiciisda la sheego ayaa waxa uu yiri “Maalmahann aad
ayay shaqadeenu u badan tahay waxaana na soo gala
Dhaqaale fara badan”, waxa uuna Milkiilahani u muuqday
in uu door bidayo in is-haysigu u dhexeeya Labo Shariif
iska sii jiitamo, sidoo kale Milkiilahani waxa uu
sheegay in Dhaqaale badan maalmahan ka soo xaroodaan
Musharixiinta isu soo taageysa jagada Madaxweynimada
Soomaaliya, sidoo kale waxa uu sheegay in maamul
gobaleedyadii maalmahan la sameynayey uu dhaqaale badan
ka heleen Hoteelada Muqdisho. Mas’uul ka
tirsan Hay’adaha NGO-da ayaa
isagoo careysan oo ka soo baxay mid ka mid ah Hoteelada
Muqdisho waxaana weydiiyey waxa ka careysiiyey, wuxuuna
sheegay in siminaar ay ku qaban lahaayeen Hoteelka ay ka
hor istaageen xildhibaano lacag wata isla markaana
markay Milkiilihii Hoteelka la kulmeen uu ku wargeliyey
in saddexda Todobaad ee soo socota uusan boos ka
banaaneyn Hoteelka gaar ahaan Hoolalka lagu qabto
shirarka isla markaana sidaas uga soo tagay haddana uu
garan la’ yahay meel uu ku
qabsado siminaarka. Khilaafka u dhexeeya Sheekh Shariif
iyo Shariif Xasan oo horey siyaasadda saaxiibo ku ahaa
ayaa haatan u muuqda in ay sii kala fogaanayaan,
arrintaana waxay ka faa’iideystay
Xildhibaanada Baarlamaanka oo la kala saftay inkastoo ay
jiraan Xildhibaanada qaar oo labada dhinac ka Bariiseeya,
nin Xildhibaan ah ayaa igu yiri “Maalmahan waxaa isugu
kay darsamay Dhaylo iyo xooggaa jeeb gelis ah, waxaana
fiicnaan lahayd in ay sii soco ilaa iyo inta ay doorasho
kale ka qabsoomeyso”. Dowladda Federaalka Gaar ahaan
Xukuumada Farmaajo ayaa digniin ka soo saartey in aan
Hotel lagu qaban Karin wax Shir ama kulan ah oo aysan
Dowladda Federaalka ka warqabin , Sidoo kale waxay ka
digtey in aan la qaban Karin wax Banaanbaxyo ah oo aysan
Dowladda Federaalka aan Xukuumada fasax looga haysan ,
hase yeeshee qaar ka mid Xildhibaanada Baarlaaanka ayaa
waxay u soo jeediyeen in Xukuumada Farmaajo ay dhex
dhexaad ka noqoto Khilaafka u dhaxeeye Madaxweynaha iyo
Gudoomiyaha Baarlamaanka , sidoo kale waxay uga digeeen
Xukuumada Farmaajo in aysan Caburin Rabitaanka Shacabka
iyo weliba Kulamada Xildhibaanada Baarlamaanka . Qarashka maalin walba lagu bixiyo
Hoteelada waaweyn ee ay bixinayaan labada dhinac ee
ishaysta ayaa waxaa xaqiiqo ah in Kharashkaasi lagu soo
qaaday magaca dadka Soomaliyeed ama uu yahay daqli ka
soo xarooday ilaha dhaqaalaha Soomaaliya sida Dekedda
iyo Garoonka Diyaaradaha taas oo ahayd in dadka wax
loogu qabto laakiin waxaa loo leexiyey in dad gaar ah ka
faa’iideystaan iyadoo aan
ognahay in Gobolada dalka Soomaaliyeed dhawaan ay ka
bilaabmeen dhimashada Dad iyo Duunyo kadib markii ay
Abaaro xoog leh ku dhufteen.
W/D Amiin Yuusuf khasaaro E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
aduunyo5@yahoo.com
Xafiiska wararka
caalamka iyo
soomaliya Calayaale Media Center
Contact:editorial@calayaale.com
Webmaster@calayaale.com
kalasoo xiriir.
_____________________________ |