Mashquulka dekada Muqdisho, Ismoogaysiinta Makiinadaha faroole
Marmarsiiyaha iyo Minjoxaabinta Midnimada Qaran.
Ra'yi
 24Mach09
 

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

 

Waxaa maalmahan hadalhaynta saxaafada ku badnayn shirkii golaha wasiirada ay isugu yimaadeen muqdisho Soomaalida oo Aragtideeda Mar walba aysan ka dhamaan arimaha qabiilka ayaa waxaa  kasoo if baxay arimo cajiiba arimahaas oo ah wax aad loola yaabo

Muuqaalka dawlada ra,iisal wasaaraha  cumar cabdirashiid oo gubuxtan ugu jira

Qaabkii iyo sidii uu afka dhulka ugu dhigi lahaa dawlada federaalka jamhuuriyada soomaliya iyo  madax weynaheeda Mudane sheikh shariif sheikh axmed waayo waxaa la yidhi wiilka aabihii wuu la dardaaran ayuu uga dhintaa , adeerkiina talo ayuu uga tagaa, hooyadiina duco

Taas oo aan ula jeedo taladii cabdulaahi yuusuf ee beryahanba lagu xamanayay inuu daaha dabadiisa ka hagayo cumar cabdirashiid ayaa soo if baxday waayo dekada muqdisho oo keligeed gudi dabagala loo saaray maxaa u diiday gudigaas in loo saameeyo

Dabagalka dhamaan dekadaha soomaliya sida dekada boosaaso, mogadisho , marka, kismaayo, walow berberi jirto hadana sheekaa ka horeysa berbera balse hadiiba

Kismaayo alshaabaab iyo kooxo kale haystaan, markana ay la mid tahay labada dekadood ee kale miyaanay maamulka iyo dawlada ra.iisal wasaare  cabdirashiid wada hoos imaan mise sheekadu weli waxay ku socotaa (Kaygana anigaa iska leh Kaagana Kula Lihi)

 

 

Taas waxaa marqaati furayaa hadalada kasoo yeedhayaa maamulka puntland oo ay iskaga darsan tahay macnaha federaalka inuu magac yahay iyo inuu maamul micno xanbaarsanyahay

Waxaa lagu yahay federaal, calanka, barlamanka , dawlada dhexe, lacagta, cashuuraha, ciidaanka , iyo dhamaan arimaha dibada oo ma jiro maamul hoosaad heshiis geli karaya

Ama ka bixi karayaa  waxaa uu sheegay  wasiirku xigeenka warfaafinta puntland

Inuusan aqoonsanayn dawlada dhexe hadii laga tashaan waayay qaaabka wasiirada loo soo xulay  gudoomiyaha maamul goboleedka faroole inaysan aqoonsanayn dawlada oo uu ku sheegay dawlad beeleed ama dawlad kasoo jeeda asal ahaan koonfur¦¦¦

Waxaa dadku ka wada dheregsan yahay maamulgoboleed macnihiisa

Qaasatan qurba joogta wadamada yurub iyo amerika iyo carabaha qaarkood

Waxay aqoon buuxda u leeyihiin macnaha STATE , ama GOBOL

Gobolku waxaa uu u madax banaan yahay shaqalihiisa horumarkiisa hoose iyo dhamaan adeegyada bulshada sida saxaafada waxbarshada caafimaadka dawlada hoose inay ku koobnaadaan  dadka gobolkaas degan iyo inay xeer hoosaad yar samaystaan

Maaha inay sidii laba dawladood ula tartamaan dawlad dhexe ee dalka maamusha  gudoomiyeha gobolka banaadir, iyo gudoomiyaha gobolka hiiraan, iyo gudoomiyaha gobolka galguduud , iyo gudoomiyaha galmudug state iyo gudoomiyaha puntland  waa isku mid farqina uma dhaxeeyo,

 

 

Waxaa xaqiiqa in dawlada midnimada qaran haday u talaabsato sidii tii hore

In rajadeeda mugdi geli doonto waayo  waxaa dawladii hore ciidamo shisheeye iyo kuwa beeleed soo dhoobtay caasimada iyo gobolada bartamaha iyo koonfurta soomaliya

Kuwaasoo gaystay  waxyeelooyin badan oo ku reebay shacbiga soomaliyeed xasuus aan marnaba la ilaawi doonin, Soomaliya Soomali baa leh ciidan dibad ka yimi ma xalin karo

Dagaalna xal ma keenayo sidaa hada xaalada lagu wado , ee wada hadalka iyo wada xaajoodka  iyo dib ugu noqoshada culumada iyo waxgaradka soomaliyeed ayay ku qurux badan tahay  waxaa laga dhaxkay ciidamadii hore loo keenay deegaanada koonfureed

Jirdil , kufsi, dhac, iyo dil qorshaysan oo madaxda iyo dadka masuulka ah lagu fuliyo

Xabsiga oo loo taxaabo suxufiyiinta iyo dhamaan bulshada rayidka ah.

 

Waxaa dawladii hore ee madaxweynaha ka ahaa  cabdilaahi yuusuf ku takrifali jirtay dhaqaalaha iyo caawimada iyo dhamaan waxyaabaha loogu talo galaay dadweynaha soomaliyeed  dawladaas oo gebi ahaan ahayd cadaw umada soomaliyeed hadheeyay , ayaa waxaa hadh galay ciidankeedii iyo madaxweynaheedii dareershay , ra,iisalwasaarihii nuur xasan xuseen iyo ku xigeenkiisii axmed cabdisalaan iyo rag badan oo la feker ahaa sida hogaanka dhaqanka beelaaha hawiye, oo gaashaanka u daruuray ujeedadii maldahnayd ee ay wadeen nimankii shaatiga dawlad markay danta guud u dhaqaaqeen ee ay dhamaan albaabadii danaha gaarka ah dadkii lahaa ka soo dabooleen waa tii lagu kala dareeray baydhabo

Intii danaynaysay soomalinimada ayaa dib usoo soo uruursatay

Qaladkii ugu weynaa waxaa uu ahaa markii ciyaartii dib loogu celiyay

Meshii laga keenay.

 

Hadaba waxaa dhibaato ah maamulka dekada waa la bedeli karaa maamul cusub oo dawlada cusub la jaanqaadana waa la keeni karaa ee dawlada dhexe ee federaalka soomaliya ma muqdisho ayay ka wax bedeli taqanaa sida gudoomiyayaasha muqdisho, iyo kuwa gobolada koonfureed oo keliya mise dhamaan dalka.

 

Maxay loo saari waayay gudi xaqiiqa raadisa oo dabagal ku sameeya budhcadbadeedka deegaankoodu yahay puntland, maxaa gudi daba gala loogu saari waayay dakhliga puntland

Maxaa loo kantarooli waayay , dhamaan hay, adaha shaqada iyo dhaqalaaha ee puntland

 

Waa nabad balse meesha nabada ah iyo meesha qalalaaseha ka jiro waxaa maamulka dawlada dhexe ku horeynaan kan nabada ah in gudiyo loo saaro kan qalaalaaseha ka jiro gudiyada nabad gelyada iyo masaalixda iyo isu soo dhawaynta  gudi aaan ahayn waa raad arooryo

Hadiise cumar cabdirashiid adeerkiis jagada uu ka riday ra,iisalwasaare kasoo jeeda beesha Madaxweynaha isuguna ma qorshihii mid la mida inuu ku fuliyo ayuu diyaar u yahay madaxweynaha .

 

Waxa uu balanqaaday Ra,iisal wasaaruhu inuu cadaalaad iyo sinaan wax ku maamuli doono

Balse ma muuqato eryadaas uu ka dhawaajiyay ee waxaa muuqda bilcaksigooda

Haddii puntland , iyo bartamaha iyo koonfurta soomaliya midna is xisaabiyo keligiis

Midna la xisaabiyo oo dakhligiisa la doonayo 550 xubnood in ganacsatada bartamaha iyo bariga laga qaado  waxay ku noolaan lahaaayeen iyo 20.000 ciidana  mushaharkooda soomaliya ma muqdisho oo keliyaa miyaanay sheekadu u ekaanayn tii hore ee hada laga bogsaday nabaradeedii in dib loo soo nooleynayo.

 

cadalaad ma jirtee waa caalamad kale  waxaa xaqiiqa in puntland makiinado lacagta sameeya iyo budhcad badeed malaayiin ku xisaabtantaa joogto. Waa in ay wax ka qabataa dawalada ina cabdirashiid ee aysan ku mashquulin laba maareeye oo aan xilka qaadistooda iyo u dayntooda midna waxba soo kordhin karin.

 

W/Q   Cabdiraxiin Hilowle Galayr

           Abdirihiin1@hotmail.com

Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso

Webmaster@calayaale.com Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir

_________________________________________________________