 |

"War saxaafadeed Xisbiga
Dimoqraadiga Banadir..."
.

"War saxaafadeed Xisbiga
Dimoqraadiga Banadir..."
REF: XDB/2/100
DATE: 17/02/2011
Ku :
Dhammaan Wax Garadka Bahweynta BANADIRLAND STATE (EX
BANADIR)
(GOBOLADA SHABEELADA DHEXE, BANADIR, SHABEELADA HOOSE).
UGAASYADA, SALAADIINTA, MALAAQYADA, AQOONYAHANADA,
HAWEENKA, ODAY DHAQAMEEDYADA
Ujeedo:
KA HORTAGGA BOOBKA SIYAASADEED IYO JAHWAREERKA KA SOCDA
MAGAALADA MUQDISHU.
Walaalayaal,Mudanayaal iyo Marwooyinba waxaan ku farax
sanahay inan idiin soo gudbino Baaqan Furan ee la
xiriira aayaha iyo Mustaqbalka Banaadirland State(EX
BANADIR).
Dadka ku abtirsada saddexdan Gobol oo hore la isugu
dhihi jiray Regione Benadir ama ex banaadir ama Banadir
zone waa dad xadaaradooda ay sarayso Soomaliya iyo
dunidane aad looga yaqaan isla markaana gobol ahaan waa
gobol Alle ku mannaystay Baarwaaqo dadkiisana Alle u
hibeeyey Aqoon iyo Dhaqan Suuban oo uu u horeeyo
Iimaanka waana dad isku kalsoon kuna kalsoon inay wax
soo saarkooda ku noolaadaan, mana ahan dad dhaqan ahaan
ku noolaan jiray shaxaad ama boob iwm.
Gobolka waxa uu can ku yahay ku dhaqanka Diinta islaamka
waana gobolka ugu aqoonta badan Culuumta Diinta Islaamka
dalka intiisa kale, waxuuna ahaa yahayna halka loo soo
doonto aqoonta Islaamka, waxaana ka dhashay Mashaaiqiin
ku Caan baxay Fidinta Diinta Islamka sida :
Shekh Awees ,Shekh Axmed gabyoow,Shekh Suufi,Shekh Cali
Maye,Macalin Maxamed Bimaalow,Ow Xiltir, Ow
Cismaan,Sheehk Ooyaaye ,Shekh Cabdi Cumar,Shekh
Muxyadiin Celi,Shekh Axmed Mattan,Shekh Med Fiqi,Shekh
Axmed Gaballe,Xasan Macalin,Shekh Abuukar
Maccalin,Sheehk Cali Muumin, Sheehk Abiikar
Mixdaar,Sheehk Ahmed Xaaji,Shekh Khaasim baraawey,Shekh
Xuseen Cadde,Shekh maxamed Faarax, Shekh Aadan
DheereSheehk Sacad Dauud,Sheehk Xaaji Maxamed
Abgaal,Sheehk Cali Xasan Gacal iyo Mashaaiq kale oo
badan oo halkan lagu soo koobi Karin.
Sidoo kale Aqoonyahanada Dalka ugu caansan iyo
saraakiisha Ciidmada waxa ay ka soo jeedaan gobolka
Banaadir.
Labaantankii sano ee dalka sharci iyo kala dambayn
la'anta ka jirtay dadka gobolkan waxa uu aha kuwii loo
geystay xadgudabyada ugu cuslaa ee dalka ka dhacay,
labantankii sano oo dhan waxaa loo diiday inay nabad
noqoto Gobolka Ex banaadir Halaag, dhimasho iyo burbur
dhaqaale inta soo gaartayna xad ma laha.
Qof kasta oo wax ku dheel ah ama doonayo inuu wax
walaaqo ama burburiyo ama umad xasuuqo wuxuu ka soo
haajiray gobolkiisii wuxuuna u soo haajiray Ex banadir ,
ha ku joogo magic, Siyaasi, Wadaad ama gaanacsade waxa
uu horseed u yahay dhibka lagu hayo dadka iyo deegaanka
Ex banaadir.
Hadaba sida looga bixi karo marxaladaan labaatan
jirsatay waa wada tashi iyo is xaqdhoowr dhan kasta ka
yimada, hadda oo la joogo xilligii si miyir qab ah looga
xaajoon lahaana waxaa soo baxaya ifafalo xun xun oo sii
doonaya in dhibka uu ku sii jiro Ex Gobolka
Banaadir,taasoo ay ugu wacan tahay dad ay u muuqdaan oo
keli inay iyaga oo qur ah wax noqdaan waxaana hogamiya
damac waalan oo aan caqliu iyo cilmi toona ku dhisnayn
oo ah aniga aan wax noqdo ama aan kursiga ku fadhiisto.
War hooy kagaasi kursiga ma ummadda ayaa loogu adeegayaa
mise ummadda ayaa lagu gumaadayaa ?
Haddii Ummadda loogu adeegayo u daa talada iyaga ayey ka
go'dayee intaas oo aqoon iyo sharaf leh ayuu leeyahay ee
adiga oo aad is taqaanid maxaamku hor dhigay.
Ujeedadaadsa wey iska cadahay waxa ad u socoto waa Gumad
Raadis, mana la joogo waqtigeedii ee yuusan waqti kaaga
dhumin inta goori goor tahay isu caqli Celi.
Warkani waxa uu ku waajahan yahay kuwa doonayo inay
aayaha Ummada Ex Banaadir ay wiiqaan iyaga oo damac
waalan hogaaminayo islamarkaana daaha gadashiisa ka
ariminayo, doonayana inay adeegsadan dad niyad sami ay
waddo iyo dad kale oo sharaf leh sida
Duubab,Culimo,Odoyaal dhaqan iyaga oo ugu sheekeynayo
wanaag ayaan qabanaynaa.
Hadaba walalyaal haddii laga tashanayo aayaha Ex Banadir
lana doonayo in la sameeyo Maamul Goboleed ma aha in
afar qof oo keli oo isugu timid Hotel dhexdiis inay
talada leeyin .
Tan kale dadka la soo xulay ee loo soo magacabay inay
dastuur(ku sheeg) u soo diyaariyan dawlad Goboleedka Ex
Banaadir soow maha tacdi iyo gef loo geysanayo Ummadda
Reer Banaadir ?
dadka la rabo inay u soo diyariyan dastuurka dawlad
goboleedka Ex Banaadir kuma aanan arag wax kaleba iskaba
daaye hal qof oo xitaa qeexi karaa waa maxay Dastuur ?
Imisa Sharci yaqaan oo weliba jaamacdo sharciga ka dhiga
ayaa ka dhashay Ex Banaadir, marka waa ihaano loo
geysanayo dadka Reer Ex Banaadir weyna ka weyn tahay
ihaanooyinkii horey loogu geystay.
Tan Xigta in wax la samaysto iyo qaabka loo samaysanayo
waxa ay ka go’daa inta arintu ay ka dhexeyso, baaq si
rasmi ah oo la isugu yeerayayo oo arintaa la xiriirto oo
aan maqaar saar ahayn weli ma dhicin.
Marka baaq noocaas ah oo kale ah la sameeyo ayey ka soo
bixi karaan in wax la samaysto, isla markaana guddiyada
ku habboon la samaysto sida: Guddiga Qaban Qaabada Shir
Weynaha Dawlaad Goboleedka . Marka la helo la iskuna
waafaqo Guddiga qabnqaabada ayaa guddiga waxa uu
magacabayaa Guddiga soo diyarinaysa Daraafka Dastuurka
ama Xeer ama Axdiga Maamul Goboleedka iyada oo weli la
isla meel dhigayo cidda loo magacaabayo hawlahaas oo
kale tilmaanta ay yeelan karaan ( criteria ).
Walaalakey Muxyadiin Xasan Afrax Gudoomiyaha Daladda
Ururada Bulshada Rayadka ee Banaadir ( Banadir Civil
Society Network ) waa ku naqaana waxaadna tahay shaqsi
niyad wanagsan oo wax kasta xagga wanaagga ka fiiriya,
balse arinkan deg deg ma galo iyo sahlasho, gadaashadana
waxa looga jeeda ama ka muuqda dad aan bulsshada si toos
ah u horiman Karin oo doonaya si maldahan inay isteejka
ku soo koraan, taasina ma soconayso waana loo wada
jeedaa , balse adiga sharaftaada iyo shaqsiyadaa ilaa
iyo hadda wey dhowrsan yihiin, maro cad ayaa wadataa ee
yeysan marada cad khad madow kaaga daadin kuwa lagu
bartaya dhagarta ummdda .
XISBIGA DIMOQRAATIGA BANADIR wuxuu ugu baaqayaa Bah
weynta ku abtirsata Ex Banaadir inay si wada jir ah uga
arinsadaan Maamul u samaynta BaanadirLand State,
caqligooda, aqoontooda iyo hantidoodana ay u huraan, si
ay u soo ceshadan maqaamkii Ex Banaadir lagu yiqiinay ,mana
jirto cid marti ka ah hawshaan iyo cid marti loogu yahay.
Ugu dambeyntii Xisbiga Dimoqraadiga Banaadir muddo laba
sano ayuu ku howlan yahay qaabka ugu wanaagsan oo lagu
xulan lahaa Guddiga qabanqaabada shirweyneha Dowlad
Goboleedka BanadirLand oo loo wada dhan yahay,sharaf iyo
karaamad leh oo sawiri karana dhamaan bahweynta
BanadirLand, run ahaantiina taasi mid sahlan maaha oo
waxay u baahantahay samir, dulqaad, waqti iyo howl fara
badan.
Guddigaan qabanqaabada wuxuu noqonayaa tilaabta ugu
horeysa dhismaha maamul ku taagan sinaan iyo cadaalad
awoodna u leh in uu soo afjaro marxaladaan 20ka sano ku
habsatay shacabka reer BanadirLand.
Wabillahi Towfiiq.

Xisbiga Dimoqraatiga Banaadir
soomaal@ymail.com
Welcome to Calayaale
Page
Sign kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Read
Akhriso
Webmaster@calayaale.com
Tafatiraha wararka
caalamka iyo
soomaliya Calayaale Media Center
calayaal@yahoo.de
kalasoo xiriir
 
|
_________________________________________________________
|