Khaatumo 2 - Nabadcurinta Bulshada
Shirkii Khaatumo Iyo Lagdankii Talooyinka
Shirkii Khaatumo sida Magaciisu yahay Iyo wixii Khaatumo u Noqdeyba waxa ay ahayeen Arin Qofkastoo Somali ahba Uu ku farxo . Shirkii Khaatumo Goobtii shirka lagu qabtayna waxa ay aheyd Magaalo Somalidu u ah Meel Keydkii Taariikhdoodu ay ku aasan tahay , Waxa Umada Somaliyeed Usoo Ifbaxdey Taariikhdii Halgamagii Weyna Maxamed Abdulle Xasan mar labaad , waana arin aanu ogeyn in marnaba Magaalo xanbaarsan Taariikhda Somaliyeed aysan ku noqoneyn Umada Somaliyeed meel somalinimada lagala dagalamo ama ay noqoto meel ay sheegtaan shufto ah Somalidiid Sida kuwa afduubka ku haya Shacabka kunool Waqooyi Galbeed Somalia . Taalo qabiil ka turjumeysa Taalo Qaranimo ka turjumeysa
Waxa ku lagdamay Goobta Labo Taalo Iyo labo Fikir oo aad u kala Fog , waxa ku lagdamey Goobta Xaq iyo Baadil , waxayna natiijadu loolaltankaasu noqoneysa in Somaliland ay dib muraayad iskugu eegto , oo ay isweydiyaan war maxaa horta naga khaldan , maxaase Aduunku noo aqoonsan waayey , maxaase Fikirkeena uu u noqon waayey mid dadkeena iyo aduunkaba ka gadmi waayey !
Waxaanu Horey ugu cadeyney Maqaalo fara badan oo aanu horey u qorney Umadan Somaliyeed in Ilaahay uu dhankasta ka mideeyey , oo meel ay u kala dhaqaaqda aysan jirinin iyo caqli kala fogeeya , waxaanu Horey uga digney shuftada iyo burcad siyasadeedka maamulo Waqooyi galbeed in riwaayadoodu aysan soconeyn , oo maalin aan fogeyn dadkay beenta u sheegayaan ay ku baraarugi donaan beentaas , lakiin shufto siyasadeed sida kuwa somaliland maamula taariikh iyo qaranimo waxba kama yaqanaan !
Magaalada Taleex Side uga soo bixi kara shirka Taleex waxaan umada somaliyeed dan ugu jirin , sow maaha meel ay ka dhisan yihiin qalcadihii taariikhda Umada Somaliyeed , Sow maaha meel iyo magaaladii lagu garaacay diyaradihii Ingiriiska , sow maaha meel taariikh iyo magac iyo maamuusba dheer magalooyin badan oo somalia ka mid ah , Sow maaha Magaalo Caan ah oo Madxafyadii aduunka oo dhani ay taal taariikhdeeda iyo magaceeda iyo maamuuskeeda , xata dadkeedu waa ka duwan yahay magalooyinka kale ee Somaliyeed !
Silaanyo Taariikhda Umada Somaliyeed maaha qabiil , maaha wax Madxafyada Caalamiga ah laga gadi karo ama UMad taariikh looga dhigi karo ee Hurdada dheer ka baraarug intey goori goor tahay , oo noqo waaqici , noqo Dr taariikhda Umada Somaliyeed wax ka yaqaan ama akhristay.
Qabiil Waligii qaran ma noqonin , Umada aduunkana kama gadi kartid iyo dadkaaga Fikir qabiil ee usoo daadag waaqica , oo ka fogow dagaal qabiil iyo burbur hor leh oo aad galiso waqooyiga Somalia , Maaha Taleex meel garan weydey xaqiiqdeeda , mana aha Shacabka reer Taleex kuwa taariikh khaldan loo dhigi karo !!!
Ugu danbeytiina waxaan ka codsanaya Silaanyo in uu siidaayo daxafiyiinta Somaliyeed ee uu Hargeysa ku xirxiray , Aduunkoo dhani waa arka waxa uu ku kacay Maamulkiisa ............
Machadka SH Istiratijiyada Siyasada Ee Geeska Africa E. Mail Adras : DrAliWarsame@Hotmail.com
Madaxiise Sare Dr : Ali Warsame
Written by Administrator editorial@calayaale.com Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir 24saac . If you have a minute, please sign my Dreambook too! Xafiiska wararka caalamka iyo soomaliya Calayaale Media Center Contact:editorial@calayaale.com Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.
|