Abu-Roobow iyo Gabre Yaa Muqdisho Xiga

By:   Dr Ali Ahmed Hirabe   Email: Hirabe_a@hotmail.com 

Ra'yi
 November 04/2007

 
Abu-Roobow iyo Gabre Yaa Muqdisho Xiga
 
Waxaan aad ugu xumahay in M.dheere uu bilaabo siyaasad aad iyo aad u fool-xum oo uu runtii ku qaldaayo dhamaan inta madaxa  yar ee caqligooda siiyay in eey ka jeclaadaan somalida Tigreega dalka qabsaday waxaanse isweeydiiyay M.dheere sow ma aheeyn ninkii lahaa biyaha iyo caanaha ayaan ka daba wadeeynaa  cadawgii soomali halka xiligaan nin walba oo wadani ah oo ka damqaaya gumaadka cadowga Ethiopia eey ka geeysanaayaan magaalada Muqdisho in uu ku tilmaamo in ninkaas wadaniga ah uusan Muqdisho waxba uusan ku laheeyn,Alo sahar umuuraha.Gabre oo ka yimid Mekele oo aan somali sinji ku laheeyn,dhul iyo diinba aanan wadaagin miyaa Mqudisho leh,ma waxaad u diideeysaa abu-robow oo la ogyahay in sinjigiisana uu yahay somaali,caasimadii-sii dalka ka difaacaya Ethiopia injireey ,muslimka ah la ogyahay meesha uu ku dhashay iyo waajibka ka saaran dufaacida dalkiisa aslo sahal umuuraha. 
 
 
Maquuste 3 Imbagaati o
 
Maquuste waxaa uu ilaa iyo hada daadka ku daray,3 dii ugu tunka weeynaa ee asaga wax ka soo doortay:
1) Waxaa uu daadka ku daray Shariif Xassan Sheekh Aadan oo runtii aanan ka mid aheeyn ururkii SSRC da ee Maquuste ku soo dhisay dalka Ethiopia inta uusan noqon m.Imbagaati,halka maanta uu xilkii shariifka uu u dhiibtay Sheekh Aadan Madowe oo ka midka ahaa aasaasayaashii ururka SSRC da ee Ethiopia lagu soo dhisay.
 
2) Waxaa uu daadka ku daray gudoomiyihiin maxkamada sare ee imbagaati oo asna aanan ka mid noqon ururkii SSRC da,hadana ku jira xabsiga Muqdisho welina aanan la soo taagin maxkamad,waxaa weli la sugayaa in gudoomiyaha maxkamada sare loo magaacbo nin ka mid ah ururka SSRCda aaminsane in Tigreega laga jeclaado cidwalba.
 
3) Waxaa uu daadka raaciyay Cali .M.Geedi oo runtii asna ahaa nin siyaasada ku soo galay qaab somalida eey wada ogtahay xaqiidiina M.dheera ahaa ninka xildhibaanimada ugu baxay,hadase la jaan qaadi waayay mabdaá ururka SSRC da,sida laga war hayo M.dheere asna waxaa uu ka mid ahaa aasaasayaashii ururuka SSRC da ee lagu soo dhisay Ethiopia.
 
M.dheere waxaa soo magacaabay Atto Meles Zanawi welina waxaa uu ku dhex jiraa fulinta mabdaá ururka SSRC da waxaana waana nin  aad u jecel Tigreega waxaa iyana dalka laga eryay in ku dhaw 50 xildhibaan oo aanan asal ahaan ka mid aheeyn ururka SSRC da xiligaana doorbiday in eey raacaan xoogagii maxkamadaha Islaamka ee xiligaan fadhigooda yahay dalka Eritareia.Xil iyo darajo nagama mudna kuwa Ethiopia dalka ku qabsaday ciribtooda waxaa eey ahaan hoog,gobonimo in loo dagaalo maaha mid umada soomaali eey ku cusub tahay dalkaana waxaa madax ka noqon kara ninka ka damqada dhibka dadka,dalka iyo diinta lagu hayo.xiligaana waxaa uu Maquuste u socdaa in uu cagta mariyo kuwii la baxay samatabixinta ee Muuse Suudi madaxd u ahaa iyo G 8 M.Qanyare Afrax & Mowliid Macaani inta soo hartay waxaa eey ahaayeen SSRC da Ethiopia.Suntow Zanaawi Sameeyay Nin Safar ahaa Sida Maanta.Suntii waa SSRC da mabdaeeda uu hada socdo welina lagu jiro sidii loo taabo gelin lahaa,Maquuste waa safar cida bedeli laheeyd waxaa eey ka imaaneeysaa Ethiopia sida Al-azhari iyo Maquuste eey ugu yimaadeen dhulka somali ee Ethiopia,Maquuste kuma dhalan Galkacayo balse waxaa uu ku dhashay dhulka kalinka 5 aad ee Ethiopia cidna kama qarsoona. 
 
 
Abuubakar Sadiiq (RC) Waxaa eey taariikhda sheegeeysaa in uu maalin maalmaha ka mid ah uu aad u ooyay iyada oo eey axsaabta wada fadhiyaan,markii la weeydiiyay waxa uu la ooyayo waxaa uu ku jawaabay:waxaan arkay shibiro iska duuleeya,cunaysa,cabaysa,oo waliba nool irasqooda ilaahaa balan qaaday,noloshoodana ilaahaa balan qaaday waxaan ogaaday in goorta eey dhintaan in aanan danbi loo raacan doonin,waxaan ogaaday in abna Aadanka in uu shibrihaa la wadaago dhalashada,cunida,cabida iyo nolosha aduunka ee ilaah qoray waxaanse la ooyay in qiyaamaha Aadanaha aan leeyska dhaafi doonin balse la xisaabin doono,alow sahal umuuraha xisaab ayaa danbeeysa cidwalbana waa la weeydiin waxa uu qabsaday inta aduunka lagu noolaa,waxaa xaqiiq ah in Maquuste iyo M.dheere iyo Ethiopia la xisaabin doona qofwalba waxaa looga baahan yahay in uu taas aamino. 
 
Cumur Bib-qidhaab (RC) waxaa eey taariikhda sheegeeysaa in laga qoray xiligii ugu dhibka badnaa ee abaarta eey ku habsatay dhukiii uu ka talin jiray qoraal runtii aad iyo aad loo xuso,waxaa uu aad ugu hadlay xilika saaran iyo sida eey mudan tahay in uu ula falgalo,waxaa uu xiligaa dhahay asaga oo la hadlaayo calooshiisa gaajada haysa darteed: in calooshiisa eeyan weligeed dhargeeyn inta caruurta islaamka eey gaajeesan yihiin,Cumar waxaa lagu tilmaamaa aduunkan ninkii ugu caadilsanaa ee soo mara waxaa lagu qeexay in uu ahaa CUMAR BINKHIDAN (RC) waxuuna soo xukumay aduunkaan 10 sanno iyo 6 bilood waxaana lagu tilmaamaa in uu ahaa nin caadil ah ,nin raxmad badnaa. nin awood badnaa . Dibufiiri taariikhdii cumar iyo asxaabtii muslimiinta aheeyd.
 
Gurmadkii Garowe iyo Godeey Weys Garbinayaan Gobonimo u dirir baan Galniyo Gukufcolaadeede  Gaashaan buursi Gaboobaa jiriyo Gaallo Garabsiinta,Gaf beey nagu hayaan iyo Gardaro Gaamurtaye, Garabka ii Saar Gamuun waaba Gubayaaye, ku gumaada Ga trii Cadowga labada Geesoode , Waa in aan Gumaadnaa Amxaar Galinka Maantaa he, Garab maray Ninkaa lahaa Waa u Gacal Guuxa umadiisa, u Galiimay Goodkii duqaa maalin Galinkeeda, haddow kaaga tagi Geed Cidlaa Sida Gool Libaax helaye Ma Gareeysan weli Gaf-kow ka Galay Gacaladiisiiye, isku Guba waa waxeey Galabsadeen Maanta.
 
 
 
Dr.Ali.A.Hirabe                        Hirabe_a@hotmail.com

 

_________________________________________________________